Wararka maanta

Madixii Shirkadda Biyaha Magaalada Galkacyo oo ay Kooxo Hubeysani Toogasho ku dileen.

Madixii shirkadda biyaha magaalada Galkacyo ayey kooxo hubeysan toogasho ku dileen aroornimadii hore ee saaka bartamaha magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka mudug.

Kooxo ku hubeysnaa bastoolado ayaa toogasho ku dilay mas'uulka oo lagu magacaabi jiray Cali Jaamac Biixi, iyadoo dilka mas'uulkaas uu dhacay xilli uu ka soo baxay masjid ku yaala magaalada Galkacyo oo uu salaadii subax ku soo tukaday.

Kooxaha dilka geystay ayaa durba goobta ka baxsaday, iyadoo muddo kadib ay ciidamada amaanka magaalada Galkacyo ay goobta soo gaareen.

Lama oga cidda ka dambeysa dilka mas'uukaas oo sida la sheegay aan ku jirin arrimaha siyaasadda, waxaana dilkiisa si weyn uga xumaaday shacabka magaalada Galkacyo ku dhaqan oo sheegay in dilka loo geystay madixi shirkadda biyaha Galkacyo uu ahaa fal waxuushnimo ah.

Dilka mas'uulkaan ayaa imaanaya xilli magaalada Galkacyo ay ku sii kordhayaan dilalka iyo qaraxyada, iyadoo aan si dhab ah loo ogeyn cidda rasmiyan ka dambeysa.

Bayuur Makaraacday Jarmal 'Xeebaha Soomaaliyaan ka ilaalinaya Bucdhac Badeed".

Dowlada Jarmalka oo kamid ahayd dowladihii u soo tafa xaytay budhcad badeedka soomaaliyeed iyo in ay maraakiibtooda ka ilaaliyaan in wax lagu yeelo badaha soomaaliya ayaa markab ay lahaayeen jarmalka lagu afduubay xeebaha soomaaliya oo ayna afduubeen budhcadkii ay uyimaadeen in ay ka ilaaliyaan maraakiibta, oo ay walibana ku bixiyaan lacag in lasiidaayo markab kooda.

Guddoomiyaha degmada Eyl ninka la yiraahdo C/laahi Saciid Aw-Yuusuf ayaa xaqiijiyey sii deynta markabka lagu heystay xeebaha degmada Eyl, isagoo sheegay in markab kale oo laga leeyahay dalka Jarmalka uu keenay lacagta madax furashada ah ee lagu sii daayey.

"Waa la sii daayey markabka, waxaana kooxhii uu u faduubnaa la siiyey lacag dhan 750-kun oo doolar" ayuu yiri C/laahi Saciid Aw-Yuusuf guddoomiyaha degmada Eyl ee maamulka Puntland.

Wuxuu sheegay inaanu jirin wax dhexdhexaadin ah oo laga dhex sameeyey kooxaha markabka afduubka u heystay iyo shirkadda bixisay lacagta madax furasha ah ee lagu sii daayey markabka laga lahaa dalka Jarmalka.

Markabka ay sii daayeen kooxaha burcad badeedda ah ayaa lagu magacaabaa Lehmann Timber, waxaana saarnaa shaqaale dalal kala duwan u kala dhashay kuwaas oo si nabad galyo ah loo wareejiyey kadib sii deynta markabka.

Home // Warar hore // Taariikh // Faallo // Maqaallo // Agoonta S/galbeed // Xidhiidhka
Copy right © Soomaligalbeed 2006

Email:Webmastar@soomaaligalbeed.com

Website: http://www. soomaaligalbeed.com