Wararka maanta

Xoogagga Al-Shabaab oo la wareegay Maanta Magaalada Xuduree Gobolka Bakool.

Dagaalyahannada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa saaka la wareegay gacan ku haynta Magaalada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool iyada oo Maamulkii DFKMG ah ee la shaqeeya Gumeysiga Itoobiya uga wakiilka ahaana isaga baxeen.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in Maamulkii DFKMG ah ee la shaqeeya Gumeysiga Itoobiya uga wakiilka ahaa magaaladaasi ay u baxsadeen dhinaca Magaalada Baydhabo oo ah Magaalada kaliya ee Gobolka baay ay ku harsanyihiin ciidamada Gumeysiga Itoobiya iyo kuwa la shaqeeya.

Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa la sheegayaa in ay dageen Saldhiga Booliiska iyaga oo sidoo kale galay xarumihii Maamulka DFKMG ah halkaasi ku lahaa.


Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay mujaahidiintu halkaasi qabsadeen iyada oo aan lagala hor’imaan wax Dagaal ah.

Ma aha markii ugu horeysay oo ay Al-shabaab gacanta ku dhigaan magaalooyin ka mid ah gobolada Dalka Soomaaliya gaar ahaan Gobolka Baay iyo Bakool, lamana sheegi karo hadda in ay ku sii nagaanayaan iyo in kale.

 

Home // Warar hore // Taariikh // Faallo // Maqaallo // Agoonta S/galbeed // Xidhiidhka
Copy right © Soomaligalbeed 2006

Email:Webmastar@soomaaligalbeed.com

Website: http://www. soomaaligalbeed.com