|
Wararka
maanta
|
||
|
Ciidamada Gumaysiga Itoobiya oo Dilal iyo Xarigba u gaystay Shacabka S/galbeed Maalmihii lasoo dhaafay. Ciidamada gumaysiga itoobiya ayaa dhibaatada uu ku hayo shacabka s/galbeed ay maalinba maalinta kasii dambaysa ay kasii badanaysaa iyadoo dhibaatadii ugu dambaysay meelihii ay ka kala gaysteen ay kamid ahaayeen sidan:- 1- Degmada
Dhuxun ee Gobolka Nogbeed ee dhulka soomaaaligalbeed ayay ciidamada gumaysiga
itoobiya ku xidh xidheen, kuna Jidh dileen:- Isla degmadaa Tuulada Abeesaale Waxay ciidamada Gumaysigu Dhac iyo Garaac isugu dareen nin meeshaas Dukaan Cooshad ah ku haystay oo aanaan magaciisa wali helin. 2- Magaalada
Dundumo cad waxay cadawgu ku xidheen kuna dhaawaceen dadkan hoos ku qoran:_ 3- Magaalada Qabri Jeeraar waxay ciidamada Cadawgu ku xidheen dad dhor ah oon magaciisa ka helnay Anas Xaaji yuusuf. 4- Tuulada
Malqaqa oo katirsan galaalshe waxay ciidamada gumaysigu ku dileen kuna
dhaawaceen 5- Bulaale
waxaa iyana lagu xidh xidhay dad badan oo aan magaciisa ka hayno dadkan iyo dadkasii badanba waxaa loo xidh xidhayaa ama loo dilayaa waxaad garab u tahay ama aad wax siisay Mujaahidiinta ladagaalamaya cadawga Ilaahay iyo kan shacabka S/galbeed. Ciidamada dowladda KMG oo Saaka baaritaano ka sameeyey Qeybo kamid ah Degmada Yaaqshid ee Magaalada Muqdisho. Ciidamada dowladda KMG. ayaa saaka baaritaano ka sameeyey qeybo kamid ah degmada Yaaqshid ee magaalada Muqdisho gaar ahaan deegaanada Towfiiq illaa Fagax. Ciidamada dowladda ayaa gaadiidka dadweynaha ee wadada isticmaalayey waxa ay ku sameynayeen baaritaano xooggan, iyagoo rakaabka gaadiidka saaran soo dajinayey kadibna mid mid u baarayey. Wararka laga helayo deegaanadaas ayaa sheegaya in ciidamada dowladda ay sidoo kale baaritaano ka fuliyeen suuqa Towfiiq iyo xaafadaha ku teetsan, iyadoo la sheegay inay ciidamadu sameeynayeen baaritaano guri guri ah. Si cad looma oga ujeedada ka dambeysa baaritaanka ay ciidamada dowladdu saaka ka sameeyeen degmada Yaaqshid iyo waxa uu salka ku hayo. Sidoo kale wararka laga helayo degmada Waaberi ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan dowladda KMG ah ay iyagana saaka baaritaano ka sameeyeen deegaano ka tirsan degmada Waaberi. Lama sheegin cid ay illaa iyo hadda ku soo qabqabteen baaritaanada ay ciidamada dowladdu saaka siyaabo kala duwan uga sameeyeen qeybo kamid ah xaafadaha magaalada Muqdisho. Si kastaba
ha ahaatee ciidamada dowladda ayaa badanaa baaritaano waxa ay ku sameeyaan
deegaano ka tirsan xaafadaha magaalada Muqdisho, iyagoo baaritaanadaas
ku soo qabqabtay dad fara badan oo ay xabsiyadaa u taxaabaan. Dhibaatadii Kadhalatay Iibkii Hotelka Grand Regency oo Cirka Isku Shareertay. Waayahanba waxaa wadanaka kenay kataagnaa xisado kusaabsan fadeexadii hotelka GARAND RAGENY, kadib markii ay soo shaac baxday in si qarsoodi ah looga iibiyay hotelka caanka ah ee GARAND REGENCY shirkad lagumaga caabo LIBIA ARAB AFRICAN INVESMENTS CAMPANY.LMT. Markii ay shacabka reer kenya maqleen in lagatay Qaar kamid ah hantidoodii ugu caan sanayd, oo ay rabshado kiciyeen ayay baarlamaanka kenya dalbadeen in lahorkeeno wasiirka baarlamaanka hortiisa oo cod mooshin ah loo qaado. shirkadan ayaa waxaa soo food saaray wazirka maliayada MR AMIS KIMUNA cadadis kaga imaanayay dhanka baarlamaanka kadibna looba qaaday mooshin. Waziirka
ayaa asagu ku adkaysanahayay in loo iibayay hotelka si sharciga waafaqsan,mar
uu kahadalayhayay banan bax lagu taagerahayay waziirka oo kadhcay meesha
laga soo doorto EE KIRINGA aya waxa uu sheegay in uu kadoorbidahay in
uu iscasilo in u geeriyoodo wayo waxa uu yidhi haday iscasilaan raisul
wazaaha dalkan kenya mr RAILA ODINGA waziirka dhulka JAMIS ORENGO, Dadka shacabka
ah ayuu yahay lisaanu xaalkoodu "Tolow maxaa laga yeeli kimunya hadii
laguhelo musuqmasuqan" Dowlada kenya oo Sharci Cusub kusoorogatay in aan lagucabi Karin Sigaar Goobaha ay kubadan yihiin Dadaku. Dowlada
kenya ayaa waxay kusoorogatay sharci cusub in aan lagucabin sigaar
goobaha ay kubadan yihiin dadaka, sharciagan aya waxa uudhigayaa nin kii
lagu helo asaga oo kucabaya sigaar goobaha ay kamidka yihiin HOTELADA
GURYAHA WADOOYINKA FADHI KUDIRIYADA GAWAADHIDA DHEXDOODA XAFIISYADA IYO
GOOBAHA WAX LAGUBARTO, Xoogagga mujaahidiinta Al-shabaab oo xalay weerar ku qaaday magaalada Beydhabo Xoogagga hubeysan ee Al-shabaab ayaa xalay weerar ku qaaday magaalada Beydhabo, iyagoo bartilmaameedsaday xarumo gaar ah oo ku yaala magaalada Beydhabo ee xarunta barlamaanka Soomaaliya. Xoogagga Al-shabaab ayaa madaafiic ku weeraray garoonka diyaaraha magaalada Beydhabo, xarunta madaxtooyada ee magaaladaas iyo warshadda oomada Xasey oo fariisin u ah ciidamada Itoobiya ee ku sugan magaaalada Beydhabo, waxaana sidoo kale dagaal uu dhexmaray xoogagga Al-shabaab iyo ciidamada dowladda KMG ah. Sida ay sheegayaan wararka laga helayo magaalada Beydhabo weerarka madaafiic ee xoogagga Al-shabaab ay ku qaadeen garoonka diyaaradaha magaalada Beydhabo waxaa ku dhaawacmay qaar kamid ah ciidanka dowladda KMG ah, iyadoo dhaawaca ciidankaas la dhigay isbitaalka magaalada Beydhabo. Daryanka madaafiicda ayaa xalay si weyn looga maqlayey xaafadaha magaalada Beydhabo, iyadoo dadka ku dhaqan magaaladaas ay welwel ka muujiyeen dagaalka xalay ka dhex qarxay bartamaha magaaalada Beydhabo. Saraakiisha dowladda KMG ah ee magaalada Beydhabo iyo maamulka gobolka Bay midna weli kama hadlin weerarka lagu qaaday magaalada Beydhabo ee xarunta gobolka Bay. Weerarka
xoogagga Al-shabaab ay xalay ku qaadeen magaaalada Beydhabo ayaa noqonaya
kii ugu horeeyey oo ay xoogagaas ku qaadaan magaalada, iyadoo magaalada
Beydhabo ay tahay xarunta barlamaanka Soomaaliya. |
||
| Home // Warar hore // Taariikh // Faallo // Maqaallo // Agoonta S/galbeed // Xidhiidhka | ||
| Copy right © Soomaligalbeed 2006 |
Email:Webmastar@soomaaligalbeed.com |
Website: http://www. soomaaligalbeed.com |