|
Wararka
maanta
|
||
|
WABIGA SHABEELE OO FATAHAAD KASAMEEYAY GOBOLKA SHABEELADA HOOSE. Wabiga Shabeelle ayaa xalay ku fatahay deegaano katirsan gobolka Sh/hoose, waxaana la sheegay in fatahaadda webiga ay geysatay khasaaare xooggan. Inka badan 7-tuulo oo ku yaala deegaanka Jidda Janaale ayuu webigu ku fatahay, waxaana la sheegay inuu baabi'iyey dalag badan sida ay sheegayaan wararka halkaas laga helayo. Dadkuu ku dhaqnaa tuulooyinkaas ayaa isaga barakacay deegaanadooda kadib markii uu webiga Shabeelle si xun ugu fatahay halkaas. Deegaano kale ayaa laga cabsi qabaa in webigu ku fatoho, waxaana wararku ay sheegayaan in biyaha webiga ay marba marka ka dambeysa sii xoogeysanayaan oo laga yaabo in deegaano cusub ay ku fatahaan. Dhawaan ayey aheyd markii webigu ku fatahay deegaanka Kuntuwaarey ee isla gobolka Sh/hoose halkaaas oo uu khasaare xooggan ka geystay. KOOXO HUBAYSAN OO XALAY NIN KU DILAY XAAFADA SUUQ BACAAD. Kooxo hubeysan ayaa xalay nin ganacsade ah waxa ay ku dileen xaafadda Suuq Boocle degmada Dharkeynley ee magaalada Muqdisho. Kooxaha dilka geystay oo ka koobnaa 6-nin ayaa la sheegay inay ku hubeysnaayeen bastoolado kuwaas oo rasaas la beegsaday ninka xilli uu ku jiray gudaha goobtiisa ganacsi. Ninka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray C/dulle Cumar, waxaana wararku ay sheegayaan in wiil uu dhalay dhaawac uu ka soo gaaray goobta uu dilku ka dhacay. Ciidamo katirsan dowladda KMG ah ayaa la sheegay inay dilka kadib goobta soo gaareen kuwaas oo hakad galiyey dhaqdhaqaaqa dadka iyo ganacsiga. Ma cadda sababa ka dambeeya dilka ninkaan ganacsadaha ah, hase ahaateee waxa uu qeyb ka yahay dilalka sida joogtada ah ah uga dhaca magaalada Muqdisho. Si kastaba
ha ahaatee degmada Dharkeynley ayaa maalmihii ugu dambeeyey waxaa ka dhacay
dilal dhowr ah oo loo geysanayo dadka rayidka ah kuwaas oo aan la aqoon
rasmiyan cidda ka dambeysa. DAGAAL XOOGAN OO XALAY KADHACAY XAAFADA KM4 EE MAGAALADA MUQDISHO. Dagaal xooggan ayaa xalay saqdii dhexe waxa uu ka dhacay isgoyska KM4 degmada Hodan ee magaalada Muqdisho, iyadoo dagalka ay sheegteen xoogagga Al-shabaab oo kamid ah xoogagga dagaalka kula jira ciidamada Itoobiya iyo kuwa DF. Abaaro 3:00 ee xalay saq dhexe ayaa lagu soo baraarugay daryank hubka nuucyadiisa kala duwan, iyadoo uu markaa kadib bilowday iska horimaad fool ka fool ah oo u dhexeeya ciidamada AMISOM iyo xoogagga Al-shabaab. Dagaalka oo ahaa mid aad u xooggan ayaa labada dhinac waxa ay isku adeegsanayeen hubka nuucyadiisa kala duwan, waxaana madaafiic habow ah ay ku dheceen deegaano ka baxsan goobaha uu dagaalku ka socday. Lama oga khasaaraha gaaray labada dhinac ee uu dagaalku dhexmaray, hase ahaatee inta la xaqiijiyey 5-qof oo shacab ah ayaa ku dhaawacantay labo madfac oo siyaabo kala duwan ugu dhacay deegaano katirsan KM4 iyo xaafadda Taleex ee degmada Hodan. Dagaalka ayaa ku soo beegmay xilli dad badan ay isku diyaarinayeen amaba ay afka kula jireen suxuurta, iyadoo dadka qaarkii gaar ahaan kuwa ku dhaqan hareeraha goobta uu dagaalku ka dhacayey aaneyn u saamixin inay suxuurtaan welwel iyo casbo soo wajahday darteed. Si kastaba
ha ahaatee dagaalka xalay ka dhacay isgoyska KM4 gaar ahaan fariisimada
ay halkaas ku leeyihiin ciidamada AMISOM ayaa ku soo beegmaya xilli uu
dhawaan afhayeenka Al-shabaab Sheekh Muqtaar Roobow ku baaqay in dagaalka
la dardar galiyo bisha Ramadaan Awgeed. DAGAAL XALAY KADHACAY MAGAALADA BAYDHABO EE GOBOLKA BAY. Dagaal iyo duqeyn ayaa xalay ka dhacay xaafado katirsan magaalada Beydhabo ee xarunta gobolka Bay halkaas oo ay isku fara saareen xoogagga Al-shabaab iyo ciidamada dowladda KMG ah. Dagaalka ayaa ka dhacay xaafadda Suuqa Xoolaha ee magaalada Beydhabo, waxaana xoogagga hubeysan ee Al-shabaab muddo kooban kadib ay la wareegeen gacan ku heynta saldhigga ciidanka booliska sida ay sheegayaan ilo lagu kalsoon yahay. La wareegista saldhigga ee xoogagga Al-shabaab kadib ayaa la sheegay inay tiro madaafiic ah ku duqeeyeen garonka diyaaradaha magaalada Beydhabo iyo xarunta madaxtooyada ee isla magaalada Beydhabo. Si cad looma oga khasaaraha ka dhashay dagaalka iyo duqeynta xalay ka dhacday magaalada Beydhabo, hase ahaatee ilo lagu kalsoon yahay ayaa ku waramaya inuu jiro khasaare ka dhashay dagaalka gaar ahaan mid soo gaaray ciidanka dowladda KMG ee xoogagga looga saaray saldhigga ciidanka ee Suuqa Xoolaha. Xaaladda magaalada Beydhabo oo aad u kacsaneyd ayaa wararku ay sheegayaan inay saaka deggan tahay, islamarkaana dhaqdhaqaaqa dadka iyo gaadiidka uu saaka caadi yahay. Si kastaba
ha ahaatee dagaalka ka dhacay magaalada Beydhabo ayaa ku soo beegmay xilli
dagaal kale uu isna ka dhacay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, waxaana
labada dagalba mas'uuliyadooda sheegtay dhaqaaqa hubeysan ee Al-shabaab. CIIDAMO ISAGU JIRA SOOMAALI IYO TOOBIYAAN OO ISU SOO DHIBAY XOOGAGA MUJAAHIDIINTA. 9-askari oo mid kamid ah uu yahay askari katirsan ciidanka Itoobiya ayaa isku soo dhiibay xoogagga hubeysan ee dagaalka kula jira dowladda maqaar saarka ah iyo ciidamada gumaysiga. Askarta isi soo dhiibtay oo bahda saxaafadda loo soo bandhigay ayaa watay qoryohooda iyo dareeska ciidamada, waxaana ay sheegeen inay garteen inay ka soo baxaan ciidamada. Qaarkood oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in markii hore lagu waday qaab waxbarasho ahaan ah, hase ahaatee markii dambe loo sheegay inay tababar qaataan oo ay ciidan noqonayaan. Waxay sheegeen in dhibaatooyin badan ay la kulmeen mudadii ay ciidanka ahaayeen, islamarkaana mar walba lagu qasbi jiray inay shacabka dhibaateeyaan. Askariga Itoobiyaanka ah oo sidoo kale la hadlayey bahda warbaahinta ayaa sheegay inay isagu shaqsi ahaan garowsaday inuu isaga baxo ciidanka, kol haddii buu yiri ay dhibaatooyin u geysanayaan dad maato ah oo aan waxba galabsan. "Waxaan dhibsaday falalka qaar oo ay ciidamadeeena kula kacaan dadka maatada ah, had iyo jeer inaan wax dilno baa lagu qasbi jiray" ayuu yiri askariga Itoobiyaanka ah. Si kastaba ha ahaatee afhayeenka dhanka howlgalada maxkamadaha islaamka oo gaba-gabadii halkaas ka hadlay ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan ciidamada kale ee weli baaqiga ku ah xeryaha ciidan ee dowladda KMG ah iyo kuwa Itoobiya, iyadoo aaney aheyn markii ugu horeysay oo ciidamo ka soo baxsaday DF iyo ciidamada Itoobiya ay isu soo dhiibaan dhanka dowladda KMG ah.
|
||
| Home // Warar hore // Taariikh // Faallo // Maqaallo // Agoonta S/galbeed // Xidhiidhka | ||
| Copy right © Soomaligalbeed 2006 |
Email:Webmastar@soomaaligalbeed.com |
Website: http://www. soomaaligalbeed.com |