|
Wararka
maanta
|
||
|
Mu'tamar
Islaami ah oo lagu qabtay Wadanka Sweden oo ay Kasoo Qayb galeen Culimo
Caan ah oo la soo gabagabeeyey. Mutamar Islaamiga ee kasocdey caasimada dalka Sweden ee Stockholma ayaa maalintii shalay aheyd lasoo gabagabeeyey iyadoo tirada dadka kasoo qeyb galay lagu qiyaasey ilaa iyo 2000 oo ruux kuwaasoo intooda badan kakala yimid wadamada Skaanideefiyaanka. Mutamarkan ayaa sanadkiiba mar laqu qabtaa dalka Sweden iyadoo looga gal leeyahay sare u qaadida wacyiga diineed ee soomaalida ku dhaqan wadamada Iskaandeefiyaanka.Soomaalida ku dhaqan Skaanideefiyaanka ayaa ah kuwo diinta aad u barta marka loo fiiriyo soomaalida dalalka kale ku dhaqan. Mutamarkan oo ciwaankiisu ahaa Turaanturooyinka iyo Turxaan bixintooda ayaa waxaa ka qeyb qaadatey Culumo Soomaaliyeed oo kakala timid aduunka dacaladiisaa waxayn culumidii ka qeyb qaadatey kala ahaayeen sidan:- 1) Sheekh
Yuusuf Axmed ( Sweden) Mutamarka ayaa waxuu ku dhamaadey jawi wanaagsan iyadoo lagu soo gunaanadey Nadwo culumudu su'aalo lagu weydiinayay.
Ciidamada Middowga Jabhada Xoraynta S/galbeed oo Maalintii shalay ahayd Weerar ku qaadeen Ciidamo Katirsan kuwa gumaysiga itoobiya oo Marayay Tuulada Malayko. Ciidamada
Middowga Jabhada Xoraynta S/galbeed ayaa maalintii shalay ahayd waxay
weerar ku qaadeen ciidamo katirsan kuwa gumaysiga itoobiya oo marayay
Tuulada malayko oo katirsan degmada Garbo ee Gobolka Nogbeed ee dhulka
s/galbeed . Dagaalkan
ayaa ku soo beegmay xili ay ciidamada gumaysiga ay maalin kahor halkaas
ku dhaawaceen in ka mid ah dadka degen ceelka Malayko oo magaciisa la
oran jiray Ganay Sh saxane, iyagoo markii ay ninkas rasaasta ku fureen
Mayd ahaan uga tagay halkaas . Dhanka kale Ciidamada Gumaysiga Itoobiya ayaa Reero degen Inta udhaxaysa Magaalooyinka Geri go'an iyo Shiniile Dab qabadsiiyay Guryahoodii waxii rag ahaana garaac oogu daray kagana tagay meel cidla ah oo ay iyaga iyo ilmahoodiiba tuman yihiin . Ciidamada mujaahidiinta MJXSG oon marnaba ka nasanin wax yeelaynta cadawga ayaa ku tagay Ceelka malayko qaylo dhaan kasoo yeedhay dhanka shcabka degen malayko kadib markii ay ciidamo uu hogaaminajo sargaal Oromo ah uu hal kaas ku dhaawacay muwaadintaas. kal sooco waxii warar ah ee kasoo kordha wadanka s/gabeed warsidaha soomaaligalbeed.com
|
||
| Home // Warar hore // Taariikh // Faallo // Maqaallo // Agoonta S/galbeed // Xidhiidhka | ||
| Copy right © Soomaligalbeed 2006 |
Email:Webmastar@soomaaligalbeed.com |
Website: http://www. soomaaligalbeed.com |