|
Wararka
maanta
|
||
|
SADEX QOF OO GANACSATO SOOMAALI AH OO LAGU DILAY WADANKA K/AFRIKA. Seddex wiil
oo somali ah ayaa geeriyootay seddex kalane waa la dhaawacay kadib markii
kooxo hubaysan oo burcad ah una dhashay dalka south african ay weerar
kusoo qaadeen goobo kala duwan oo dukaamo ku laahaayeen somaalidaasi oo
ku yaala tuulooyinka wadanka south africa. : Arintani
ayaa waxaa walaac ka muujiyay soomalida ku dhaqan wadankan south africa
gaar ahaan kuwa dukaamada ku leh tuulooyinka ayagoo sheegay in ay tahay
waxa iminka dhacayo xad ka bax aysan jirin cid u maqan ama xaquuqdooda
u dooda WADOOYINKA MAGAALADA JIGJIGA OO CIIDAMO ITOOBIYAAN AH LASOO DHOOBAY. Maalmihii u dambeeyay siiba xilliyada habeenkii ah ayaa waxaa Ciidamo tiro badan oo ka tirsan Booliska Fadaraalka ah waxaa la soo dhoobay gudaha magaalada Jigjiga siiba meelaha waddooyinka ah iyo meelaha kale ee uu Shacabku ku badan yahayba. Ciidamada ayaa la sheegayaa in ay baarayaan dadka caadiga ah iyagoo waydiinaya Waraaqahooda Aqoonsiga ah, iyo gaadiidka kale ee waddooyinka maraya, waxaana laga dareemayaa feejignaan balaaran. Hawlgalkan baraaran ee ay ciidamada Fadaraalku ka fulinayaan gudaha Magaalada Jigjiga ayaa waxaa lagu sheegay in uu daba joogo qaraxii dhawaan ka dhacay magaalada Addis Ababa ee ay ku dhinteen dadka badani. Askarta
Fadaraalka ah ayaa waxay gaar ka hayaan inta badan goobaha muhiimka ah
ee magaalada Jigjiga iyo wadooyinka waaweyn si ay uga hortagaan qaraxyo
ka dhaca Magaalada taas oo khalkhal galin karta ammaanka magaalada Jigjiga CIIDAMADA
IYOOBIYA OO DAD SHACAB AH KU LAAYAY MAGAALADA BARDAALE. Ciidamada Itoobiya ee shalay uu dagaalku ku qabsaday meel ku dhow degmada Bardaale ayaa dilay inka badan 14-qof oo rayid ah kuwaas oo la sheegay in ciidamada Itoobiya ay si bareer ah u dileen. Meydadka dadkaan ay laayeen ciidamada Itoobiya ayaa laga helay gudaha degmada Bardaale iyo goobaha ku dhowdhow, waxaana dadkaan la sheegay inay badankood ahaayeen dad Beeraley ah iyo kuwa xoolo dhaqato ah. Meydadka dadkan ay laayeen ciidamada Itoobiya ayaa lagu aasay qabuuro ku yaala degmada Bardaale si ay wararku sheegayaan, waxaana ilo lagu kalsoon yahay ay ku waramayaan inay jiraan dad weli la la'yahay. Ciidamada Itoobiya ee falkaan xasuuqa ah geystay ayaa watay inka badan 18-gaari waxaana ay shalay subax ka soo bexeen magaalada Beydhabo ee xarunta gobolka Bay, iyagoo ku sii jeeday gudaha dalka Itoobiya. Wararka
laga helayo gobolka Bay ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiyaanka ah ee
shalay uu dagaalku ku qabsaday duleedka degmada Bardaale ay soo galbin
doonaan ciidamo fara badan oo itoobiyaan ah kuwaas oo ka soo baxaya gudaha
dhulka Itoobiya. Dhawaan ayey aheyd markii ciidamada Itoobiya ay ku xasuuqeen inka badan 60-qof oo rayid ah deegaanka Carbiska oo ku dhow degmada Afgooye kadib markii qarax lala beegsaday mid kamid ah gaadiid kolonya ah oo ay wateen. MADHABAA DHALANTEEDKA MARAYKANKA EE XEEBAHA SOOMAALIYA. Dowladda
Maraykanka ayaa markii ugu horeysay shaacisay inay dhistay ciidamo badmaaxiin
ah oo si gaar ah uga howlgala xeebaha dalka Soomaaliya iyo tan gacanka
Cadmeed. Wuxuu sheegay in ciidamadan gaarka ah ay adeegsan doonaan maraakiib iyo diyaarado Helicopter ah oo dulheehaaba xeebaha dalka Soomaaliya, si ay ula socdaan dhaqdhaqaaqa burcad badeedda. Wuxuu intaas raaciyey in howlgalada nuucaan ah ee looga hortagayo burcad badeedda ay dhiira aglin xooggan siin doonto maraakiibta ganacsiga ee isticmaala biyaha gacanka Cadmeed iyo kan Soomaaliyaba. Xeebaha Soomaaliya iyo gacanka Cadmeed ayaa labadii bil ee ugu dambeysay waxa ka dhacayey afduub baahsan oo kooxo burcad badeed Soomaali ah ay kula hacaan maraakiibta. Si kastaba
ha ahaate warka ku saabsan in dowladda Mareykanku ay ciidamo gaar ah u
sameysa sidii looga hortagi lahaa falalka afduubka ah ayaa ku soo beegmaya
xilli inka badan 10-markab ay afduub ahaan gacanta ugu jiraan kooxo burcad
badeed Soomaali ah.
|
||
| Home // Warar hore // Taariikh // Faallo // Maqaallo // Agoonta S/galbeed // Xidhiidhka | ||
| Copy right © Soomaligalbeed 2006 |
Email:Webmastar@soomaaligalbeed.com |
Website: http://www. soomaaligalbeed.com |