Wararka maanta

Dagaal aad u culus oo u Dhaxeeya Labo Maleeshiyo oo Ka dhacay Degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.

Dagaal aad u culus ayaa waxa uu ka dhacay degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud, iyadoo dagaalka uu ahaa mid la isku adeegsanayey hubka nuucyadiisa kala duwan.

Sida ay sheegayaan wararka laga helayo degmada Cadaado dagaalka ayaa ah mid salka ku hayo muran xagga dhulka ah, waxaana uu u dhexeeyaa dhinacyo hubeysan oo iska soo horjeeda.

Inta la og yahay afar qof oo seddax ay yihiin ciidamada amaanka ee degmada Cadaado ayaa dagaalka ku dhintay iyadoo dad ka badan 7 qofna ay ku dhaawacmeen.

Ganacsigii iyo dhaqdhaqaaqii dadka ayuu saameyn xooggan ku yeeshay dagaalka sida ay sheegayaan warark laga helayo magaaada Cadaado oo ka tirsan gobolka Galgaduud.
Xaaladda ayaa iminka caadi ah, iyadoo ay socdaan dadaalo ay wadaan odayaasha ku dhaqan degmada Cadaado kuwaas oo isku howlaya dejinta xaaladaha ka aloosan degmadaas.

Home // Warar hore // Taariikh // Faallo // Maqaallo // Agoonta S/galbeed // Xidhiidhka
Copy right © Soomaligalbeed 2006

Email:Webmastar@soomaaligalbeed.com

Website: http://www. soomaaligalbeed.com