|
Wararka
maanta
|
||
|
Magaalooyinka
Wadanka S/galbeed oo ay Raashiin La'aani Kajirto. Magaalooyinkii waawaynaa eewadanka s/galbeed sida Qabridahare, wardheer, jigjiga, Dhagaxbuur, Godey iyo Fiiq, oo dhammaantoodba ah magaalo madaxyada gobolada ay ciidamadagumaysiga Itoobiya ay cuna qabataynta ku hayaan. Goboladan ayaa laga xayiray in ay wax raashiin ah ay soogalaan iyadoo dadkii kunoolaa ay la ildaran yihiin macaluul iyo cururo ay sababeen nafaqo la'aan, iyadooy u dheer tahay in abaaro xoog badan oo xoolihii ay kunoolaayeen baa bi'iyay. Dhibaatooyinka ugu daran ayay saaran tahay sida ay xaqiijiyeen warbaahinta gobolka qaarkeen magaalada qabridahare oo mudo dhowr bilood ah aysan wax raashiin ah aysan soo gaadhin, hadii ay ahaan lahayd mid si qarsoodi ah lagu keenay iyo hadii ay ahaan lahayd mid si toos ah ku soo gashayba. Wararku waxay intaas raacinayaan in gaadiid ganacsi oo mudo bil kabadan ay ku xaniban yihiin xarun ciidan oo kutaala magaalada Wardheer iyada oo ay tiradoodu gaadhayso 40 baabuur oo kuligood badeeco kalagedisan u waday dadka ay macaluushu hayso eewadanka s/galbeed iyagoo ay baabuurtaasi ay kasoo shiraacdeen dhanka gobalka Puntland . Maray qaar kamid ah warbaahintu waydiiyeen shacabka ku dhaqan magaalooyinkaas sababta keentay xayiraada gaadiidkan ayay sheegeen in arintan ay tahay amar kasoo baxay ciidamada Ethiopia ee kusugan gobalka iyadoo gaadiidka sida gaarka ah loo leeyahay aysan gobalada qaar isaga gooshi karin iyadoo aysan lasoconin Konfooy ciidan.Gobalada sida gaarka ah sharcigan loogu dhaqayo ayaa waxaa kamid ah gobalka Wardheer,Qoraxay,Fiiq, Godey iyo qaybo kamid ah gobalka Dhagaxbuur. Gaadiidkan ku xaniban magaalada Wardheer ayaa naloo sheegay in lagu war geliyay inay sugaan ilaa iyo inta ay u imaanayso Konfooy Milateri oo u gudbisa ilaa iyo Magaalada Qabridahare taas oon la ogeyn xiliga ay imaanayso. Sababaha ugu weyn ee ciidamadu gaadiidka u xanibayaan ayaa naloogu sheegay inay tahay inay aaminsan yihiin in ururadu ay nolashooduku tiirsantahay gaadiidka ganacsi ay isaga goosha gobalka. Arintan ayaa kusoo beegantay xili Gobalka ay kajirto abaar aad uba'an oo dad iyo duunyaba saameysay iyadoo arinta Xanibaada dhaq dhaqaaq gaadiidka ganacsi ee Gobalka ay sii murjineyso dhibaatada haysata shacab weynaha ee isugu jirta Amni darada, sicir bararka,gaajada iyo biyo la'anta.Xanibaada ilaha nolosha dadweynaha ayaa ah xadgudub kadhan ah bin-aadamnimada iyadoo ay arintani ay tahay ciqaab wadareed ama wax afka qalaad loo yaqaan Collective "Punishment" oo ah dambiyada ugu xun ee loo gaysto bini-aadamka. Source;
Dhanaan.com
|
||
| Home // Warar hore // Taariikh // Faallo // Maqaallo // Agoonta S/galbeed // Xidhiidhka | ||
| Copy right © Soomaligalbeed 2006 |
Email:Webmastar@soomaaligalbeed.com |
Website: http://www. soomaaligalbeed.com |