Wararka maanta

DHALINYARO SOOMAALIYA OO UBADAN SAFAR OO HABEENKII XALAY LAGA QQABTAY MEEEL BASASKA LAGA RAACO OO KU TAALA MAGAALDA HERAR.

Wararka ka imaanaya magaalada Harar ayaa sheegaya in habeenimadii xalay dhalinyaro Soomaali ah oo markaa un magaalada timid lagu qabqabtay Xerada Basaska ee magaalada Harar, dhalinyartan ayaa markii hore waxay ka yimaaddeen dhinaca Addis Ababa waxayna ku socdeen Jigjiga.

Warku waxaa uu intaa ku darayaa in dhalinyartan oo tiradoodu dhanayd 10 qof ay Ciidanka Nabad sugidda magaalada Harar dhigeen Xabsiga Booliska magaalada Harar, ilaa iyo haddana lama sheegin sababta dhalinyartan loo xidhxidhay walaw saaka baadhitaanno lagu wado dhalinyartan oo su'aalo dheeraad ah la waydiinayo.

Haddaba waa markii u horeysay ee dhalinyaro Musaafir ah lagu xidhxidho magaalada Harar sannadkan, Magaalada Harar ayaa iyadu inta badan ay yarayd in dad Soomaali ah lagu xidhxidho walaw markani ay noqonayso markii u horeysay, Soomaalida ku noolna waa ay badan yihiin haba u sii badnaadeen kuwa ka kala yimid Soomaaliya siiba Muqdisho.

KAALIYAHA XOGHAYAHA GUUD EE QARAMADDA MIDOOBAY JOHN HOLMES OO KA DAYRIYAY XAALADA NOLOLEED EE DHULKA S/GALBEEED

Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan Hawlaha Gargaarka Aadanimo John Holmes, ayaa ugu baaqay xukuumada Itoobiya in ay u ogalaato ururada samafalka ah in ay soo qiimeeyaan xaalada guud iyo goobaha ay ku hardamayaan Jabhadaha iyo Ciidamada Tigreeggu.

Holmes ayaa u sheegay koox wariyaal ah in ay jiraan meelo kamid ah Ismaamulka Soomaalida oo ay adagtahay in ay hay'adaha samafalku booqdaan dagaalo ka socda awgood. Waxa uu ergaygu sheegay in arintaas uu kala xaajoon doono Maamulka Addis Ababa.

Masuulku waxa uu sheegay in xaalada aadanimo ee gobolka Qabridahar uu waxyar ka soo reeyey markii loo eego sidii u ahaa markii uu wafdigii uu hogaaminyey mudane Holmes oo booqday gobolka mar hore.

Waxaa kale oo John Hlomes uu cambaareeyey dhawris la'aanta xuquuqda aadanaha dadka rayidka ah iyada oo uu sheegay in uuna arintaas raali ka noqon islamarkaana u dawlada Itoobiya kala hadli doono.

Ergayga ka socda QM ayaa soo gabagabeeyey booqasho 3 bari ah oo uu ku marayey goobo ka tirsan dalka Itoobiya oo ay ku jirto magaalada Qabaridahar.

Dawlada Itoobiya ayaa mar kasta ku dooda in ururada samafalku ay buunbuuniyaan masiibooyinka ka dhashay abaaraha iyo dagaalada u dhaxeeya Jabhadaha iyo Ciidamada Tigreegga ee xooga ku jooga dhulka lagumaysto eee S/galbeed

QARAX WAYN OO KA DHACAY SHALAY MAGAAALADDA ADIS ABABA AYAA LA SHEEGAYAA IN UU GAYSTAY KHSAARE XOOGAAN.

Cabsi weyn ayaa xalay iyo maanta laga dareemayay Magaalada Addis Ababa, kaddib markii ay shalay qarax ka dhacay magaaladaas ay dad badani ku dhinteen sida uu sheegay Afhayeen u hadlay Booliska Magaalada Addis Ababa oo lagu magacaabo Demisu Haylu.

Qaraxan ayaaa waxaa uu ka dhacay Suuqa ugu weyn magaalada Addis Ababa guri u dhawaa oo Alaabo maacuuna lagu iibiyo waxaana iska lahaa sida ay wararka qaarkood sheegayaan Nin Ganacsade ah.

Haddaba tan iyo dhawrkii Qarax ee magaalada Addis Ababa ka dhacay bilihii aynu soo dhaafnay ayaa waxaa soo kordhayay Cabsi weyn oo laga qabo dhinaca qaraxyada taas oo khalkhal galisay ammaankii magaalada.

Xilliyada habeenkii ah ayaa waxaa aad loo adkeeyay Amniga Magaaladda Addis Ababa waxaana siii kordhaya cabsi galinta iyo cadaadiska lagu hayo shacabka dagan magaaladaas, waxaana habeenkii wadooyinka waawayn ee magaladaa lagu arkaa Boolis tiro badan kuwaasoo dadka waydiiya waraaqaha aqoonsiga

 


 

Home // Warar hore // Taariikh // Faallo // Maqaallo // Agoonta S/galbeed // Xidhiidhka
Copy right © Soomaligalbeed 2006

Email:Webmastar@soomaaligalbeed.com

Website: http://www. soomaaligalbeed.com