Wararka maanta

Ciidamada Gumaysiga Itoobiya oo Labo macalin Qur'aan kala baxay Magaalada Jigjiga.

Ciidamada Guumaysiga ayaa habeen hore waxay magaalada Jigjiga ka xidheen 2 Macalimiin Qur'aan ahaa kuwaas oo Madraso ka dhigi jiray xaafadda 8aad ee magaalada Jigjiga, macalimiintan ayay Guumaysigu qabteen xilli ay ku sugnaayeen gudaha madrasada oo ay Arday Quraanka u dhigayeen, loomana sheegin waxa lagu xidhayo balse amar umbaa lagu siiyay inay xidhaan madrasada isla markaana ay soo raacaan iyagu Askarta.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in Macalimiintani ay dhalasho ahaan u dhasheen Hargaysa isla markaana ay ahaayeen macalimiin ku cusub magaalada Jigjiga, Madrasada ay hadda dhigayeena ay ahayd Madraso Taxfiidal Qur'aan ah oo dhawaan un laga furay magaalada Jigjiga waxaana dhiganayay Arday aad u tiro badan oo u badnaa Haween.

Xadhigan loo gaystay Macalimiintan ayaa qayb ka noqonaya xadhiga joogtada ah ee lagu hayo Shacabka ree Jigjiga iyo waliba dadka ehlu diinka kuwaas oo badanaa Guumaysigu u haysto inay xidhiidho la leeyihiin Jabhadaha ku kacsan Guumaysiga, iyagoo haatan ka shaki qaba qof walba oo dhinaca Diinta loo aaneynayo isla markaana ay ka muuqato calaamadaha ehlu diinka.

Madrasadan ayaa hadda iyadu Albaabada u xidhan yihiin iyagoo Ardaydii wax ka baranaysayna ay aad uga murugaysan yihiin xadhiga loo gaystay macalimiintoodan iyadoo aysan maanta jirin meel iyo cid ay ku ashkatoodaan oo ay uga dacwoodaan macalimiintoodaa u xidhan Guumaysiga.

Dadka kasoo cararaya Maalulka Zenawi oo kusoo badanaya Wadanka Kenya.

Magaalada Nairobi iyo magaalooyinka kale ee Kanya oo buuxdhaafay dadkii kasoo cararayay Xukuumada Itobiya iyo maamulka camiilka ah ee kajira Kilika. Warayse uu layeeshay warsidaha S/galbeed qaar kamid ah dadkaas buux dhaafiyay magaalooyinka kinya yaa waxay kusheegeen sababta ay usoo cararayaan hada kahorba way joogi jireene dhibkuna wuu jiraye in aytahay Ciidamada gumaysiga itoobiya iyo maamul kusheega kililka oo si xad dhaaf ah isaga xidhxidhaya dadweenaha iyo kuwa maamulka kujiraba.

Iisla markaana kuxukumaya ugu yaraan 15 sano ama 20 sano una sii gudbinaya Jeel wayn oo kuyaala badhtamaha itoobiya kuna sii yaala mee aad uga fog wadooyinka una dhisan sida Jeelkii labaatanjirow oo kuyaala Somaliya sidiisii ookale halkaas oo qofkii lageeyo ay udhamaatay Jelkaas oo lagumagacaabo Zuway.

Marka waxay yidhaahdeen waxaa nawada awalba waa nala xidhi jiray waana nala ciqaabi jiray laakiin waa nala sii dayn jiray mudo dhibaato ah kadib laakiin hada qofkii halkaas galaa waa raja la aan. markaan waydiinay waxa keenay xukunkaas in labilaabo intaas la eg waxay kusheegeen in kadib markii hay adaha xuquuqda insaanka udoodaa ay mudo badan ku edeeynjireen Xukuumada itoobiya in dadka aan maxgamad lasaarin ay iskaga hayaan jeelasha ay ubadaleen xukun jaa ir ah oo noocan ah.

Markaan sii waydiinay wadada ay umarayaan xukunkan iyo cida fulinaysaba waxay kusheegeen xubna kamid ah Ciidamada gumaysiga iyo nin lagu magacaabo cabdi Ilay oo lagu sheego hogaanka nabad galyada Kililka inay wax maxkamad kusheega ah ay ku amraan iyagoo waraaq ay kuqoreen 20sano udhiibaya kuna dhahaya kuxukun intaas oo ku dhawaaq maxkamad kusheetaasine ay isla goobtaas kaga dhawaaqayso isla markaana loo soo diyaarinayo makhraati beenaalayaal iyaguna haday makhraati been ah furi waayaan sidaas oo kale layeelayo. waxaa kamid ah dadka soo cararaya kuwo mas uuliyado kala duwan kasoo qabtay Kililka.

Home // Warar hore // Taariikh // Faallo // Maqaallo // Agoonta S/galbeed // Xidhiidhka
Copy right © Soomaligalbeed 2006

Email:Webmastar@soomaaligalbeed.com

Website: http://www. soomaaligalbeed.com