Wararka maanta
MAGAALADA BUULO BURTE OO LOOGA DHAWAAQAY MAXKAMAD SHAREECADDA ISLAAMKA KU XUKUNTA MAGAALADAAAS.


Waxaa shalay shir ka dhacday degmada Buule Burde oo ay ka soo qeybgaleen saraakiil ka tirsanaa Maxaakiimtii Islaamiga soomaaliyeed oo shirkaas dhexdiisa uga dhawaaqay Furitaanka Maxkamad Islaami ah oo ay yeelato degmadaasi.

Maxkamaddan Islaamiga ee shalay looga dhawaaqay degmada Buule Burde ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa Guddoomiye looga dhigay Shiikh C/llaahi Maclin Filan-Waa, waxaana halkaasi khudbado kala duwan ka soo jeediyay saraakiil sar sare oo Maxkamaddan ka tirsan, kuwaasi oo sheegay in dhibaatada ka taagan gobolka Hiiraan looga bixi karo ku dhaqanka Shareecadda Islaamka.

Shiikh C/raxmaan Ibraahin Mocoow oo ka mid ah saraakiisha Maxkamadaha Islaamiga ee gobolka Hiiraan ayaa sidoo kale ka hadlay xafladaasi isagoo sheegay in mudooyinkii u danbeeyay ay ka shaqeynayeen sidii Gobolka Hiiraan looga hirgelin lahaa Maxkamaddo Islaami ah oo xukunka ay fuliso uu noqdo Shareecadda Islaamka, isagoo intaa raaciyay in maxkamaddan ay noqon doonto mid qaada dhamaan dacwooyinka ka jira degmada Buulo Burde iyo deegaanada ku xeeran kadibna Degmooyinka kale ay ka hirgelin doonaan maxkamado kale hadii uu alle idmo.

Saraakiisha Maxkamaddaha Islaamiga ee gobolka Hiiraan ayaa sidoo kale sheegay in guud ahaan gobolka Hiiraan ay ka hirgelin doonaan Maxkamaddo Islaami ah, iyadoo tani aysan noqon doonin tii ugu danbeysay balse degmo walba loo magacaabi doono maxkamad gooni u ah.

Maxkamaddan ayaa noqoneysa tii ugu horeysay ee looga dhawaaqo dalka tan iyo markii la wiiqay awoodii maxkamaddaha Islaamiga ee Koionfurta Soomaaliya markii ay dalka soo galeen ciidamada Itoobiya sanadkii 2006-kii dhamaadkeedii.

Source allpuntland

Home // Warar hore // Taariikh // Faallo // Maqaallo // Agoonta S/galbeed // Xidhiidhka
Copy right © Soomaligalbeed 2006

Email:Webmastar@soomaaligalbeed.com

Website: http://www. soomaaligalbeed.com