|
Wararka
maanta
|
||
|
Kolonyadii Ciidamada Itoobiya ee ay Mujaahidiinta MJXSG dhexda ugaleen oo lasheegay in ay Maxaabiis wadeen. CiidamadaGumaysiga
Itoobiya ee ay mujaahidiintu dhexda ugaleen kana gubeen baabuurka Zuuga
ah ayaa laxaqiijiyay in ay wadeen maxaabiisay kasoo qaadeen dhanka magaalada
Dhuxun iyagoo usii waday xarunta gobolka Nogob ee magaalada Fiiq ee wadanka
s/galbeed. Maxaabiistan
ay ciidamada gumaysigu kasoo kaxeeyeen magaalada dhuxun ayaa ahaa dad
rayid ah oo ay ciidamada gumasysigu ku eedaynayaan in ay yihiin dad martigaliyay
ciidamada dagaal yahannada s/galbeed ee u dagaalamaya in ay cawga kaxoreeyaan
wadankooda. Maxaabiistan ayaa hada ku sugan magaalada Fiiq ee iyagoo lafilayo in uu meeshaas gaadho Ina Ilay oo larabo in lagu soo dhaweeyo maxaabiistaas iyadoo latusayo in uu gobolku shaqeeyay oo uu dadka shacabka ah ladhibay. Qaar Ka mid ah Imaamyada Magaaladda Jigjiga oo ay CiidamadaGumaysiga Itoobiya Xabsiga u Taxaabeen. Wararka
ka imaanaya magaalada Jigjiga ayaa sheegaya in Xabsiga magaalada Jigjiga
loo taxaabay dhawr Culimada Jigjiga ka mid ah, Culimada xabsiga loo taxaabay
ayaa waxaa ka mid ah, Sheekhii masaajidka Sheekh C/salaam ee Jigjiga oo
lagu magacaabo Sh. Cabdulqaadir, iyo Sheekh Abubakar oo isna ahaa Gudoomiyaha
masaajidka Anwar, sidoo kale waxaa isna xabsiga la dhigay dhawr kale oo
dhammaantood isugu jira Culimo iyo dad caan ka ah magaalada sida Mohamed
Soomaali oo isagu ka mid ahaa Gudida masaajidka Fooqa ee Jigjiga. Sheekha
ayaa markii hadaladaas uu yidhi isla markiiba lagu qaaday Gaadhi oo xabsigana
sidaa lagu dhigay. Sheekh Abuubakar Guddoomiyaha gudida masaajidka Anwar
ayaa isna loo haystaa inuu taageero buuxa siiyo Jabhadaha xaq u dirirka
ah, Ninka kale ee lagu magacaabo Mohamed Soomaali oo isagu caan ka ah
Degaanka siiba Jigjiga ayaa isaga loo haystaa hadal uu yidhi dhawaan markii
ay daadasha waaweyni ka dhaceen magaalada Jigjiga wakhtigaas oo uu sheegay
in Maamulka Lugbuur uusan jirin wax uu u qabtay dadkiii ku waxyeeloobay
daadashaas isla markaana aysan jirin cid wax u qabatay, wakhtigaas oo
ay Dawladdu sheeganaysay inay wax u tartay dadkaas. |
||
| Home // Warar hore // Taariikh // Faallo // Maqaallo // Agoonta S/galbeed // Xidhiidhka | ||
| Copy right © Soomaligalbeed 2006 |
Email:Webmastar@soomaaligalbeed.com |
Website: http://www. soomaaligalbeed.com |