|
Wararka
maanta
|
||
|
jAALIYADDA SOOMAALIDDA EE DALKA SOUTH AFRICA SASA OO SHAHASADO SHARAF GUDOONSIISAY MID KA MID AH MADAXDA DALKAAS. PORT ELIZABETH: xaflad si weyn loo soo agaasimay oo manta lagu qabtay xarunta wasaaradda shaqadda & shaqaalaha ee magaaladda port Elizabeth ayeey jaaliyadda soomaaliyeed ee dalka k/afrika (SASA) ku gudoonsiisay shahaado sharaf wasiirka shaqadda & shaqaalaha mudane: martin & police director mudane: meyer , Masuulkan oo gacan weyn ka geystay Markey socotay jinsi naceebkii ka dhacay dalka k/afrika iney garab istaagaan ummadda soomaaliyeed eek u dhaqan gobolka Eastern cape ayagoo wada shaqeyn dhab ah la sameeyay maamulka jaaliyadda habeen &maalina u taagnaa wax ka qabadka dhibaatooyinka & meelaha wax laga soo sheego Telefoonadoodana u furay habeen &maalin bulshadda soomaaliyeed & dhiiri galinta ganacsatadda soomaaliyeed iney sii wataan shaqooyinkoodii eeyna muujinin wax cabsi ah, Jaaliyadda soomaaliyeed ee dalka k/afrika SASA ayaa abaalkaas aana marnaba hilmaamin goaansatayna ineey abaalkaas mar uun mahad celin ka geysato, Xafladda manta ooy ka soo qeyb galeen laamaha dowladda oo dhan & saxaafadda dalka & marti ka socotay dowladda mareykanka oo markaas ku sugneyd xarunta wasaaradda shaqadda & shaqaalaha, Gudoomiyaha jaaliyadda soomaaliyeed ee gobolka Eastern cape mudane: qaasim boosh cali ,asagoo cabiray mahad celintii bulshadda soomaaliyeed , gudoomiyaha waxaa ku waheliyay xafladdaas c/raxmaan Raabi gudoomiye kuxigeenka ,muxiyadiin nuur jilley madaxa maaliyadda & maareeynta, Kadibna waxaa kalimad mahad celin ah meeshii ka jeediyay oo soomaalida aad & aad u amaanay wasiirka wasaaradda martin & police director meyer SASA ayaa xiriir dheer la leh dowladda k/afrika laamaheeda kala duwan ayadoo la diiwaan galiyay 10 september 1999,Ayadoo ah magacii koobaad ee soomaaliyeed ee soo gala wadanka k/afrika abu sumaya s/afrika
SHACABKA S/GALBEED OO LOO DIIDAY IN AY RABITAANKOODA KU SOOMAAN HADII AY BISHU DHALATO. Shacabka
ku dhaqan magaalada Fiiq ayaa amar lagu siiyay in Bisha Soon aysan la
soomin Wadamada Carabta siiba Sacuudiga oo ay iyagu ku soomaan un Aragtida
bisha, amarkan ayaa waxaa uu ka soo baxay kuwa isku sheega inay Shacabka
dhinaca diinta hoggaan u yihiin oo la shaqeeya Maamulka Lugbuur ee magaalada
Fiiq. DEGMADA GALAADI EE DHULKA S/GALBEED OO MAXAABIIS BADAN OODA LAGA QAADAY. ku dhawaad
30 Qof oo Rayid ah oo ay Ciidamada Gumeysiga Itoobiya ee xooga ku haysta
Dhulka S/Galbeed Qafaasheen ayaa dib u helay Xoriyadoodii ka dib markii
ay mudo 4 Bilood ah ku xirnaayeen Xabsi ku yaala Degmada Galaadi ee Dhulka
S/Galbeed. XABSIYADA S/GALBEED OO AY BUUX DHAAFIYEEN DAD IYO DUUNYABA. Wararka nagasoo gaadhaya Gobalka Fiiq, gaar ahaan degmada Dhuxun ayaa sheegaya in lagu xidhxidhay dad aad ubadan oo isugu jira odayaal, Culimo owdiin & dhalinyaro, halka Magaalada fiiq ay buux dhaafiyeen xabsiyadu Geel laga soo xidh xidhay Deegaanka uu ka kooban yahay Gobolka Fiiq. Dadkan lagu xidh xidhay Dagmada Dhuxun ayaa kor udhaafay 35 ruux. dadkaas qaar kamid ah ayaa lasheegay in aad loojidh dilay oo ay xaaladooduu Culustahay. Dadkaas
aadka udirada badan ayaa waxaa noo suuro gashay in aan kaxusno macyadooda
dadkan hoos ku qoran oo ahaa dadkii ugu caansanaa deegaankaas sida Culima
owdiinka & odayaalka. Hadaba
dadkaas oon waxba galabsanin ayaa si xaqdara ah loogu hayaa Xabsiga Dagmadaas
iyadoo dadkaasi kasoo daaleen xadhig & waliba dil aan lookala aabayeelin
ruux wayn & ruux yarba. Waxaan ognahay inay dadkaasi ay kutiirsan yihiin xoo laha sida Geela sababta looxaraynayana aytahay ujeedo gaar ah oo micnaheedu uu yahay 'ha dhamaadeen" waayo waxaa kajirta deegaankaas mid kamid ah Abaarihii ugu darnaa ee dunida kadhacda dusheeda. Majiraan wax hay'ada samafal ah oo kahoolgala halkaas loomana ogala. Waxaana aan kajirin sidoo kale wax Ganacsi ah oo dadku kutiirsan yihiin, waayo waxaa saaran mudo dheer cuna qabatayn, aanay soo gali karin wax gaadiid ah oo badeeco ama wax lacuna keena halkaas. Geela laxaraynayo isla markaana laqalanayo ayaa ah meeshii ugu danbaysay xaga nolasha ee lagaadh siiyo nolosha shacabka s/galbeed. Hadaba
dadbadan oo waxgarad ah markay qiimeeyeen xaaladaas waxay ku qiyaaseen
in ay tahay wax la odhan karo dadbaa bari halkan kunoolaan jiray. Sababtuna
waxaa weeye waxaa ku habsatay Colaad, abaar & cuna qabatayn, waxaase
iswaydiin leh dadkaas yaa umaqan oon ilaahay ahayn? |
||
| Home // Warar hore // Taariikh // Faallo // Maqaallo // Agoonta S/galbeed // Xidhiidhka | ||
| Copy right © Soomaligalbeed 2006 |
Email:Webmastar@soomaaligalbeed.com |
Website: http://www. soomaaligalbeed.com |