Wararka maanta

Shacabka Magaalada Muqdisho iyo Agagaarkiisa oo Soodhaweeyay Xilkaqaadista Max'ed Dheere.

Dibed baxyo lagu taageerayo xilka ka qaadistii lagu sameeyey Maxamed Dheere oo maanta ka kala dhacay gudaha iyo duleedka magaalada Muqdisho

Qeybo ka mid ah gudaha iyo duleedka koonfureed ee magaalada Muqdisho ayaa barqanimadii maanta ka kala dhacay banaanbaxyo lagu taageerayo wareegtadii maalintii shalay ka soo baxday xafiiska ra’isul wasaraha Somalia Nuur cadde ee xilka looga qaaday guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Banaadir ahaana duqii magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (M/dheere).

Boqolaal dad ah oo ka mid ah dadka barakacay ayaa iskugu soo baxay deegaanada u dhexeeya carbiska iyo Km 13 oo ku yaala wadada isku xirta magaaladan Muqdisho iyo degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose kuwaasoo sheegayey iney si aad ah ugu faraxsan yihiin xilka qaadista kagu sameeyey M/dheere oo ayku eedeeyeen inuu ahaa mas’uulkii kasoo barakiciyey magaalada Muqdisho ee horseeday iney iyagoo guryo leh bushash ka dhistaan duleedka magaalada.

Dadkaasi ayaa waxay ku soo wareegeen deegaanada ay ka kooban yihiin googaaha ay ku barakaceen iyagoo lulayey caleemo qoyan, una mahad celinaya RW Nuur cadde oo ay ku amaaneen inuu yahay mas’uulkii ugu wanaagsanaa ee soo maray DF Soomaaliya, waxayna xuseen iney iminka suuragal u tahay inney dib ugu laabtaan guryahooda maadaama xilkii laga qadaay bey yiraahdeen Maxamed Dheere oo ay ku eedeeynayaan inuu markii hore ka soo barakiciyey.

Sidoo kale, qeybo ka mid ah degmada X/weyne ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa barqanimadiu maanta ka dhacay banaanbaax weyn oo ay halkaasi ay ka dhigeen dad kor u dhaafaya illaa 100 ruux oo ka mid ahaa naafadii xoogga dalka Somaliyeed ee degab Isitaalka Martiini kuwaasoo ay ku soo dhoweynayaan xilka ka qaadista lagu sameeyey Maxamed Dheere, isla markaana lagu taageerayey ku-simaha cusub ee guddoomiyaha iyo duqa magaaladan Muqdisho Maxamed Cismaan Cali (Dhagaxtuur) oo ay sheegeen inuu yahay nin wanaagsan oo aad u naxariis badan, markii soo booqdana dhulka la fariisan jiray isagoo diidan kuraasida loo keenayey, waxayna sheegeen iney ka rajeynyaan waxqabad wanaagsan, waxaana banaanbaxaasi hor boodayey gudoomiyeyaasha degmooyinka X/weyne iyo X/jajab ee magaalada Muqdisho

 

Home // Warar hore // Taariikh // Faallo // Maqaallo // Agoonta S/galbeed // Xidhiidhka
Copy right © Soomaligalbeed 2006

Email:Webmastar@soomaaligalbeed.com

Website: http://www. soomaaligalbeed.com