Wararka maanta

ABUU MANSUUR OO SHEEGAY IN AY IYAGU KA DAMEEYEEN DAGAALKII SAAKA KA DHACAY DULEEDKA MADAXTOOYADA VILLA SOOMALIYA.

Afhayeenka Al-shabaab Sheekh Muqtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo shir jaraa'id qadka taleefanka ugu qabtay warbaahinta magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay dagaalkii saaka ka dhacay qeybo akmid ah degmooyinka magaalada Muqdisho.

Wuxuu sheegay in dagaalka ay iyaga ku qaadeen fariisimo dhowr ah oo ay leeyihiin ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa Itoobiya, isagoo sheegay in guulo waaweyn ay dhankooda dagaalka ka soo hooyeen.

"Mujaahidiinta iyo cadowgu waxa ay markii dambe isla gaareen duleedka madaxtooyada, mujaahidiinta ayaana dhowr jiho weeraro uga qaaday cadowga" ayuu yiri Abuu Mansuur afhayeenka ururka Al-shabaab.

Wuxuu sheegay in ay tahay in la dardar galiyo dagaalka islamarkaana aan loo dhag tagin wararka ku baaqaya in dagaalka la joojiyo.

"Dagaalka dardar culus ayaan galin doonaa haddii alle idmo, mujaahidiintana waxaan ugu baaqeynaa inay dagaalka laba jibaaraan" ayuu yiri afhayeenka oo sii hadlayey.

Hadalka Abuu Mansuur ayaa ku soo beegmaya xilli saaka waaberigii dagaal xooggan uu ka dhacay qeybo kamid ah degmooyinka Wardhiigley iyo Howl-wadaag, iyadoo xoogagga ka horjeeda dowladd ku sheegta ay weerar culus ku qaadeen fariisimo dhowr ah oo ay ciidamada gumaysi kalkaal ihi ku leeyihiin magaaalda muqdisho

UGAAS CABDI QAADIR DHAQANE OO KA TIRSAN MADAXDA ISBAHAYSIGA GARABKA ASAMRA AYAA SI KULUL UGA JAWAABAY HADAL KASOO YEERAY CABDULAAHI YUUSUFU

Masuul ka tirsan isbahaysiga Dib u xoreynta Garabka Asmara ayaa si kulul uga Jawaabay hadaladii kala duwanaa ee ka soo baxay Xubno ka mid ah Dowladda maqaarsaarka ah oo ku aadanaa in ay xoog kula wareegayaan Magaalada kismaayo Xarunta Gobolka Jubadda Hoose oo ay xiligani gacanta ku hayaan Xoogaga Islaamiyiinta Soomaaliyeed.

C/Qaadir Xaaji Max’ud Dhaqane oo u waramay qaar ka mid ah Warbaahinta Muqdisho ayaa sheegay in Hadalka C/laahi Yuusuf, iyo C/risaaq Ashkir uu yahay mid ay ku doonayaan in Barre Hiiraale ay dib ugu soo celiyaan kismaayo.

C/Qaadir ayaa ku nuux nuuxsaday in Dolad ku sheegtu ay ka badin la’dahay sidii ay nabad galyo lafaheeda ugu noolaan lahayd Muqdisho iyo Baydhabo isla markaana aysan taag iyo Talaba u haynta Kismaayo iyo meel kale oo ka baxsan.

Sidoo kale C/Qaadir ayaa sheegay in C/laahi Yuusuf iyo C/risaaq Ashkirba aysan horey uga hadli jirin dhibaatadii ka taagnayd kismaayo qeybo ka mid ah Dalka Soomaaliya.

Waxuu ugu Baaqay C/Qaadir Dowladda tabarta daran in ay joojiso dhibaataynta Shacabka iyo colaad hurinta ay ka wado Dalka Soomaaliya iyada oo u adeegaysa Gumeysiga Itoobiya.

Hadalkan ayaa ku soo beegmaya iyada oo Xubno kala duwan oo ka mid ah DFKMG ah ay ka dhawaajiyeen in ay u diyaar garoobeen sidii ay u qabsan lahaayeen Magaalada kismaayo oo ay xiligani gacanta ku hayaan Xoogaga Islaamiyiinta Soomaaliyeed

 

Home // Warar hore // Taariikh // Faallo // Maqaallo // Agoonta S/galbeed // Xidhiidhka
Copy right © Soomaligalbeed 2006

Email:Webmastar@soomaaligalbeed.com

Website: http://www. soomaaligalbeed.com