Wararka maanta

Maxaabiistii lagu aruuriyay Magaalada fiiq oo loo furay wax layiraahdo gamgame.

Wararka nagasoo gaadhiya gobalka Nogbeed ee wadanka S/galbeed ayaa sheegaya in maxaabiis badan oo laga soo qaaday Degmada Dhuxun ee isla gobolkaas loona gudbiyay magaala madaxda gobalka ee Fiiq, uu halkaas kafurmay waxa loo yaqaano gamgame oo ah in qof walba uu qirto waxa lagu soo eedeeyay hadii ay jirto iyo hadii aysan jirinba.

wararka qaar ayaa sheegaya in dadka laciqaabay inta aan lagaynin goobta ay kasoconayso gamgamadu, iyadoo ay caado utahay in ay ciidamada gumaysiga itoobiya ay dadka ay soo qabqabtaan ay markiiba ciqaab ku bilaabaan si ujeedada ay rabaan ay uga fushadaan, taas oo hadii ay dadku diidaan in aanay waxba ka ogayn waxa loo haysto loo soo diro qof soomaali ah oo usheega in lasiidayn hadii uu qirto waxa lagu haysto, taas oo sababta in lagu dilo qofkii.

Qorshahan ay ciidamada Gumaysiga itoobiya ka samaynayaan wadanka s/galbeed ayaa fure unoqotay laynta dadka iyadoo lagu banaysanayo iyagaaba qirtay dambiga, waana nabad diid, kasoo horjeeda maamulka iyo dowladnimada, iayadoon ognahay in shacabka s/galbeed ay mudo badan u ooman yihiin dowladnimo iyo maamul wanaag iyo in ay helaan xaqooda aayo katashi.

dadkan laga soo xidh xidhay dhanka magaalada Dhuxun ayaa Waxaa kamid ah odayaal magac kuleh deegaankaas iyo waliba dhalin yaro ay kamid yihiin inta aanu magacyadooda kahalay
1-Maxamed C/laahi Xaamud oo kumagacdheer (Afyare)
2- C/laahi Muxumed Tulux
3-Wali Deeq Nuux
4-Ina Maxamed Xade
oo intaba laga soo qabqabtay dagmada Dhuxun .

Waxaa kale oo naga soo gaadhaya magaalada jigjiga in uu soo gaadhay wafti kasocda Xukuumada gumaysiga itoobiya gaar ahaan federaalka oo uu hogaaminayo Raysulwasaare kuxegeenka itoobiya oo lagu magacaabo Adisu Lakisu waxaana loo ekaysiinayaa in wax lagabadalayo maamulka kililka oo lagu yaqaano inuusan sal dhigin wixii faah faahin ah ee intaa dheerna waxaad kala soconaysaan warsidaha soomaaligalbeed.com

Home // Warar hore // Taariikh // Faallo // Maqaallo // Agoonta S/galbeed // Xidhiidhka
Copy right © Soomaligalbeed 2006

Email:Webmastar@soomaaligalbeed.com

Website: http://www. soomaaligalbeed.com