|
Wararka
maanta
|
||
|
Tiro Caruur ah oo Gaajo iyo Oon ugu Geeriyooday Meelo Kamid ah Gobolka Hiiraan. 7-caruur ah ayaa gaajo iyoi haraad ugu geeriyootay duleedka koonfureed ee magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan halkaas oo ay qoysas badan dhawaan ku barakeceen. Sida aan ku heleyno wararka caruurta geeriyootay ayaa waxa ay ka soo jeedaan qoysas dan yar ah kuwaas oo aan heysan waxyaabo ay noloshooda ku maareeyaan, waxaana ay si barakac ku tageen dhulka buuraleyda ah ee dhinaca koonfureed duleedka kaga beegsanmagaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Wararka laga helayo magaalada Baledweyne ayaa sheegaya in caruur kale iyo dad waayeel ah ay dhibaatooyin ku heystaan dhulka buuraleyda ah, iyadoo lagacabsi qabo in mar kale ay gaajo iyo haraad u geeriyoodaan caruur kale. Ma jiraan illaa iyo hadda wax hay'ado ah ama dad kale oo isku howlay caawinta dadkaasi ku dhibaateysan duleedka koonfureed ee magaalada Baledweyne. Si kastaba ha ahaatee qoysas fara badan oo ka barakacay magaalada Baledweyne ayaa ku dhibaateysan galbeedka iyo koonfurta magaalada Baledweyne kadib markii ciidamada Itoobiya ay dhawaan madaafiic si arxan darro ah ugu duqeeyeen qeybo kami ah xaafadaha magaalada Baledweyne. Maxaa
Loogu yeedhay Imaamada Masaajidada Wadanka S/galbeed maxaase Laga rabaa
Culimadda. Waxaa la soo gabagabeeyay Shirkii magaalada Jigjiga uga socday Culimaa'uddiinka Degaanka kaas oo uu soo qabanqaabiyay qaar ka mid ah Madaxda Maamulka Degaanka, iyadoo Shirkan lagu lafa guray waxyaabo badan oo dhinaca Nabagalyada ah isla markaana ujeedadiisu ahayd sidii Culimadaas qaarkood isku fashilin lahaayeen oo ay u sheegan lahaayeen waxay Dawladdu ka rabto oo ah inay ka mid yihiin ama taageeraan Jabhadaha ku kacsan maamulka. Haddaba intii uu socday Shirkani ayaa waxaa intiisii badnayd looga hadlay dhawr Culimada Degaanka ka mid ah oo maamulku si gaar ah u haystay sida Shekh Axmed Dayib iyo kuwa kaleba balse gabagabadii Shirkan ayaa waxaa arrintii Sheekhaas loo gudbiyay Maxkamadda Sare ee Shareecadda Islaamka taas oo go'aan ka gaadhi doonta waxa loo haysto ama lagu eedeynayo Sheekha. Dhanka kale waxaa iyadana la isugu yeedhay magaalada Jigjiga Masaajid walba Imaamkiisa iyo Guddoomiyaha masaajidkaas iyadoo Masjid walba oo magaalada Jigjiga ku yaalla lagu amray inay Guddoomiyihiisa iyo Imaamka masaajidkaasi ay isugu yimaaddaan Shir kaas oo daba socda Shirkii loo soo gabagabeeyay Culimada Degaanka balse Shirkan dambe ayaa ah mid gaar u ah Guddoomiyayaasha Masaajidda Jigjiga iyo Imaamyadaba. Kulankan dambe ee loo qabtay Guddoomiyayaasha iyo Imaamyada masaajidda Jigjiga ayaan la garanayn intuu socon doono iyadoo si gaar ah loola hadli doono Imaam kasta isla markaana Maamulku doonayo inuu ogaado halka uu salka ku hayo Imaam kasta iyo haddii uu horey uga soo tirsanaan jiray Jabhadaha. Si kastaba ha ahaatee Maamulka Degaanka ayaad moodaa inay hadda aysan jirin meel uu ka leexanayo ama meel cilinaysa iyadoo xitaa uu soo galay doorkan Culimadii iyo waliba Imaamyadii masaajidda iyadoo ay ahayd in Sheekhyada iyo Culimadaba aan la galin arrimahooda balse Maamulka Degaanka ayaa si uu u xaqiijiyo ujeedooyinka uu ka leeyahay Degaanka ayaa meel kasta uu galayaa oo uusan ka weecanaynin iyadoo qolo waliba hadda ay wadnaha farta ku hayso oo ay ka baqayso in iyadana mar un Shir noocan oo kale ah la isugu yeedho, Degaanka siiba magaalada Jigjiga ayaa waayadii dambe waxaa si talantaali ah uga soconayay Shirar kala duwan oo u badnaa kuwa Nabadgalyada balse ilaa hadda ma jirto wax guulo ah oo Shirarkaas laga soo hooyay marka laga reebo dad badan oo maamulku xabsiga dhigay kaddib markii uu ka shakiyay amase lagu soo eedeeyay inay gacan saar la leeyihiin Jabhadaha ka dagaallamada Degaanka ee ka soo horjeeda maamulka Dawladda. Xaajo.com
|
||
| Home // Warar hore // Taariikh // Faallo // Maqaallo // Agoonta S/galbeed // Xidhiidhka | ||
| Copy right © Soomaligalbeed 2006 |
Email:Webmastar@soomaaligalbeed.com |
Website: http://www. soomaaligalbeed.com |