|
DEGMADA
DHARKAYNLAY OO XALAY LAGU WEERARAY TALIYE CIIDAN.
Kooxo hubeysan
ayaa xalay weerar ku qaaday guri uu degmada Dharkeynley ka deggan yahay
taliye ku xigeenka ciidanka saldhigga degmada Dharkeynley.
Abaaro 3:30-kii
habeenimo ee xalay ayaa kooxo hubeysan ay weerar ku qaadeen guriga taliye
ku xigeenka oo la yiraahdo Cali Yare, waxaana markaa kadib uu iska horimaad
dhexmaray ilaalada taliye xigeenka iyo kooxhii weerarka soo qaaday.
Inta la
hubo 4-kamid ah ilaaladii taliye xigeenka ayaa ku dhintay dagaalka, iyadoo
sidoo kale uu jiro khasaare ka dhashay dagaalka.
Lama oga
cidda rasmiyan ay yihiin kooxo hubeysan ee weerarka ku qaaday taliye ku
xigeenka saldhigga degmada Dharkeynley, hase ahaatee weerarka ayaa kamid
ah mid badanaa si joogta ah uga dhaca magaalada Muqdisho.
Wax war
ah kama soo bixin maamulka degmada Dharkeyley iyo taliye ku xigeenka oo
la xiriira weerarka.
Ma ahan
markii ugu horeysay oo sargaal katirsan ciidanka dowladda lagu weeraro
guri uu ka deggan yahay magaalada Muqdisho.
MAXAABIIS
KABADAN 35 QOF OO LAKEENAY MAXKAMADA MAGAALADA JIGJIGA.
Waxaa maanta
dacwadoodu Maxkamadda Jigjiga ka socotay Maxaabiis tiro ahaan gaadhaya
ilaa 35 Maxbuus kuwaas oo lagu waday baabuurka weyn ee badanaa Maxaabiista
lagu qaado, Maxaabiistan ayaa dhammaantood u badnaa Rag dhalinyaro ah
oo muddooyin badan ku xidhnaa Xabsiga weyn ee magaalada jigjiga.
Haddaba Ciidamada Guumaysiga oo aad u ilaalinayay Maxaabiistan ayaa waxay
xidheen jidka laamida ah ee agmara Maxkamadda iyadoo socodkuna uu yaraa
wakhtigaas, Maxkamaddan oo ahayd mid albaabadu u xidhnaayeen isla markaana
aan la oggolayn in la galo ayaan wali la xaqiijin wararka rasmiga ah ee
ka soo baxay arrinka Maxaabiistaas.
Si kastaba ha ahaatee Guumaysigu waxaa uu xabsiyadiisa ka buuxiyay Shacab
aad u tiro badan oo dhammaantood kuwada xidhan xaq daro haddii aad Xabsiyada
Jigjiga qaarkood aad tagtana waabad naxaysaa, dadka la la'yahay waxay
ku jiraan un Xabsiyada, iyadoo dadku markay muddooyin dhaadheer ku jiraan
Xabsiyada xilli dambe kii uu Ilaahay uga nixiyo Cadawga ay markaa Maxkamad
keenaan balse Maxkamadda laftigeedu aysan ahayn mid Sharci ah oo ay tahay
mid Guumaysiga la shaqaynaysa.
HABEENKII
LABAAD OO BAYDHABO GUDAHEEDA LAGU WEERARAY QAAR KAMID AH XUBNAHA BAARLAMAANKA.
Xalay fiidkii
ayaa waxa weerar Bambaano lagu qaaday Hoyga xubin ka mid ah Baarlamaanka
DFKMG ah ee la shaqeeya Gumeysiga Itoobiya oo lagu magacaabo Maxed
Xuseen Raage xili uu ku sugnaa Magaalada Baydhabo Xarunta Gobolka Baay.
Weerarkan
ayaa la xaqiijiyay in ay ku geeriyoodeen 2 will oo mid ka mid ahi uu dhalay
ninka laweeraray, iyada la sheegayo in ay jiraan dad kale oo ku dhaawacmay
weerarkaasi oo ku sugnaa hoyga la weeraray.
Lama garanayo
illaa iyo hadda cidda weerarkaasi qaaday, balse waxa ay ka mid yihiin
weerarada Joogtada ah ee Baryihii ugu danbeeyay lagula beegsanayay Xubnaha
ka midka ah Baarlamaanka DFKMG ah ee la shaqeeya Gumeysiga Itoobiya.
Weerarkan
waxa uu ku soo beegmayaa iyada oo habeen hore sidan oo kale weerar Bambaano
lagu qaaday hoy ay ku sugnaayeen Cusmaan cali caato iyo Dalxa xili ay
iyaguna ku sugnaayeen Baydhabo.
Lama kala
sheegi karo illaa iyo hadda in ay weeraradani xiriir la leeyihiin khilaafka
ka aloosan Baydhabo ee la xiriira C/laahi Yuusuf iyo Nuur Cadde iyo in
kale.
Magaalada
Baydhabo oo ah Magaalada kaliya ee ay sida rasmiga ah uga taliso DFKMG
ah ee la shaqeysa Gumeysiga Itoobiya ayaa waxa uu amaankeeda noqday Bilihii
ugu danbeeyay mid fara ka baxay.
DAGAAL
XOOGAN OO SAAKA KADHACAY MAGAALADA MUQDISHO.
Dagaal xooggan
ayaa saaka ka dhacay qeybo kamid ah wadada warshadaha gaar ahaan xarumaha
Gaashaandhigga, Kuliyaddii Jaalle Siyaad iyo guryihii Saraakiisha oo inuba
fariisin u ah ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa Itoobiya.
Dagaalka
oo ahaa mid xooggan ayaa dhacay kadib markii xoogagga dagaalka kula jiar
ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ay weerar ku qaadeen fariisimahaas,
iyadoo labada dhinac ay isweydaarsadeen hubka nuucyadiisa kala duwan.
Madaafiic
aan loo meel dayin oo ay ridayeen ciidamada Itoobiya ayaa ku dhacay qeybo
kamid ah xaafadaha muqdisho kuwaas oo inta la ogyahay ay ku waxyeeloobeen
5-qof oo rayid ah.
Ma cadda
khasaaraha kala gaaray dhinacyadii dagaalamay, waxaana ilo wareed la helay
ay sheegayaan inuu jiro khasaare ka dhashay dagaalka oo kala gaaray labada
dhinac inkasta oo aan warkaas jiritaankiisa si dhab ah loo xaqiijin karin.
Dagaalka
saaka ka dhacay deegaanadaas ayaa ku soo beegmaya xilli aroornimadii shalay
dagaal uu ka dhacay isla qeybo kamid ah wadada warshadaha kaas oo u dhexeeyey
xoogagga hubeysan iyo ciidamada dowladda.
|