|
Shir
lagu Waxyeelaynayo Culumada S/galbeed oo ka furmay MagaaladaJigjiga.
Shir ay
soo qaban qaabiyeen Madaxda Guumaysiga iyo Maamulka Lugbuur oo lagu waxyeeleynayo
Culimada magaalada Jigjiga ayaa waxaa ka furmay magaalada Jigjiga ee Dhulka
S/galbeed, Shirkan ayaa ahaa mid la isugu yeedhay dhammaan Mashaa'ikhda
magaalada siiba kuwooda waaweyn.
Culimadii ka soo qayb gashay Kulankan ayaa intooda badan lagu soo qasbay
inay isugu yimaaddaan halka lagu shirinayo oo ah Qolka Shirarka ee Jigjiga,
taas oo Sheekh walba lagu amray inuu yimaaddo, inta badan Sheekhyada loo
baahan yahay ayaa ahaa Madaxda sare ee Golaha Arrimaha Islaamka ee Jigjiga
iyo Waliba Guddoomiyaasha Maxkamadda Shareecadda Islaamka kuwaas oo Guumaysigu
ku soo eedeyay inay xag jiraan isla markaana ay yihiin kuwa ka soo horjeeda
Maamulka Lugbuur.
Haddaba Shirkan oo maalintiisii saddexaad ka soconaya magaalada Jigjiga
ayaa bilowgii waxaa Guumaysigu dusha ka fuulay oo uu u hanjabay Sheekh
ugu sareeya Culimada Jigjiga isla markaana haysta Maxkamadda Shareecadda
ee Jigjiga kaas oo lagu magacaabo Sheekh Axmed Dayib, Sheekhan ayaa Guumaysigu
si kulul ula hadlay markii hore iyadoo Guumaysigu ku eedeeyay Sheekha
inuu gacansaar la leeyahay Jabhadaha xaq u dirirka ah ee dagaalka ba'an
kula jira Guumaysiga sidoo kale Sheekha ayaa waxyaabo badan loo soo jeediyay,
balse wali go'aan kamuusan gaadhin Guumaysigu Sheekhan.
Si kastaba ha ahaatee Kulankan ayaa Guumaysigu ujeedada kaliya ee uu ka
leeyahay ay tahay sidii Culimada Degaanka siiba Jigjiga ay u noqon lahaayeen
kuwa hoos yimaadda Guumaysiga isla markaana uu ka yeelo siduu doono iyadoo
uu ugu soo gabanayo waxay ka tirsan yihiin Koox heblaayo iyo Jabhad heblaayo,
balse danta kaliya ee uu middan uga dan leeyahay baa ah inuu Culimada
ka dhigo wax uu marka dambe Xabsiyada uu ka buuxsado
Ciidamada
Mujaahidiinta MJXSG oo Baabuur Zuu ah ku gubay Duleedka Magaalada Barmiil.
Ciidamadda Mujaahidiinta Midowga Jabhadda Xoraynta S/galbeed ee ka howlgala
Gobalka Nogbeed dhulka S/Galbeed ee lahaysto ayaa maanta 27/7/008 ka gubay
Ciidmadda gumaysiga mid ka mid ah baabuurta dagaalka duleedka tuulada
Barmiilka oo ka tirsan Dagmadda Dhuxun ee gobalka Nogbeed.
Baabuurkan
ay Mujaahidiintu gubeen oo ahaa nooca loo yaqaano Uuraalka oo, uu saarnaa
quriga Zuuga iyo Ciidan gaadhaya ilaa 30 Askari ayay Mujaahidiintu la
beegsadeen Miinadda Nooca meesha Fog laga hago ee loo yaqaano Rumud Cantrol.
Howlgalkan
ayaa ka dambeeyay kadib markii ay maqleen Ciidanka Mujaahidiinta S/galbeed
inay gawaadhi kolonyo ah oo ku socota tuulada Barmiilku ay jidka kusoo
jiraan kuwaasoo la sheegay in loogu tala galay in ay sugaan amaanka shir
loo balansana in uu maanta ka dhaco tuuladda BarMiilka oo la sheegay in
uu kasoo qayb galayay ninka wakiilka Tigreega uga ah dhulka S/galbeed
Cabdullaahi Lugbuur.
Shirkan
ayaa la sheegay in looga hadli lahaa sidii wax looga qaban lahaa dagaaladda
ay dhulkaa ka wadan Jabhadaha xornimo u dirirka ihi kuwaasoo baryahan
aad usii xoogaysanaya. Mujaahidiinta ayaa sheegay in baabuurkaa iyo dhamaan
wixii sarnaaba ay halkaa ku bas beeleen dhankoodana uuna wax khasaaro
ihi kasoo gaadhin.
Dad
u dhashay Wadanka S/galbeed oo Lagu Xidhxidhay Magaalada Mandheera ee
Wadanka Kenya.
Dad rayid
ah oo udhashay wadanka s/galbeed ayaa lagu xidhxidhay magalada MANDERA
ee kutaala xadka ay wadagaan wadanka s/galbeed iyo kenya,dadkan rayidka
ah ayaa ahaa kuwo kasoo baxsaday falalka cadawtinimada aha iyo cidhibgooynta
ay gumaysiga ethopia kuhayso shacabka s/galbeed, dadkan ayaa isugu jira
rag iyo dumarba kuwaas oo qaarkood lasiidayay kadib markii laguxukamay
lacago ganaax aha.
WARSAME ALI MAHDI oo ahaa maxabiistii lasiidayay ayaa waraysi dhanka taleefanka
aha siiyay webka s/galbeed xili uu kusugnaa magalada SUUFTA ee carliga
s/galbeed,asaga oo usheegay in ay kaboonaayen 7 shkhsi 4 kamid ahana lsiidayay
3kalana labalansayahay in lasiidaayo malita ithniinta aha eey taariikhdu
kubeganatahay 28/7/2008,
dhibatada haysata shacabka s/galbeed ayaa maraysa meeshii ooguxumaday
xili uu bilabay cadowgu in uu si aan kalsooc ahayn u xasuuqayo shacabka
aanan waxba galabasanin,mana,aha arin ay aqbalayaan shacbka s/galbeed
in ay kajoogasadaan hadafkooda gobanimodoon waxkasta oo uu cadgu iskudayo
taasna waa himilada ama rajada uu uhamuumqabo shacbka s/galbeed in ay
iska ridaan heeryada guumaysiga inta ay ka geeriyoonhayaan ama gobanimo
kaqadanhayaan,ayada ooy hada ugodhowdahay xiligii uu imaan lahaa nasriga
eebe,manajirto dhibaato timaada illaa waxaa ahaday gadaasheeda barwaaqo
iyo raaxo.
waxa sidoo kale loogabaahan ayahayay jaliyadaha rer s/galbeed in ay lasocadaan
xaladaha shcabkooda kudhibaataysan wadanka gudihiisa iyo kuwa ku go,doonsan
wadamada kale,
abdi rashiid abdullaahi axmad
nairobi kenya
e-mail cabdidhanan@hotmail.com
soomaaligalbeed.com
|