|
Wararka
maanta
|
||
|
DADKA REER KAASHMIIR OO DOORMOODAY IN AY BANAAN BAXYO KU XOREEYAAN DALKOODA. kaashmiir
dareen kii kajiray wuu kasii dariye? Dhanka
kale warar rasmi ah oo lagu kalsoon tahay oo ay booliska india shaaciyeen
ayaa sheegaya in ay ciidamada Indiya toogasho kudileen inkabadan 23 ruux
oo banaan baxayaal ah ayna kudhawaceen inkabadan 500 oo ruux inkayar 2
isbuuc gudahood in tii ay bilaabmeen banaan baxyada kadhanka ah india. DAGAAL XOOGAN OO SAAKA KADHACAY GUDAHA DEGMADA HODON EE MAGAALADA MUQDISHO. Dagaal xooggan ayaa saaka ka dhacay qeybo kamid ah degmada Hodan ee magaalada Muqdisho kaas oo u dhexeeya ciidamada dowladda KMG ah iyo xoogagga ka horjeeda. Dagaalka ayaa yimid kadib markii xoogagga hubeysan ee dagaalak kula jira ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ay weerar ku qaadeen fariisin ay ciidamada dowladda KMG ah ku leeyihiin halka loo yaqaan guryaha Saraakiisha oo ku yaal xaafadda Shiirkole ee degmada Hodan. Dagaalka oo socday inka badan hal saac ayaa labada dhinac waxa ay isku adeegsanayeen hubka nuucyadiisa kala duwan sida ay sheegeen dadka deegaanka. Ma cadda khasaaraha kala gaaray labada dhinac ee saaka ku dagaalamay qeybo kamid ah xaafadaha degmada Hodan, hase ahaatee dagaalka oo markii dambe sii xoogeystay ayaa ku fiday deegaano hor leh. Wararka qaar ayaa sheegaya in dagaalka sidoo kale ay qeyb ka ahaayeen madaafiic kuwaas oo aan si dhab ah loo ogeyn halka ay ku dheceen iyo khasaaraha ay geysteen. Si kastaba ha ahaatee fariisimada ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa Itoobiya ayaa badanaa waxaa weeraro xooggan ku qaada xoogagga hubeysan ee dagaalka kula jira. CUSMAAN CAATO OO XALAY LAWEERARAY GURIGIISA UU KADEGAN YAHAY MAGAALADA BAYDHABO. Weerar loo adeegsaday Bambaano ayaa xalay lagu qaaday hoyga uu magaalada Beydhabo ka deggan yahay xildhibaan Cusmaan Xasan Cali (Caato) oo kamid ah xubnaha barlamaanka Soomaaliya. Bambaanada ayaa lagu tuuray gudaha guriga xildhibaanka xilli xildhibaan Cusmaan Caato ku sugnaa guriga, waxaana inta la hubo qaraxa bambaanada ku dhaawacmay qof oo kamid ahaa dadkii ku sugnaa guriga. Qaraxa kadib ayaa ilaalada xildhibaanka waxa ay fureen tacshiirad, iyadoo kooxihii weerarka bambaano ku qaaday guriga xildhibaanka ay halkaasi isaga tageen. Ma jiro wax war ah oo ka soo baxayu xildhibaanka oo ku aaddan weerarka bambaano ee xalay hoygiisa ay ku qaadeen kooxaha hubeysan. Weerarada lagu qaado guryaha ay magaalada Beydhabo ka deggan yihiin qaar katirsan xildhibaanada barlamaanka Soomaaliya ayaa ku sii kordhaya magaalada Beydhabo, iyadoo la xusuusto in weerar kan ka horeeyey xoogag hubeysan ay si fool ka fool ah ugu qaadeen guri uu magaalada Beydhabo ka deggan yahay xildhibaan katirsan barlamaanka Soomaaliya. SHIRKII
LAAMAHA JAALIYADA GOBOLKA EASTREN CAPE OO LASOO GABA GABEEYAY. Queenstown: Shirkii laamaha jaaliyadda soomaaliyeed ee gobolka Eastern cape oo shalay ka furmay degmadda(chris hani district) ee magaaladda queenstown ayay iskugu yimaadeen masuuliyiinta xarumaha jaaliyadda lixda degmo ee gobolka eastern cape. Shirkan
oo ka furmay misaajidka magaaladda queenstown qeybtiisa shirarka ayay
kasoo qayb galeen laamaha jaaliyada dhammaanba wakiilada degmooyinka ee
gobolkaas iyadoo uu wakiil walba matalayay labo degmo. Shirkii
ayaa waxaa furay madaxa xafiiska queenstown mudane: Cismaan Siraad Geedi
oo ka warbixiyay xaaladda degmada queenstown & umtata iyo jaaliyadda
soomaaliyeed ee ku nool degmooyinkaas . Waxaa kale
sidoo kale warbixino kala duwan kasoo jeediyay shirkaas xoghaya guud ee
jaaliyadda C/raxmaan Nuur Jilley iyo C/wahaab Ibrahim Xakar & Xuseen
Usaama. |
||
| Home // Warar hore // Taariikh // Faallo // Maqaallo // Agoonta S/galbeed // Xidhiidhka | ||
| Copy right © Soomaligalbeed 2006 |
Email:Webmastar@soomaaligalbeed.com |
Website: http://www. soomaaligalbeed.com |