Wararka maanta

CIIDAMADA MJXSG OO WEERARAY BAABUUR KOLONYO AH OO MARAYAYINTA U DHAXAYSA SHAYGOOSH IYO DHOODLAY.

Ciidamada Mujaahidiinta MJXSG ayaa weerar ku qaaday ciido Itoobiyaan ah oo watay baabur kolonyo ah inta udhaxaysa Shaygoosh iyo Boodhlay.

Dagaalkan oo ahaa midka loo yaqaano ku dhufoo kadhaqaaq ayay mujaahidiintu qaadeen xili ay ciidamada gumaysigu banjarsanayeen baabuur kamid ah baabuurtaas.
Dagaalkan oo inmudo ah socday ayay mujaahidiintu dib ugu laabteen goobtoodii iyagoo bad qaba.

Khasaaraha dagaalkan ee dhanka cadawga ayaan war sax ah laga haynin, kadib markii ay si dhakhso ah uga guureen ciidamadii cawgu goobtii ay mujaahidiintu ku weerareen, balse Wararka laga helayo dhanka shacabka ayaa sheegaya in ciidamadii itoobiyaanka ahaa ee ay mujaahidiintu weerarka ku qaadeen markii ay soo gaadheen dhanka magaalada shaygoosh, ay kasoo dajiyeen baaburtii 10mayd ah oo kamid ah ciidankooda.

Ma aha markii ugu horeysay oo weeraro noocan oo kale ah ay la beegsadaan Mujaahidiinta Midawga Jabhada Xoraynta Somali-Galbeed ciidamada Gumeysiga Itoobiya ee xooga ku haysta dhulkaas.

Dr CUMAR IIMAN OO UAHADLAY ISBAHAYSIGA GARABKA ASMARA OO SI WAYN USOO DHAWWEYAY QABSASHADII MAGAALADA KISMAAYO.

Dr Cumar Imaan Abubakar oo ka mid ah xubnaha ugu sar sareeya ee isbaheysiga dibu xoreynta, garabka asmara ayaa si weyn u soo dhaweeyay qabsashada Magaalada Kismaayo ee dhawaan ay sida rasmiga ah ula wareegeen xoogag ka tirsan MMIS iyo Al-shabaab.

Qabsashada Kismaayo ayuu ku qiimeeyay Dr Cumar, mid aad u qiimo weyn oo wax weyna ka badeli doonta hanaanka maamul, degenaansho iyo nololeed ee Magaalada Kismaayo.

Waxa uu sidoo kale sheegay Dr Cumar imaan in dagaaladii ka dhacey Kismaayo, ay meesha ka saareen hogaamiye kooxeed ka tirsanaa kuwii horey loola dagaaley, dhibaato xoogan ka geysanayey Magaalada Kismaayo.

Dr Cumar imaan ayaa sidoo kale sheegay in ay in muddo ah ka war wareegayeen dagaal ay ku qaadaan Magaalada Kismaayo, basle uu arinta hadda ku qasbey Barre Hiiraale oo Kismaayo ka wadey Qorshe cadowtooyo oo ugu adeegyay cadowga umadda soomaaliyeed.

Xoogaga la wareegay Magaalada Kismaayo ayuu baaq u direy Dr Cumar isaga oo ugu baaqey in ay maamul loo dhan yahey u sameeyaan Magaalada Kismaayo, sidoo kalena raali ku wada yihiin dadka magaalada degan.

Waxa uu sidoo kale ku baaqey in laga fogaado wax walba oo keeno kara, faquuq lagu sameeyo dadka qaar oo keeni karta marka danbe kacdoon shacab.

Home // Warar hore // Taariikh // Faallo // Maqaallo // Agoonta S/galbeed // Xidhiidhka
Copy right © Soomaligalbeed 2006

Email:Webmastar@soomaaligalbeed.com

Website: http://www. soomaaligalbeed.com