Wararka maanta

Ugaas Cabdi Mux'ed Qani oo Isagoo Garbaduuban Xalay lagu soo xidhay Magaalada Jigjiga.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Ugaas Cabdi Ugaas Muhumed Qani xalay Fiidkii la keenay Xabsiga weyn ee ku yaal magaalada Jigjiga, Ugaaska ayaa horey waxaa uu ugu xidhnaa magaalada Godey halkaas oo maamulka Lugbuur uu dhawaan ku xidhay Ugaaska.

Xadhigga Ugaaska ayaa Shacabka ku dhaqan magaalada Godey ka dhiidhiyeen iyagoo Mudaaharaadyo kala duwan ka sameeyay magaalada iyagoo ku tilmaamay xadhiga Ugaaska mid aan Sharciga waafaqsanayn, Ugaaska ayaa hadda loo soo gudbiyay Xabsiga weyn ee Jeel Ogaden ee ku yaal magaalada Jigjiga.

Ugaaska ayaa tobaneeyo maalmood ka hor lagu xidhay Godey iyadoo aan la garanayn sababta loo xidhay, intii uu ku xidhnaa Godey ayaa Shacabka magaaladaasi sameeyeen Mudaaharaadyo lagaga soo horjeeday xadhigga Ugaaska iyadoo Rabshadihii wakhtigaa bilaabmay ay ilaa hadda ka taagan yihiin magaalada Godey oo hadda aysan sugnayn Ammaankeedu. Ugaaska ayaan la garanayn xaaladda uu kala kulmi doono Jeel Ogaden oo ah Jeel ku caan baxay xadhigga dadyowga la waayo amase Guumaysigu qaniinsan yahay


Ciidamada Guumaysiga oo Habeennimadii xalay ahaa Baadhitaanno Ka sameynayeen Qaybo ka mid ah Xaafadaha Magaalada Jigjiga.

Ciidamada Guumaysiga ayaa habeennimadii xalay waxay baadhitaanno ka sameynayeen qaybo ka mid ah Xaafadaha magaalada Jigjiga siiba xaafadaha ku dhex yaal badhtamaha magaalada, baadhitaankan ayaa waxaa uu bilowday salaaddii maqrib isagoo uu socday ilaa habeen badhkii, dadka lugta ah ayaa meel kasta lagu baadhayay isla markaana la waydiinayay Waraaqaha Aqoonsiga.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in sidoo kale xalay ay xidhnayd Wadada laamida ah ee dhex martay magaalada Jigjiga taas oo gabi ahaanteedba xalay cidlo ahayd iyadoo Ciidamada Guumaysigu u diiday dadkii Shacabka ahaa inay maraan Wadadaas, baabuurta iyo dadka lugta ahiba waxay ka gooshayeen waddooyin kale oo qalqalooc ah.

Baadhitaannadan ayaa ilaa hadda waxaa naloo xaqiijiyay in lagu qabqabtay dad Shacab ah oo isugu jira haween iyo dhalinyaro tiradoodana lagu qiyaasay ugu yaraan 30 qof, sidoo kale dadla la qabqabtay xalay ayaa waxaa ka mid ahaa dadyow iyagu doonayay inay Jigjiga uga talaabaan dhinaca S/land oo tahriibayaal ahaa kuwaas oo ka kala yimid Dhulka Oromada.

Ilaa hadda lama garan sababta keentay baadhitaankii xalay balse Maamulka Kililka iyo Guumaysiguba markay wax ka shakiyaan amase cabsi niyadooda soo gasho ayaa caado waxay u tahay baadhitaano noocan oo kale ah inay ka sameeyaan magaalada iyadoo inta badan ku qabqabta baadhitaanadan dad badan oo Shacab ah, Jigjigana baadhitaanku hadda waxaa uu ka noqdayba wax iska caadi ah oo marwalba soo mara taariikhda Jigjiga.

Wiil Soomaaliyeed oo Lagu Dilay Magaalada Rastanbark ee Wadanka S/afrika

Ayada oy sii kordhaysay dhibaada laguhayo dadka qaxootiga ku aha k/afrika ayaa waxaa noqday qofkii udambeeyay ee lagu dilo wadankaas wiil dhaliyara aha oo lagu magacaabi jiray MAXAMD DEEQ OMAR IBRAHIM xili uu kusugnaa tukaan kuyaala magalada macadanta iyo maarta laga qodo ee RASTAN BARK taas oo kutaala waqooyi galbeed ee wadanka k/afrika.

Maxamd deeq ayay budhacad hubaysan usoodhacaday tukaanka uu joogay mudo laga joogo 7aad kadib markii uu kuladhagay ama laqabsaday qorigii ay wadeen budhacadu. markay usuuro gali wayday in ay wax dhacaan ama dilaan ayay isaga carareen dukaankii.

Budhcadan ayaa markale ku soo laabtay dukaankii maxed deeq iyagoo uu ujoodadoodu uu ahaa in ay dilaan maxed Deeg sida uu goobjooge kusagan halaka uu kadhacay dilka ayaa usheegay webka s/galbeed in marxuumka gacanta laga dhuftay xabad kadibna uu damcay in uu baxsado hasayeeshee ay dhabarka kaga dhufteen dhowr xabadood halkaasna uu ku qudhbaxay Max'ed Deeq.

Dadkaas goobjoogayaasha ahaa ayaa xaqiijiyay in aysan waxba kaqaadanin budhcadu dukaanka taas oo lagu macneeyay in uu dabasocdo falkani kii hore ee ay budhcadu weerarka ugu gaysteen marxuumka.

Maxammad deeq waxaa da,diisa naloogusheegay in yahay 25 sano ifkana uu kagatagay markii lagareebo walidkii iyo qaraabadiisa hal xaas oonan wali ucuranin tas oo kunool magalada nairobe ee xarunta wadanaka kenya,
ABDI RASHIID ABDULLAHI AHMED
NAIROBI KENAY
E_mail cabdidhanan@hotmail.com

Home // Warar hore // Taariikh // Faallo // Maqaallo // Agoonta S/galbeed // Xidhiidhka
Copy right © Soomaligalbeed 2006

Email:Webmastar@soomaaligalbeed.com

Website: http://www. soomaaligalbeed.com