|
Wararka
maanta
|
||
|
SHIRKII
SADEXDA BILLOOD EE JAALIYADDA EASTREN CAPE OO BARI KAFUMAYSA QUENSTON. Queenstown: masuuliyiinta jaaliyadda soomaaliyeed ee gobolka Eastern cape oo caawo ku sii qul qulaya magaaladda queenstown oo barito shir ooga furmidoona inshaa alaahu magaaladda queenstown ee gobolka Eastern cape, madax xafiiska queenstown mudane: cismaan siraad geedi & c/rashiid yuusuf kuxigeenka madaxa xafiiska ayaa gacmo furan ku soo dhaweynaya martida caawo ku sugan queenstown, magaaladda ayaa caawo laga dareemayaa dhaq dhaqaaq & wajiyo cusub oo in badan kala maqnaa.
DAGAAL CULUS OO HADDA KA SOCONAYA bANKA JIIRO OO U DHAXEEYA CIIDAMADA MAXAAKIIMTA IYO CIIDAN UU WATO BARE HIIRAALE. War Dagdag ah oo hada nasoo gaadhay ayaa sheegaya in uu hadda dagaal culusi ka socda deegaanka Jiiro oo ka tirsan Dagmadda Afmadow ee gobalka Jubadda hoose , dagaalkan ayaa u dhaxeeya ciidamada Maxaakimta Islaamka Iyo Ciidan uu wato Bare Hiiraale oo laga soo saaray Magaalada Kismaayo Dagaalkan ayaan ilaa hada wax faahfaahina laga hayn waxaana jiray dagaalo kale oo googoos ah oo maanta ciidanka uu Bare wato ku qabsaday meelo kala duwan sida deegaanka Xayo oo iyana la sheegay in dad shacab ah halkaa ku laayeen isna la sheegay in loogu gaystay khasaare. |
||
| Home // Warar hore // Taariikh // Faallo // Maqaallo // Agoonta S/galbeed // Xidhiidhka | ||
| Copy right © Soomaligalbeed 2006 |
Email:Webmastar@soomaaligalbeed.com |
Website: http://www. soomaaligalbeed.com |