Wararka maanta

WARAR DHEERAAD AH OO KASOO BAXAYA IS QAB QABSIGII KILILKA.

YAY KU HADHAY DAACADNIMADII MELES, YUUSE WIISHU QAADAY?
Wararka ka soo baxaya Shirkii ay Madaxda Lugbuur iyo Malas ku lahaayeen Addis Ababa ayaa sheegaya in uu ku dhammaaday guul darro, kaddib markii la isba tusi kari waayay Lugbuur iyo Madaxdiisii, oo khilaaf xooggani ka dhaxeeyay.

Warku waxaa uu intaa ku darayaa in laga yaabo in la eryo Daa'uud oo ay si xun iskugu dhacsanaayeen Lugbuur, waxaana laga yaabaa in Madax kale oo fara badan la eryo si uu u yaraado khilaafka Maamulka Lugbuur.

Shirkan oo guul daradiisu ahayd mid Shacab weynaha Soomaaligalbeed ay wada filanayeen ayaa waxaa laga yaabaa in maalinta bari ah ay dib ugu soo laabtaan magaalada Jigjiga iyagoo midba hoosta ka guuxayo isla markaana laga yaabo ciilka haya inay falal badan ku kici doonaan.

Shacabka S/galbeed ayaa isagu middan aad ugu faraxsan maadaama Madaxdii Shacabkoodii lagu diray ay maanta iyagii dhexdoodii is wada haystaan oo aysan jirin mid mid aaminsan iyadoo meesha uu ku hadhayo midka uu wato Guumaysigu ee u jecel yahay inta kalena laga yaabo in dhammaantood la wada eryo qaar kalena Xabsiga loo taxaabo

ROOBAB LAXAAD LEH OO KA BILLOWDAY MAGAALADA JIGJIGA IYO NAWAAXIGEEDDA.

Waxaa Degaamo dhawr ah oo ka tirsan Dhulka S/galbeed ka bilowday Roobab xooggan kuwaas oo wakhtiyada habeenkii ah aad u da'a, Roobashan ayaa xooggoodu waxaa uu ku da'aa magaalada Jigjiga iyadoo ay adag tahay socodku xilliyada habeenkii ah markuu Roobku da'ayo.

Ma jiraan wax khasaare ah oo Roobashani gaysteen Walaw dadka Degaanku aad ugu baahnaayeen Roobkan, maadaama xilliyadan lagu jiro wakhti kuleele, sidoo kalena ay Abaaro jireen, Degaamo badan oo ka tirsan Dhulka Soomaaligalbeed ayaa wali waxaa ka jira Abaaro taas oo sal dheeraatay isla markaana aysan dadkaasi helin wax Roob ah. Sidoo kale biyo la'aan ayaa magaalooyinka qaar iyagana lagaga soo waramayaa kaddib markii ceelashii ay dadka iyo xooluhuba ka cabbi jireen ay gudheen Abaaraha dartood.

Haddaba Dhulka Soomaaligalbeed oo ah dhul dadkiisu ay u dhaxeeyaan Abaaro ka jira Degaanka iyo Ciidamada Guumaysiga oo dhibaatooyin kala duwan u gaysta Shacabka ayaan isagu wali helin wax gurmad ah oo wax ka qabta Abaaraha.

MAGAALADA KISMAAYO OO AY GACAN KU HAYNTEEDA SI BUUXDA ULA WAREEGEEN MUJAAHIDIINTA SOOMAALIYEED.

Ciidamada mujaahidiinta maxaakiimta Islaamka soomaaliyeed ee jubooyinka oo ay taageerayaan xoogaga Alshabaab ayaa sitoos ah ula wareegay magaalada kismaayo dagaal mudo sadex maalmood ah kasoconayay guhaga magaalada kismayo.

Dagaalkan oo maanta ahaa mid aad uxoogan oo ay ciidamada mujaahidiinta jubbooyinku u adeegsadeen tabihii lagu yiqiinay dagaaladii dhex maray iyaga iyo hogaamiye kooxeed yadii kadib markii ay dagaal gurmar ah ku tageen magaalada Muqdisho iyo dagaalkii ay lagaleen hogaamiye kooxeed bare Hiiraale oo ah midka ay maanta kaguulaysteen.

Mujaahidiinta ayaa dagaal gacanta laysula tagay , looguna awood sheegtay maleeshiyadii gacanta ku haysay magaaladaas kula wareegay magaaladaas oo hada ah mid degen , iyadoon lagaranaynin halka uu abaaray bare..

Dagaalka ayay ku dhinteen dad badan kuna dhaawacmeen kuwo badan oo isugu jira qaybihii uu dagaalku udhaxeeyay iyo dad shacab ah oo ay haleeshay rasaastii laysku adeegsanayay.

GACAN YARAYAASHII LUGBUUR OO UU GAMGAME UGA FURMAY MAGAALADA JIGJIGA.

Waxaa magaalada Jigjiga ka bilaabmay maanta Shir lagu gamgamaynayo Xildhibaanada Maamulka Lugbuur kuwaas oo markii u horeysay Shir gamgame ah uga furmay magaalada Jigjiga, Shirkan gamgameha ah ayaa waxaa ka soo qayb galay Madaxda Maamulka Lugbuur intii ku hadhay Jigjiga iyo waliba Madax kale oo Guumaysiga ka socda.

Shirkan gamgamaha ah ayaa waxaa lagu gamgamayn doonaa Xildhibaano badan oo ka tirsan Maamulka Lugbuur kuwaas oo Maamulku u bogi waayay hawshooda, inkastoo aysan jirin wax hawl ah oo loo xilsaaray maadaama ay Xildhibaano matalayaan haddana waxyaabaha ugu waaweyn ee lagu gamgamaynayo waxaa ka mid ah dhinaca Nabadgalyada.

Haddaba Shirkan gamgamaha ah ayaan la sheegin muddada uu socon doono iyadoo laga yaabo in muddo ilaa dhawr maalmood ah uu socon doono Shirkan waxaana laga yaabaa in Xildhibaano badan xilkooda xildhibaan laga qaado oo lagu soo eedeeyo waxa uu Guumaysigu ugu yeedhay Nabad diid, waxaa yaab noqotay in markii u horeysay Xildhibaano lagu gamgameeyo Jigjiga iyadoo waligeed la iska dhaafi jiray maadaamo xil loo dhiibtay aysan jirin oo magaca xildhibaanimo un huwisan yihiin haddana guumaysigu waxba ma celiyaanee Xildhibaanadii ay doorkana diiraddu u saaran tahay Guumaysiga, waxaana loo wada hanqal taagayaa waxa ka soo bixi doona Shirkaas gamgamaha ah.

 

Home // Warar hore // Taariikh // Faallo // Maqaallo // Agoonta S/galbeed // Xidhiidhka
Copy right © Soomaligalbeed 2006

Email:Webmastar@soomaaligalbeed.com

Website: http://www. soomaaligalbeed.com