Wararka maanta

Markab laga leeyahay Australia oo Kooxo Burcad badeed Soomaali ah ay Afduubteen.

Markab laga leeyahay dalka Australia ayaa kooxo burcad badeed Soomaali ah waxa ay ku afduubteen xeebaha u dhexeeya dalka Yemen iyo maamulka Puntland.

Sida wararku sheegayaan markabka ayaa waxaa afduubtay dabley Soomaali ah oo watay doonyaha dheereeya kuwaas oo markii ay gacanta ku soo dhigeen markaba ula soo dhaqaaqay xeebaha deegaanka Laascaseyr.
Markaba oo la sheegay inuu yahay mid ganacsi ayaa kooxaha afduubtay waxa ay geysteen xeebta deegaanka Laas Caseyr ee degmada Caluula sida uu warbaahinta u sheegay guddoomiyaha degmada Caluula ninka la yiraahdo Xareed Ciise.

Xareed Ciise guddoomiyaha degmada Caluula waxa uu sheegay in kooxaha burcad badeedda Soomaalida ah ay dhawaanahaan ku soo badanayeen deegaanada ku teetsan degmada Caluula, isagoo inta raaciyey in maamulkooda aaney faahfaahin badan ka heynin shaqaalaha saaran markabka.

Wuxuu intaas raaciyey in maamulkooda aaneyn awood balaaran u laheyn la dagaalanka kooxaha burcadda ah oo uu sheegay inay aad u hubeysan yihiin, isagoo shaaca ka qaaday in dhibka ugu badan uu ka jiro lacagaha madax furashada ah ee la siiyo kooxaha burcadda ah taas oo sara u sii qaadeysa afduubka maraakiibta shisheeye.

Si kastaba ha ahaatee xeebaha dalka Soomaaliya iyo kuwa biyo wadaagga la ah Soomaaliya ayaa noqday meel halis ah oo ay ku sii kordhayaan kooxaha burcadda ah ee afduubka u geysta maraakiibta shisheeye ee isticmaala biyaha Soomaaliya.

Tuulada Horato oo ay Ciidamada Itoobiya Kafureen Kawaankii dadka ee Todobaadkan.

Illeen hadaadan waxba kacabsanaynin Dilka dadku Beer lajafay Kaagama Duwana.
Ciidamada gumaysiga itoobiya oo ay maxkamada wadankoodu ufasaxday in ay maalin walba laayaan shacabka s/galbeed si aysan marnaba u hilmaamin in lagumaysanayo, ayaymaalinba tuulo ugu dhaqaaqaan in ay gumaadaan.
19-7-08 ayay Horoto oo u dhaw Ceelo Obo, oo katirsan magaalada Baabili, kana soo ah dhanka koonfureed, ayay ciidamada gumaysiga Itoobiya ku gumaadeen , ku dhaawaceen, kuna boobeen hantidoodii dadkan hoos kuqoran:-

Dhimasho.
1- Max'ed C/raxmaan Xaaji ( Gawrac )
2- C/qaadir Max'ud Xuseen ( Gawrac )
3- Mukhtaar Cumar Cabdi Bare ( Gawrac )

Dhaawac.
1- Faarax Axmed Xuseen ( Rasaas)
2- Max'ed Cabdi Xuseen ( Rasaasa)
3- Rufaacudiin cabdi C/casiis ( Rasaas)
4- Mukhtaar Mux'ed Boor ( Gacan kajabin qoriga dabadiisa)

Dhac hantiyeed.
1- Yuusuf Daahir Xasan (Qori geel lagu hayay)
2- Mukhtaar Daahir xasan ( Qori geel lagu hayay)
3- Qorane Xaashi Geed ( Qori geel lagu hayay)
4- Irshaad Ow cumar Guuleed ( Qori geel lagu hayay)
5- Mukhtaar Mux'ed Boor ( 2500 lacagta Itoobiya Dhac)
6 Zakariye Sagal Dayl ( 17000 lacagta Itoobiya Dhac).

Dadkani waa dadkii degenaa tuuladaas qiyaasta dadka tuulada degen waxay noqdeen wax ladilay, wax ladhaawacay, wax ladhacay iyo wax murugo iyo walbahaar dhabanka lahaysta. dhibaatadan oon ahayn mid mar dhacda ee ah mid joogta ah, oo sidii suuq xoolaad hadba tuulo loo rari jiray, uu gumaadka dadka shacabka s/galbeedna sidaas ugu kaltamaa!!!!..

 

Home // Warar hore // Taariikh // Faallo // Maqaallo // Agoonta S/galbeed // Xidhiidhka
Copy right © Soomaligalbeed 2006

Email:Webmastar@soomaaligalbeed.com

Website: http://www. soomaaligalbeed.com