Wararka maanta

Ciidamada Looyaqaano fadanoo oo cidleeyay magaalada Xamaro.

Ciidamada looyaqaano fadanoo ee uu gumaysiga Itoobiya ku soo aruuriyay wadanka s/galbeed ayaa baryahanba wadan in ay ka baxsadaan dhibaatada aan dhamaadka lahayn ee kajirta s/galbeed.

Ciidamadii ugu dambeeyay ayaa ka baxsaday magaalada xamaro ee katirsan gobolka nogbeed ee wadanka s/galbeed iyagoo u baxsaday dhanka magaalada salaxaad iyagoo usii jeeda dhanka gobolka Oromo.

ciidankan oo ay tiradoodu dhanayd 13 askari ayay .dagaal dhexda kusii galeen markii ay ciidamo tikree ah oo kusugnaa magaaladaasi ay kadaba baxeen , dabadana kagaadheen, isla markaan ay tacshiirad muddo socotay ay usuuro gashay ciidankii baxsadka ahaa inuu wadadiisii banaysto iskana reebo kuwii duulaanka ahaa, iyagoo nabad qabana ay kagudbeen xadka ay magaalada salaxaad laleedahay magaalooyinka oromada.

wararka ayaa intaas kusii daraya in ciidankaas baxsaday uu mid kamid ah booliiska magaalada Xamaro oo soomaali ihi uu horqaaday si uu dalmareen ugu noqdo markii uu kagudbiyay xadka shacabka s/galbeed iyo kuwa Oromadana uu halkaa isaga soonoqday, lama garanayo inuu xamaro kulaaban doono iyo in kale

Home // Warar hore // Taariikh // Faallo // Maqaallo // Agoonta S/galbeed // Xidhiidhka
Copy right © Soomaligalbeed 2006

Email:Webmastar@soomaaligalbeed.com

Website: http://www. soomaaligalbeed.com