|
Wararka
maanta
|
||
|
MADAXDA WADANKA KENYA OO INDHAHA CAALAMAKA KU SOO CELINAYA WADANKOODA. Madax wayne
kuxigeenga dalka kenya mr KOLONZO MUSIYOKA oo kusuga dalka turkia ayaa
kuqalqaalinhay dawladaas sidii ay umaalgashanlahayd dalka kenya
Raila ayaa
waxaa uu kacodsaday maalqabeenadii isuguyimaaday shirkaas in ay maalgashadaan
kenyada cusub oo ula jeeday dowlada wadaaga aha. Waxaa sidoo
kale codsi hawada umariyay madaxwaynaha dalaka MWAI KIBAKI xili uu kusugnaa
goob lagu xanaaneeyo duurjoogta wadanka kenya, loona dalxiistako oo lagumaga
caabo MAASAI MAARA waxa uuna kacodsaday bahwaynta caalmaka in ay soobooqdaan
si ay indhahooda oogu arkaan waxyaalaha ay kenya caanka kutahay. MAGAALADA KISMAAYO OO UU HADHEEYAY DAGAALO ISDABA JOOG AH. Dagaalo ayaa markale dib uga soo cusboonaaday magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose kaasi oo u dhexeeya xoogaga mujaahidiinta soomaliyeed iyo Maleeshiyo Beeleedka Gacanta ku yaha magaaladaasi. Iska hor imaadkaasi ayaa waxaa uu ku fiday qeeybo badan oo ka mid ah magaalada Kismaayo waxaana uu yahay mid si xoogan saameeyay isku socodka dadka iyo gaadidka ee magaaladaasi.
Dagaalka xoogiisa ayaa waxaa uu ka socdaa Woqooyiga magaalada iyo Galbeedka kaasi oo u muuqda in uu daqiiqadba daqiiqada ka danbeysa sii xoogeeysanayo isla markaana la isku adeegsanayo hubka nuucyadiisa kala duwan.
Dagaalkani ayaa waxaa uu daba socdaa dagaal xoogan oo shalay magaalada Kismaayo ku dhex maray xoogaga Al-shabaab,oo markii uu dagaalku kululaaday ay kusoo biireen qaar kamid ah maxakiimta islaamka iyo maleeshiy beeleedka gancata ku haya magaaladaasi kaasi oo dhinac ah kaas oo dhaliyay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac .
dagaalkan maanta ayaa sababay kadib markii ay shalay gacanta isula tageen xoogaga alshabaab oo quudaraynayay in dagaal la,aan gacanta ay ku dhigaan magaalada kismayo kadib markii ay heshiis hoose layeesheen Faarax Taani oo aha gudoomiyihii Siyaasada ee Beesha gacanyta ku haysa magaalada, oo uu arintaasi ku gacan sayray Bare Hiiraale oo ahaa Gudoomiyihii hore ee Siyaasada beeshaas ahaana ninkii beeshaas ugacan galiyay magaalada. Bare ayaa kadib dagaal ku qaaday Xoogagga alshabaab una suura gashay in uu maalintii shalay ahayd uu kasaaro magaalada xoogagaasn iyo qayb kamid ah Middowga maxaakiimta oo garab siiyay xoogaggaas.
|
||
| Home // Warar hore // Taariikh // Faallo // Maqaallo // Agoonta S/galbeed // Xidhiidhka | ||
| Copy right © Soomaligalbeed 2006 |
Email:Webmastar@soomaaligalbeed.com |
Website: http://www. soomaaligalbeed.com |