Wararka maanta

Shacabka Kudhaqan Magaalada Godey oo Ka walbahaaray Dilka 3 Dhalinyaro ah oo ay Ciidamada Itoobiyaanku si kas ah Utoogteen.

Wararka ka imaanaya magaalada Godey ayaa sheegaya in Ciidamada Guumaysigu habeen hore ku dhex dileen magaaladaas 3 qof oo Shacab ah kaddib markay rasaas oodda kaga qaadeen dadkan iyadoo magaaladu bandaw tahay. Saddexdan qof ayaa ahaa wiilal yaryar oo dhalinyarada magaalada ah.

Shacabka ku dhaqan magaalada Godey ayaa walaac badan ka muujiyay dilka loo gaystay Wiilashan oo si ula kac ah rasaas loogu furay, iyadoo magaaladu maalmihii u dambaysay ay ku jirtay xaalad xasaasi ah taas oo ka dhalatay Ugaaska Degaankaas oo Guumaysigu xabsiga u taxaabay taas oo Shacabkii magaaladu ka dhiidhiyeen isla markaana magaalada ka dhaceen Mudaaharaadyo lagaga soo horjeeday Xadhiga Ugaaska

Dilka loo gaystay Saddexdan Wiil ayaa qayb ka noqonaysa gabood falada ay Guumaysigu ka wadaan Degaanka iyagoo Shacabka S/galbeed Guumaysigu ka dhigay wax uu laayo iyo kuwa uu Xabsiga dhigo, balse arrimaha noocan oo kale ah waxay noqonayaan kuwo aan marnaba ka baxaynin Maskaxda Shacabka S/galbeed ee uu Guumaysigu xoogga ku haysto.

Maxaabiista Kujirta Xabsiga Magaalada Jigjiga oo Farta wadnaha Kuhaya.

Wararka aanu ka helayno magaalada Jigjiga ayaa sheegaya in Maxaabiis gaadhaysa 6 qof oo ku xidhnaan jiray Xabsiga magaalada Jigjiga xalay fiidkii lagala baxay Xabsigii ay ku jireen iyadoo loo qaaday dhinaca Itoobiyada dhexe gaar ahaan Xabsiga uu Guumaysigu samaystay ee loo yaqaano Zuway.

Maxaabiistan xalay lagala baxay Xabsiga ayaa waxaa ka mid ahaa Fowzi Cali Cabdi oo ahaa nin ay horey Maxkamadd ku sheegta Jigjiga ugu xukuntay Xabsi wakhti dheer ah, sidoo kale dadkan waxaa ka mid ahaa dhalinyaro iyaguna ku jiray Xabsiga Jigjiga kuwaas oo dhammaantood xalay Guumaysigu kala baxay Xabsigii ay ku jireen una qaaday dhinaca Zuwaay.

Ma ahan markii u horeeysay ee Xabsiyada Jigjiga Guumaysigu dad kala baxo kuwaas oo uu u qaado dhinaca Xabsiyadiisa gaarka u ah, iyadoo inta badan dadka la waayo ee habeenkii guryahooda lagala baxo intooda badan la geeyo dhinaca Xabsiga Zuway, oo ah Xabsi aad u weyn oo ka qodan dhulka hoostiisa.

Dadka kudhaqan Magaalada Dhagaxbuur oo Udhaga taagaya Waxay kudambaynayaan Dad laga qafaashay Magaaladaas.

Wararka ka imaanaya Magaalada Dhagaxbuur ayaa sheegaya in Guumaysiga Itoobiya uu dad badan oo Shacabka magaalada ah ka soo qabqabtay magaaladaas, isla markaana dadkaas maanta la keenay magaalada Jigjiga.

Dadkan uu Guumaysigu ka soo xidhxidhay magaalada Godey ayaa tiro ahaan lagu qiyaasayaa 50 qof , waxaana hadda lagu xidhxidhay dadkan Xabsiga weyn ee loo yaqaano Jeel Ogaden, lama garanayo sababta dadkan Guumaysigu uga soo xidhxidhay Dhagaxbuur balse wararka qaar ayaa sheegaya in dadkaan Guumaysigu ka shakiyay inay gacansaar la leeyihiin Jabhadaha Xornimo doonka ah ee ka hawlgala Dhulka Soomaaligalbeed.

Waa markii u horeeysay ee tiro Maxaabiis intaa dhan laga keeno Dhagaxbuur iyadoo maalmahan dambe Degaanku ku badnaa xadhiga loo gaysanayo dadka Shacabka ah een waxba galabsan kuwaas oo Guumaysigu ku xidhxidho godadkiisa gaarka u ah iyo Xabsiyada kale ee ku yaal Jigjiga.

Dadka Kunool Gobolka Sh/hoose Oon xalay kaseexan Guuxa Diyaaradaha.

Diyaarado joog hoose ku duulaya ayaa xalay lagu arkay qeybo kamid ah gobolka Sh/hoose gaar ahaan deeganaada Wanlaweyn, Leego iyo Yaaqbari weyne.

Sida ay sheegayaan wararka laha helayo deegaanadaas diyaaro aan cadadkooda la helin oo jai hoose ku duulaya ayaa xalay oo dhan dulheehaabayey deegaanadaas kuwaas oo waji cabsi leh ku abuuray dadka ku dhaqan deegaanasaas.

Dadka deegaanka ayaa ku waramay in xalay ay ka ladi waayeen diyaarado joog hoose ku duulaya kuwaas oo daryankooda si weyn looga maqlayey deegaano badan oo ka tirsan gobolka Sh/hoose.

Si cad looma oga cidda leh dayuuradahaan jawiga hoose ku duulaya ee xalay lagu arkay deegaanada Wanlaweyn, Leego iyo Yaaqbariweyne iyo ujeedada ka dambeysa.

Dalka Soomaaliya ayaa tan iyo wixii ka dambeeyey burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya waxaa si sharci darro ah loogu arkayey diyaarado iyo maraakiib ku soo xadgudba hawada iyo biyaha dalka Soomaaliya kuwaas oo mararka qaar dhibaatooyin gaarsiiya shacabka rayid ah ee ku dhaqan dalka Soomaaliya.

Dagaalkii Xalay kadhacay Deegaanka Leego oo ay Sheegteen Mujaahidiinta Alshabaab.

Ururka hubeysan ee Al-shabaab ayaa sheegtay dagaalkii shalay ka dhacay deegaanka Leego ee gobolka Sh/hoose kaas oo u dhexeeyey ciidanka dowladda KMG ah ee Itoobiya lagu soo tababaray oo ay kaabayaan ciidamada Itoobiya iyo xoogagga hubeysan ee Al-shabaab.

Afhayeenka Al-shabaab Sheekh Muqtaar Roobow (Abuu Mansuur) ayaa shaaca ka qaaday in dagaalkaas ay iyagu ka dambeeyeen, waxaana uu sheegay in ay khasaare xooggan gaarsiiyeen ciidamada dowladda iyom kuwa Itoobiya.

"Mujaahidiinta Al-shabaab ayaa cadowga ilaahey wadada u galay, waxaana ay gaarsiiyeen jab xooggan, waxaana ay ku qasbeen inay dib ugu celiyaan Buurhakaba, mujaahidiinta meel walba oo ay joogaan waxaan ugu baaqayaa inay cadowga wadada u galaan" ayuu yiri Abuu Mansuur oo warbaahinta Muqdisho qadka taleefanka shir jaraa'id ugu qabtay.

Wuxuu sheegay in dagaalkaas uu kaga shahiiday mid kamid ah ciidamadooda, isagoo tilmaamay in qaar kalena ay kaga dhaawacmeen.

Abuu Mansuur afhayeenka Al-shabaab waxa uu ku hanjabay inay weeraro culus la beegsan doonaan ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa Itoobiya, isagoo intaa raaciyey inay sii wadayaan dagaalka inta cadowgu uu joogo dalka Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee hadalka Abuu Mansuur ayaa ka dambeeyey dagaal faraha loo gubtay oo gelinkii dambe ee shalay ka qarxay deegaanka Leego halkaas oo ay ku dagaalameen ciidamada dowladda ee Itoobiya dhawaan lagu soo tababaray oo garab ka helaya kuwa Itoobiya iyo xoogagga hubeysan ee Al-shabaab.

 

Home // Warar hore // Taariikh // Faallo // Maqaallo // Agoonta S/galbeed // Xidhiidhka
Copy right © Soomaligalbeed 2006

Email:Webmastar@soomaaligalbeed.com

Website: http://www. soomaaligalbeed.com