Wararka maanta

Dadka Danyarta Magaalada Jigjiga oo Noqday Dadka ugu Sahlan ee xabsiyada lageeyo.

Ciidamada Guumaysiga ayaa maalin dhawayd waxay Xabsiga Jigjiga dhigeen Gabadh xoogsato ahayd oo ciyaalkeeda suuqa uga xamaali jirtay, Gabadhan aya ahayd gabadh suuqa ku leh maqaaxi yar isla markaana ahayd Gabadh Maskiin ah oo quutal ciyaalkeeda uga raadin jirtay maqaaxidaas.

Sida ay sheegayaan Wararka xogagaalka ahi Gabadhan ma jirin wax dambi ah oo Maamulka Lugbuur ay ka gashay balse waxaa lagu soo eedeeyay un inay xidhiidh hoos ahaaneed la leedahay Jabhadaha Guumaysi la dirirka ah, iyadoo la sheegay inay la dhalatay Gabadhaasi mid ka mid ah Jabhadaha Xornimo doonka ah.

Maqaaxidii ay Gabadhu lahayd ayaa hadda waxaa ka shaqaysa Gabadhaas inanteedii oo halkii ciyaalka biilkooda uga soo saarta iyadoo xitaa ay khalkhal ku jiro reerkaa ay Gabadhu lahayd oo looga cabsi qabo in Guumaysigu dhammaantood Xabsiga dhigo.

Haddaba waxaa mid aad looga naxo noqotay Maamulka Lugbuur iyo Guumaysiga oo wax kale iska daayoo xitaa haweenkii Suuqa ka xoogsanayay ee ciyaalkooda yaryar u shaqaysanayay ay Xabsiga dhigtaan, iyadoo aysan jirin wax ay ka xishoonayaan iyo meel qabata toona.

DAGAALO XOOGAN OO SAAKA KABILLOWDAY ISGAYSKA KM4 EE XAAFADA TALEEX.

Dagaal xooggan ayaa saaka waaberigii waxa uu ka dhacay isgoyska KM4 ilaa xaafadda Taleex ee degmada Hodan halkaas oo ay weerar qaadeen xoogagga hubeysan ee Al-shabaab.


Dagaalka ayaa waxa uu xoogiisa ka dhacay fariisimada ay ciidamada Ugandha ku leeyihiin isgoyska KM4, iyadoo daryanka iyo rasaasta ay labada dhinac isweydaarsanayeen si weyn looga qeybo kamid ah degmooyinka magaalada Muqdisho.

Madaafiic ku dhacay qeybo kamid ah xaafadaha Muqdisho ayaa khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac u geystay dad rayid ah kuwaas oo aan si dhab ah loo heynin cadadkooda.

Dhaawacyada dad kabadan 18-qof ayaa la gaarsiiyey isbitaalka Madiina halkaas oo iminka lagu baxnaaninayo kadib markii ay waxyeelo xooggan ka soo gaartay dagaalkii saaka ka dhacay isgoyaka KM4 iyo xaafadda Taleex.

Warar lagu kalsoon yahay oo aan helnay ayaa sheegaya in inta la ogyahay dagaalka ay ku dhaawacmeen 6-kamid ah ciidanka Ugandha ee dagaalka uu qabsaday.

Dagaalka saaka ka dhacay isgoyska KM4 ayaa imaanaya xilli habeen hore magaalada Jabuuti ay heshiis ku gaareen dowladda KMG ah iyo garab kamid ah isbeheysiga dib u xoreynta Soomaaliya.

 

Home // Warar hore // Taariikh // Faallo // Maqaallo // Agoonta S/galbeed // Xidhiidhka
Copy right © Soomaligalbeed 2006

Email:Webmastar@soomaaligalbeed.com

Website: http://www. soomaaligalbeed.com