Wararka maanta

CIIDAMADA KENYA OO XADKA KU XIDH XIDHAY DAD BADAN OO SOOMAALI AH.

Ciidamada xadka ee dalka Kenya ayaa xirxiray inka badan 100-qof oo Soomaali ah kuwaas oo doonayey inay galaan dalka Kenya.

Dadkaan ayey ciidamada Kenya ka qabqabteen xadka ay wadaagaan dalalka Soomaaliya iyo Kenya, xilli ay doonayeen inay gudaha u galaan dalka Kenya.

Dadka ay qabqabteen ciidanka Kenya oo ahaa qoysas ka cararay dhibaatooyinka ka aloosan dalka Soomaaliya ayaa wararku sheegayaan in ciidanka kenya ay u taxaabeen xabsiyo ku yaala gudaha dalka Kenya.

Sida ay sheegayaan wararka laga helayo degmada Dhoobley ciidanka Kenya oo ilaalo ka ahaa xadka ay wadaagaan dalalka Kenya iyo Soomaliya ayaa maalmihii ugu dambeeyey adkeeyey xadka.

Qabqabshada ciidanka Kenya ay kula dhaqaaqeeen dadkaan Soomaaliyeed ayaa ku soo beegmaya xilli boqolaal dad ah ay weli ku jiraan xabsiyada ku yaala dalka Kenya.

CIIDAMADA DALKA UGANDHA EE KU SUGAN SOOMAALIYA OO QARAX LALA BEEGSADAY.

Qarax xooggan oo ahaa miino nuuca dhulka lagu aaso ayaa saaka lala beegsaday ciidamada Ugandha oo howlo miino baaris ah ka waday inta u dhexeysa garoonka diyaaradaha iyo isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho.

Daryanka qaraxa oo laga maqlay qeybo kamid ah degmooyinka magaalada Muqdisho ayaa waxa ka dhacay meel ku dhow xarunta hay'adda UNDP ay ku leedahay wadada isku xirta garoonka diyaaradaha iyo isgoyska KM4.

Qaraxa kadib ayaa ciidamada AMISOM waxa ay fureen tacshiirad xooggan, iyadoo aan la sheegin dad rayid ah oo wax ku noqday qaraxa.

Si cada looma oga khasaaraha uu qaraxa gaarsiiyey ciidamada AMISOM ee lala beegsaday, hase ahaatee qaraxa kadib ayaa waxaa muddo kooban hakad galay dhaqdhaqaaqa gaadiidka iyo dadweynaha.

Ciidamada AMISOM ayaa badanaa subax kasta waxa ay howlo miino baaris ah ka sameeyaan wadada isku xirta garoonka diyaaradaha iyo isgoyska KM4 halkaas oo ay ku badan yihiin dhaqdhaqaaqyada mas'uuliyiinta dowladda KMG ah iyo gaadiidka ciidamada AMISOM.

Tiro dhow jeer ah ayaa qaraxyo lala beegsaday ciidamada AMISOM, iyadoo qaraxyadaas qaarkood ay khasaare gaarsiiyeen askar katirsan ciidamada Ugandha kuwaas oo ku geeriyooday qaraxyo lala eegtay.

CALI CABDALLAH SAALEX OO SHEEGAY IN UU GARAB U YAHAY DFKMG..

Madaxweynaha Dalka Yemen Cali Cabdalla Saalax iyo madaxweynaha DF oo khadka Taleefanka ku wada hadlay ayuu Cali u sheegay in Dowladiisa Yemen ay diyaar u tahay in ay garab istaagto DFKMG ah ee la shaqeysa Gumeysiga Itoobiya.

wada hadalkan oo lasheegay in uu ku saabsanaa xaalada guud ee geeska Afrika gaar ahaan xaalada Cakiran ee ka aloosan Gayiga Soomaaliya, ayay isu sheegeen in ay wax jaqabanayaan.

Cali Cabdalla Saalax ayaa sheegay in ay Dowladiisa ka caawinayso DFKMG ah dhinaca Sugida Amaanka iyo waliba sidii ay u ilaashan lahayd Midnimadeeda iyo jiritaankeeda.

Hadalkan ayaa ku soo beegmaya iyada oo Meles Zenawi uu shaaciyay in uu ciidamadiisa kala baxayo Dalka Soomaaliya Culaysyo kala soo gudboonaaday dhinaca Dhaqaalaha iyo Miisaaniyada awgeed.

SHEEKH YUUSUF SIYAAD INDHACADE OO ISKA FOGEEYAYKU LUG LAHAANSHO BUDHCAD BADEED.

Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad (Indhacadde) oo shir jaraa'id maanta ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa warar aan sal laheyn ku tilmaamay wararka sheegaya inuu xiriir la leeyahay kooxaha burcad badeedka ee maraakiibta shisheeye.

Isagoo warbaahinta Muqdisho la hadlayey ayuu sheegay Yuusuf Indhacadde in aanu jirin wararka sheegaya inuu xiriir hoose la leeyahay kooxaha burcad badeedda ah, isagoo sheegay in arrintaasi ay tahay mid aan xaqiiq aheyn.

"Waa warar been abuur ah oo beesha caalamka lagu marin habaabinaayo, waana wax aan sal iyo raad laheyn" ayuu hadalkiisa sii raaciyey Yuusuf Indhacadde xogahaya difaaca ee isbeheysiga dib u xoreynta Soomaaliya.

Wuxuu kaloo Yuusuf Indhacadde beeniyey inuu ka ganacsado muqaadaraadka islamarkaana wuxuu sheegay inuu la dagaalami jiray markii uu hayey talada maamulka gobolka Sh/shexe.
Wuxuu intaas raaciyey in kooxaha burcad badeedka ay gacan balaaran ka helaan shaqsiyaad shisheeye iyo maamul goboleedka Puntland, isagoo iska fogeeyey inuu marna xiriir la leeyahay falalka lagu afduubta maraakiibta shisheeye.

Si kastaba ha ahaatee dhawaan ayey aheyd markii mid kamid ah mas'uuliyiita hay'adda badaha adduunka ay Sheekh Yuusuf Indhacadde ku eedeeyey inuu xiriir la leeyahay kooxaha burcadbadeeda ah ee qafaasha maraakiibta shisheeye ee isticmaalaha xeebaha dalka Soomaaliya.

Home // Warar hore // Taariikh // Faallo // Maqaallo // Agoonta S/galbeed // Xidhiidhka
Copy right © Soomaligalbeed 2006

Email:Webmastar@soomaaligalbeed.com

Website: http://www. soomaaligalbeed.com