Wararka maanta

In kabadan 11 Wasiir oo ka mid ah Xukuumadda Nuur Cadde oo Iscasishay

Waxaa maanta oo ku beegan 2 bisha Augast ee 2008 xilkoodii iska casilay 12 wasiir oo ka mid ah golaha Xukuumadda Nuur Cadde ee la shaqaysa gumaysiga Itoobiya.

Wasiiradda iscasilay ayaa waxaa ka mid ah:-
1. Saalim Caliyow Ibrow Ra’iisul wasaare ku xigeen, ahna Wasiirka Garsoorka iyo Arrimaha Diinta.
2. Caydiid C/laahi Ilka-xanaf Ra’iisul wasaare ku xigeen, ahna Wasiirka Waxbarashada iyo hiddaha.
3. Cali Jaamac Jengeli Wasiirka Arrimaha Dibadda.
4. C/risaaq Ashkir Cabdi Wasiirka Dib u heshiisiinta ahna Hormarinta Gobolada iyo Dastuurka.
5. Muxyadiin Maxamed Xaaji Ibraahim Wasiirka gaashaandhigga.
6. Khajadiija Maxamed Diiriye Wasiirka hormarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska.
7. Cabdi maxamed Tarax Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta.
8. Maxamuud Cali Saalax Wasiirka Macdanta iyo Tamarta.
9. Xuseen Ceelaabe Faahiye Wasiirka Ganacsiga, Warshadaha iyo Dalxiiska.
10. Nuur Idow Bayle Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guriyaynta.
11. Wasiir k/xigeenka Dib u heshiisiinta Hormarinta gobolada Dastuurka iyo Arrimaha Fadaralka Carab Cali Diiriye.

Wasiiradan iscasilay ayaa bayaanka ay isku casileen waxay ku eedeeyeen Nuur Cadde in uu ku dhaqmay kali talis nimo xukun marooqsi, kutumasho Axdiga Golaha KMG ah iyo ku takrifal hantida dalka.

Wasiirada ayaa si kulul uga soo horjeesteen go’aankii uu Nuur Cadde xilka uga xayuubiyay Gudoomiyihii Gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb ( M.Dheere) waxayna ku tilmaameel mid aan wax sal ah ku lahayn sharciga isla markaana tusaale u ah kali talisnimo uu ku dhaqmayo Nuur Cadde.

Wasiiradda iscasilay ayaa sidoo kale sheegay in uusan Nuur Cadde taabagelin Miisaaniyadii Dawladda taas oo sababtay in la lunsado maal farabadan oo ay lahayd Dawladda KMG ah ee la shaqaysa gumaysiga Itoobiya waxayna iska fogeeyeen ku luglahaanshaha fadeexadaas.

Golaha Wasiiradda uu soo dhisay Nuur Cadde ayaa waxay ka kooban yihiin 15 wasiir waxaana hadda iska casilay 12 wasiir iyo Wasiir ku xigeen taas oo muujinaysa in aqlabiyada Golaha wasiiradu ka soo horjeedaan Nuur Cadde waxaana hadda golaha wasiirada ku hartay 3 wasiir oo qura kuwaas oo ay ka mid yihiin Axmed C/salaan oo ah wasiirka Warfaafinta iyo Muuse Nuur Amiin oo ah Wasiirka Arrimaha gudaha.

Nuur Cadde oo goor dhaw u waramay Idaacadda BBC-da laanteea Afka soomaaliga ayaa sheegay in aysan jirin Wax iscasilaad ah oo si official ah loo soo gaarsiiyay Xafiiska Ra’isul wasaaraha wuxuuna intaa ku daray in ay jiraan xubno ka tirsan Xukuumadiisa oo uu ku tala jiray in uu xilka ka wareejiyo kuwaas oo hadda ka mid ah xubnaha shaaciyay iscasilaadooda.

Nuur Cadde ayaan wax weyn ka soo qaadin iscasilaada inta badan xukuumadiisii wuxuuna ku nuuxnuuxsaday in badalkooda la magacaani doono. Iscasilaadan ayaa waxay markhaati u tahay in khilaafka u dhaxeeya Nuur Cadde iyo C/laahi Yuusuf uu faraha ka baxay waxaana muuqata in ciyaartu ay u sii galbanayso dhinaca c/laahi yuusuf.

Waxaa khilaaf noocan oo kale ah uu horay uga dhex aloosmay Cali Geedi iyo C.laahi Yuusuf kaas oo markii danbe isugu biya shubtay in xilka laga qaado Cali geedi kadib markii ay sidaas ku dirqisay Dawladda Itoobiya oo ah tan gacanta ku haysa Daabka Masaarta.

Sida caadada ah marka uu soo ifbaxo khilaaf noocan oo kale ah Waxaa si dhaqso ah dalka ku soo gaara Wasiirka Arrimaha dibadda Itoobiya Seum Misfin kaas oo u kala garqaada xubnaha Dawladda KMG ah ee khilaafku soo kala dhex galo.

MAXAA KALAHAYSTA ASKARTA KENYA IYO QAXOOTIGA SOMALIYEED EE KUSUGAN MAGALADA NAIROBI?

Dadka qaxootiga ah ee sida sharci darada aha kujooga magalada nairobi khasatan xafada islii ayaa waxaa haysta dhibaatoyin dhowr aha, waxaan kamid aha dhinaca dhaqalaha ,amaanka iyo waliba caafimaadka.

Dadkan ayaa badan kooda soo gaadhay magalada nairobi kadib mar kii ay kasiidareen xaladaha katagaan wadanka soomaalia taas oosababtay in ay kabaxsadaan wadanka boqolaal unkalaxaray wadamo shisheeye

Dadkan ayaa waxay iskugu jiraan waayeel iyo dhilnyaro iyo waliba caruurba, hadaba si aan wax ooga ogaano xaladaha dadkan soomaliyeed ayaan waxaan ku eegaynaa warbixitan waxa kalahaysta askarta kenya iyo dadka sharci darada kujooga nairobi,anaga oo rajaynayna in aan maalin walba oo sabti aha idin soo gubinayna xalada dadka kudhaqan xafada islii ee magalada nairobi.

Dadka kujooga wadan kenya sharcidarda ayaa waxaa haysta dhibaatooyin aad ubaladhan kuwaas oo had iyo jeer kasoogaadha askarata kenya,waxaanad ku arkaysaa jidadka magalada nairobi dad gacmahooda laisku xidhay ooy wataan cidanka boliska aha ee kenya.

Maanta ayaan waxaan kula kulmay dhalinyaro soomaaliayeed kuwaas oy gacmahood isku xidahanyihiin,waxaanan waydiiyay askarigii watay dhalintan in uu ii sheego waxaloosooqabatay,waxa uuna iigu jawaabay kuwaas waa dad shar cila,aan aha iskana dhaxsocda magalada nairobi sidii ayaga oo joogo muqdisho,waxaan kaloon waydiiyay askarigan meesha uu kuwado dadkan? waxa uu iigu jawaabay waxaan gaynaynaa jeelka waxaan laga qaadi talaabo sharci aha ayuu yidhi askarigii.

Waxaan sidoo kale wax kawaydiiyay MUKHTAAR ASKAR AWAYS oo ahaa dadka ay askartu wadatay,waxa loosooqabatay,iyo sida uu uarko qabashada,iyo meesha uu kayimaaday, waxa uuna kubilaabay hadalkiisii, MUKHTAAR walal waad mahadsantahay marka hore aniga waxaan ka imaaday magalada muqdisho ee wadanka soomaaliya 6 bilood kahor,waxaana naloo sooqabsaday sharcila,aan saaka 8:subaxnimo illaa hadana waxaay askartu nadhax wareejin hayaan dhooqada iyo dhaxanta iyaga oo naga daklbaday in aan siino lacag hadiikale ay xabsiga nagaynahayaan,arintana waxaan u arka mid aad laxow iyo fikir iigubeertay,waayo xalay ayay iqabteen askar waxayna iga qaateeb 3500.(50 dolar) waxaan samaynan magaranayno,

Ma,aha dhibaatada haysata qaxootiga soomaaliaya ee kudhaqan nairoobi,intaas kali aha ee waxaa jira dhibaatooyin intaas kabad oo lasoodarsay dadkan qaxoodiga aha,qaxootigan ma,aha kuwo kasharciayaysan dhanaka dowlada kenya iyo waliba hayadaha uqaabilsan qaxootinimada aduunka sida u.n, ee waakuwo kusoogalay wadanka si dhuumasha aha,markay arakaan ciidanka boliskana ay baacsadaan ama ugaadhasataan.

Qaybaha kale ee kusaabsan barnaamijka aan kaga hadlayno qaxootiga soomaaliyed ee kusgun magalada nairobi khsatan xafada islii waxaad kalasoconkartaa malinkasta oo sabti aha www.soomaaligalbeed.com
abdi rashiid abdullahi axmed
e_mail cabdidhanan@hotmail.com
nairobi kenya

 

Home // Warar hore // Taariikh // Faallo // Maqaallo // Agoonta S/galbeed // Xidhiidhka
Copy right © Soomaligalbeed 2006

Email:Webmastar@soomaaligalbeed.com

Website: http://www. soomaaligalbeed.com