Wararka maanta

Shir ay isugu yimaadeen Golaha Dhaqanka & Midnimada Beelaha Hawiye oo ka hadlay dhibaatada ka jirta qeybo ka mid ah Gobolada Dalka Soomaaliya.

Ref GDH&MBH0098 ............................................................Date: 19/07/2008

WARSAXAAFADEED

Shir ay isugu yimaadeen Golaha Dhaqanka & Midnimada Beelaha Hawiye waxa ay kaga hadleen dhibaatada ka jirta qeybo ka mid ah Gobolada Dalka Soomaaliya, waxa ayna soo saareen Qodobadan:-

1) Golaha wuxuu u soo jeedinayaa in la joojiyo dagaalada ka socda Jubada Hoose gaar ahaan Tuulooyinka Baqdaad iyo Durriya, kuwaas oo u dhaxeeya dad walaala ah, waxaana ugu baaqeynaa in ay Alle ka cabsadaan ayna joojiyaan dagaalada micno darada ah.

2) Golaha Dhaqanka & Midnimada Beelaha Hawiye wuxuu cambaareynayaa dilalka loo geysanaayo dadka u shaqeeya Hay’adaha Samafalka iyo dadka wax galka ah, dilalkaas oo ay geysanayaan dad u adeegaya Gumeysiga heysta Dalka.

3) Golaha Dhaqanka & Midnimada Beelaha Hawiye waxay u soo jeedinayaan Odayaasha Dhaqanka Gobolada Waqooyi Beri in ay ka hortagaan dhibaatooyinka uu u geysanayo Maamulka Puntland dadka Safarka ah ee maraya Goboladaasi iyo dadka lagu daadinayo Badda.

4) Sidoo kale Golaha Dhaqanka & Midnimada Beelaha Hawiye wuxuu cadeynayaa in waxa ka socda Gobolka Hiiraan ay tahay Xasuuq oo ay wadaan Cadowga Itoobiya, iyagoona madaafiic aan loo aabo yeelin ku garaacay Shacab aan waxba galabsan oo reer Miyi ah, islamarkaana xiray wadada isku xirta Magaalada Muqdisho iyo Gobolada Dhexe, waxaana ay ugu hanjabeen in ay gubayaan gaarigii ay arkaan isaga oo maray Wadooyinkii soo galayay Magaalada B/Weyne.

Ugu danbeyn Golaha Dhaqanka & Midnimada Beelaha Hawiye waxa uu ugu baaqayaa Beesha Caalamka in wax laga qabto Xasuuqa ay Itoobiya ka wado Dalka Soomaaliya.

Maxamed Hasan Xaad
Gudoomiyaha Golaha Dhaqanka iyo midnimada Hawiye

Golaha beesha absame ee wadanka K/afrika oo Canbaareeyay Xadhiga Ugaas C/raxmaan Ugaas Muxumed Qani.

PORT ELIZABETH: Golaha Beesha Absame ee Gobolka Eastern Cape oo canbaareeyay xadhiga Ugaas c/raxmaan ugaas muxumed qani ee magaaladda godey , kaas ooy ku tilmaameen inuu yahay xadgudub loo geysanayo siyaasiyeenta & ugaasyadda dalka.

Golaha beesha absame ee Gobolka Eastern cape oo xalay saxaafadda la hadlay ayaa canbaareeyntan dusha ooga tuuray maamulka melas Zanaawi ee dalka Ethiopia,
kaas ooy ku sheegeen maamulka Zanaawi inuuna wax ixtiraam ah u heynin shacabka s/halbeed gaar ahaan odayaasha dhaqanka& siyaasiyiinta iyo Aqoonyahanka dulka s/galbeed.

Golaha ayaa war saxaafadeedkooda ku sheegay in ugaaska laga kaxeeyay magaaladda nairobi oo uu zanaawi u soo diray wafdi u sheegay ugaas inuu wadanku ubaahanyahay islamarkii uu wadankii gaadhayna xabsi bahdil ah ku tuuray isagoo ugaas c/raxmaan ugaas muxumed qani uu ahaa nin siyaasi ah oo soo qabtay jagada madaxweynimada kililka sannadkii 1994.

Goluhu waxuu ugu baaqayaa shacabka s/galbeed in ay kadhiidhiyaan dhacdadaas foosha xun ee uu maamulka males kula kacayo shacabka s/galbeed gaar ahaan dadkii la ixtiraami jiray ee wadanka Odoyaasha u ahaa ama siyaasiga u ahaa ee lagu bahdilayo xabsiyada.

war saxaafadeedkan oo uu ku saxiixanyahay
afhayeenka beesha absame ee Gobolka Eastern cape
mudane: axmed maxamed

Golaha Beesha Absame ee Gobolka Eastern cape ee Wadanka k/afrika oo Gudoomiye Cusub ku doortay Shirweynihii golaha.

Golaha beesha absame ee gobolka Eastern cape ee dalka k/afrika ayaa ku doortay shirweynihii golaha ee dhacay 16-07-2008, mudane : c/qaadir axmed c/laahi (toolmaan) oo ku dhashay tuuladda haarcadeey ee degmada dhanaan una jirta 5km magaaladda dhanaan sannadku markuu ahaa 1972.

C/qaadir ayaa ku soo qaatay waxbarashadiisii hoose magaaladda dhanaan halkaas oo uu sheekh oogu ahaa macalin aadan, asagoo tacliintiisa dhexe & sare ku qaatay magaaladda nairobi & mombassa kana qalin jabiyay 1998, machadka kisauni ee magaaladda mombassa ee dalka kenya,
soona galay dalka k/afrika 1999 kii.

C/qaadir oo golahan loogu dhiibay mudada badan ee uu kusugnaa wadanka k/afrika & maraaxishii laga soo maray dalka k/afrika, una leh dulqaad dheeraad ah dadkiisa soo doortay lana soo shaqeyn jiray maamuladii ka horeeyay ee soo maray gobolka Eastern cape , taas oo uu ka dhaxlay khibrad badan.

Gudoomiyaha oo xalay wareysi gaar ah siiyay abuu sumaya xili eey ku sugnaayeen guriga gudoomiyaha cusub ayuu ooga sheekeeyay taariikh nololeedkiisa
mar wax aan ka weydiiyay gudoomiyaha cusub ee beesha absame suu oo la dhaqmayo qabaa'iisha soomaaliyeed ee ku nool gobolka Eastern cape ayuu ii sheegay inuu soo dhaweynayo lana shaqeynayo odayaal dhaqameedyadda soomaaliyeed ee ku nool gobolka lana yeelan doono xiriir joogta ah>

Sidoo kale waxuuna gudoomiyihu sheegay in golaha beesha absame uu diyaar u yahay gacmo furana ku soo dhaweeynayo nin kasta oo soomaaliyeed asagoo ilaalinaya midnimadda soomaaliyeed & walaaltinimadda islaamka, taas oo ah muqadas inla ilaaliyo nin kasta oo ah soomaali.

abuu sumaya
k/afrika

Home // Warar hore // Taariikh // Faallo // Maqaallo // Agoonta S/galbeed // Xidhiidhka
Copy right © Soomaligalbeed 2006

Email:Webmastar@soomaaligalbeed.com

Website: http://www. soomaaligalbeed.com