Wararka maanta

Kaalmaha Shidaalka ee Magaalada Jigjiga oo Albaabada loo Xiray.

Kaalmaha Shidaalka ee magaalada Jigjiga ayaa adeeggoodii joojiyay kaddib markii ay soo foodsaartay shidaal la'aan isla markaana qiimihii Shidaalku hawada isku shareeray, Total, Shel, Ageb dhammaan Kaalmahani ma shaqaynayn maalmahan Shidaal yari darteed marka laga reebo NOC oo iyada Baabuurtu saf ugu jirto Shidaalka.

Shidaal yaridan soo foodsaartay Kaalmaha Shidaal ayaa saameyn wayn waxay ku yeelatay dhinicii isu socodka magaalada iyo guud ahaan Gaadiidka iyadoo qiimaha lagu raaco Basaska u kala baxa Jigjiga ilaa Harar iyo Jigjiga ilaa Wajaale mid walba qiimihiisii wax lagu daray, waxaa uu marayaa hadda qiimaha lagu raaco Baska u kala baxa Jigjiga iyo Harar 20 Birr halkii uu markii hore ka ahaa 15 Birr sidoo kale Jigjiga ilaa Wajaalena intaas oo kale ayaa laga dhigay qiimihiisii.

Haddaba qiimaha Gaadiidka ee kor u kacay oo ay sababtay Shidaal la'aantan ayaa dhibaato weyn waxay ku noqotay Shacabka magaalada iyadoo markii hore Shacabku la kadeednaa dhinicii maciishada haddana ay ugu darsantay Shidaal la'aan oo xitaa laga yaabo haddii uu sidaa ku sii socdo Shidaalku inay yaraanayso isu socodka oo gaadiid socdaba la waayi doono.

Shirweynaha Beesha Absame ee Gobalkan Eetern cape ee dalka south Africa oo lagu qabtay Magaalada Uitnehage.

UITENHAGE: Shirweynaha beesha Absame ee gobalkan Eetern cape ee dalka south Africa oo lagu qabtay magaalada uitnehage. Shirwaynahan oo ay kasoo qayb galeen dad aad u tira badan ayaa Waxaa lagu dhisay gole ka kooban 25 xubnood oo hoos imanaya jaaliyada beesha absame ee dalka K/ Afrika, xubnahaas oo ka kalayimid dhamaan daafaha gobalkan eastern cape .

Shirkaas ayaa waxaa lagu martiqaaday Ururka MJXS/galbeed iyo Ururka ONLF oo dhamaantood khudbado dhaadheer kasoo jeediyey. Shirkan oo uu shir gudoomiye uhaa Suldaan Siraaje ayaa cadeeyay midnimada ummada Absame iyo muhiimada ay leedahay.



Waxaa kale oo uu suldaanku kahadlay dadka ay maamulada soomalidu u gacangaliyaan Xukumadda Tigrayga ee dalka s/galbeed gumeysata.

Shirkan ayay sidoo kale ka hadleen gudiga qabqaabada shirweynaha beesha absame ee gobalkan oo sharaax dheer kabixiyey u jeedada shir weynahan oo ah in maamul loo dhiso gobalkan, isagoo hoos imaanaya jaaliyada guud ee K/ afrika iyo midnimada ummada absame ee dalkan K/afrika.
waxaa kaloo iyana khudbado dhaadheer ka soo jeediyey ururada kor ku qoran oo aad uga hadlay u jeedooyinkooda iyo halganka ka socda dhulka s/galbeed iyo maraaxishii uu soomaray waxaana shacabka ka codsadeen taageerada halganka ka socda dalka.

Gabagabada shirka waxaa lagu doortay gudigii fulinta ee jaaliyada Absame ee gobalkan eastern Cape. oo ah ragan hoos ku qoran.

1. Cabdiqaadir ahmed (toolmaan.)gudoomiye
2. Cabdirisaaq kuulow G/xigeenka gudiga
3. Cabdifataax saadiq Xoghayaha dhaqaalaha
4. Abdi habarwaa xogheynta gudiga Fulinta
5. Maxamed maxamuud (fanax. hantidhawrka guud
6. Ahmed dhancade Xoghaya warfaafinta iyo wacyigalinta
7. Hiiliye Yarow Xoghayaha xiriirka arimaha dibada
8. Maxamuud mahdi xoghayaha Arimaha bulshada
9. Faarax nuxumed Adan xubin odeyga dhaqanka ee gudiga ah

wabilaahi tawfiiq

c/Naasir aweys
port elizabeth

Shacabka S/galbeed oo Xiniin Noolaystay, kana Banaan baxay xadhigii Ugaas C/raxmaan.

Shacabka s/galabeed ayaa xiniin noolaystay oo ku hor banaan baxay xarumaha maamulka dabaqoodhiga, burburna ugaystay xafiiska xisbiga dabaqoodhiga males ujooga magaalada goday. iyagoo ka banaanbaxaya Xadhigii loo gaystay Ugaas C/raxmaan Ugaas Mux'ed Qani.

Dhibaatada haysata shacabka s/galbeed ee uu kuhayo cadawgu ayaa ah mid aan loo laka aabayeelaynin,qof da' ah, sheekh, caruur, ugaas, haween uur ah iyo noocyada uu kakooban yahay mujtamacaba.

Kama jiro wadanka s/galbeed cid kuhaysata ixtiraam iyo qiimayn iyo abaal toona, cidii karaadisa gumaysiga maanta wadanka haysta inuu wax qabad uu usameeyay uu ku helo abaal waa "Dameer kurus laga dayay".

Ugaasku waxuu muddo joogay wadanka kenya waxuuna wadankii dib ugu laabtay isagoo aaminsan in uu yahay qof mudan ixtiraam iyo soodhawayn, waxaan soodhawayntiisii loogu badalay xabsiga bahdilka iyo quudhsiga ee magaalada godey.

hadii ayba sidaasi arini tahay oo aan cid abaal ugashay aan lagu ixtiraamaynin maxaa lagudboon shacabka s/galbeed?

 

Home // Warar hore // Taariikh // Faallo // Maqaallo // Agoonta S/galbeed // Xidhiidhka
Copy right © Soomaligalbeed 2006

Email:Webmastar@soomaaligalbeed.com

Website: http://www. soomaaligalbeed.com