|
Wararka
maanta
|
||
| MID
KAMID AH ISBAHAYSIGII ISLAAM LADIRIRKA SOOMAALIYA OO LADILAY.
Mid kamid ah shaqsiyaadkii ku bohoobay isbeheysigii argagixiso la dirirka ayaa lagu dilay deegaanka Siinaay ee magaalada Muqdisho. Kooxo hubeysan ayaa toogasho ku dilay Ciise Cismaan Cali oo kamid ahaa xubnihii ku jiray isbeheysiga la dagaalanka argagixisada, iyadoo sidoo kale toogasho lagu dilay mid kamid ah ilaaladiisa. Dilka kadib ayaa waxaa goobta soo gaaray maleeshiyo Mbagathi ah kuwaas oo tacshiirad ay fureen ay ku dhaawacantay qof haweeney ah. Ninkaan maanta la dilay ayaa kamid ahaa xubnihii sameeyey isbeheysiga loogu magac daray la dagaalanka Argagixisada kaas oo ay meesha ka saareen maxkamadihii islaamka. Waa markii
ugu horeysay ee la dilo mid kamid ah shaqsiyaadkii ku bohoobay isbeheysiga
la dagaalanka argagixisida.
MADAXDA MAAMULKA KILILKA OO LAGU GAMGAMAYNAYO MAGAALADA ADIS ABABA. Waxaad
waayo joogtaba marbuu wiishku kula kici!!. Madaxda Degaanka oo aad isu khilaafsan daacad nimada ay u hayaan xukumadda males ayaa midba kan kale uu ku eedeynayo inuusan sax ahayn isla markaana uusan xilka sii hayn karin, Daa'uud oo ah Hoggaanka Abaabulka iyo Ka qaybgalka dadweynaha ahna ku xigeenka xisbiga talada degaanka haya ayaa isga waxaa lagu eedeynayaa inuu dhinacyo badan ka taakuleyn jiray Jabhadaha ku kacsan maamulka Degaanka, Cabdi Iley Hoggaanka Nabadgalyada Degaanka ayaa isna lagu eedeynayaa inuu dad badan oo Shacab ah oon waxba galabsan uu xabsiyada ka buuxiyay kuwaas oo uu usoo xidhxidhay inay yihiin waxa uu ugu yeedhay Nabad diidka. isaga laf ahaantiisa Jabhadaha mucaaradka ah dhinac ayuu xidhiidh kala leeyahay ayay ku eedeynayaan Xubno ka tirsan gudida fulinta. C/laahi Xasan Lugbuur Madaxweynaha Degaanka isaga eedeyntiisu waxay ku leeyihiin qaar ka mid ah Madaxda Degaanku Nabad galyada darada Degaanka ka jirta isagaa kaw ka ah oo sii abuuraya Nabadgalo la'aanta sidoo kale horumarkana waa uu wiiqay oo wax badan oo dhinaca Horumarka Degaanka ah waxba kamuusan qaban. Fara isku taaga ay maamulka kililku isku hayaan ayay farax galinaysaa meles oo ah aabaha kala gaynta umadda s/galbeed iyagoo nimankii wadanka baa bi'iyay, shacabkiina eeda kagalay ay maanta ku ee daysan yihiin in ay kuwii ay ka eed galeen ay lamid yihiin ama ay wax tarayeen. shalay ayay ahayd markii ay inta shacab badan isugu soo aruuriyeen goboladda wadanka s/galbeed ay gamgamaynayeen iyagoo isii gogol xaadhayay lakulankooda Zinawi. KHILAAFKA U DHAXEEYA MAAMULKA KILILKA OO CIRKA ISKU SHAREERAY. Waxaa maalmahan
dambe Khilaaf xoogani u dhaxeeyay Madaxda sarsare ee Maamulka Lugbuur
kuwaas oo si xun isku haystay isla markaana u jirsaday inay gacanta isu
qaadaan, Khilaafkan ayaa waxaa uu kala ahaa laba saf, waxaa dhinac iskula
jiray Lugbuur iyo C/fataax Sh. C/laahi oo ah Ninka haysta Xisbiga Sheegta
Magaca Soomaaliga ee Guumaysiga u adeegga. Haddaba
markii Khilaafkaasi socday maalmo ayaa sida caadada u ahayd Maamulka Lugbuur
markay dhexdooda is qabsadaan waxay iskula kaceen oo ay talo iyo dhexdhexaadin
u doonteen Ninkii ugu sareeyay Guumaysiga Meles kaas oo ay dhammaantood
u wada kaceen si uu xal ugu raadiyo khilaafkan dhexdooda ka dhex dhacay,
balse wali ma jirto wax xal ah oo ay gaadheen Madaxda Lugbuur iyo Malas
toona. CANBAAREEYN KU AADAN XASUUQII KA DHACAY CARBISKA Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka k/afrika waxeey canbaareeyneysaa falkii waxshi nimada ahaa ee ku kaceen ciidamadda Ethiopia ee ku sugan agagaarka magaaladda afgooye taas ooy xabad iskaga fureen baabuurta shacabka BL-ka loo yaqaano. jaaliyadu
waxeey ku tilmaamtay falkaas mid loo la gol leeyahay dabargooyn &
isir la dagaalan & gumaad lala beegsanayo shacabka soomaaliyeed ee
madaniga ah, XAFLAD
LAGU SOO GABAGABEEYAY KOOBKII KUBADDA CAGTA EE GOBOLKA ESTRENCAPE EE WADANKA
SOUTH AFRICA OO AY KU GUULAYSATAY KOOX LOOYAQAANO AL-SHABAAB. Xaflad aad loosoo agaasimay oo lugu maamusayo munaasabad lugu xiraayo horyalkii Gobalka Eastern Cape ee Cariga K/Africa ayaa waxaa lugu qabtay Xafiiska Jaaliyada (SASA) Ee Gobalka Eastern Cape. Xafladaas oo ay kasoo qaybgaleen dhinacyada kala gadisan ee Bulshada Rayidka ah ee Somalida ee ku dhaqan wadankan K/Africa Gobaladeeda kala gadisan. Xaflada ayaa waxaa Soo qaban qaabisay Jaaliyada Somaliyeed oo ku guda jirtay dadaalo badan oo ay ku doonaysay in ay kor u qaado midnimada Bulshada. Xaflada ayaa waxaa lugu furay sidii caadada aheedba Aayado Qur, aan ah. Xaflada ayaa waxaa daadaheynayay Captankii Kooxda AL-SHABAAB oo ah kooxdi ku Guuleysatay Koobka Mudanne MAXAMED XUSSEIN CABDI (MAXAMED CADDE) Xaflada ayaa waxaa loo guda galay qaybaheedii kale waxaana meshii kahadlay Gudomiye Kuxigeenka Jaaliyada Gobalka Eastern Cape Mudane : C/Rahmaan Axmed Yuusuf (RAABI)oo meshii kasoo jeediyay Muxaadarro iyo Sidookale war murtiyeed aad usoo jiitay ka qayb galayaashii Xaflada wuxuuna ku nuux nuuxsaday in ay bulshada Lafdhabar u yihiin dhalinta oo ay ka kacaan fadhiga oo gacmaha is qabsadaan. Waxaa sidokale kahadlay Xaflada Suldaanka Besha Absame Suldaan Siraaje oo ka mid ahaa Aas aasayashii Jaaliyada Somaliyeed Ee SASA Suldaanka ayaa wuxuu ku dheeraday wax qabadka dhalinta Somaliyeed iyo kaalinta ay ku leeyihiinBulshada wuxuuna ku dhiira galiyay dhalita Somaliyed meel kasto oo ay joogaan in ay noqdaan kuwa lugu xisabtamo oo dhaxdooda ahaado walaalo isjecel dhibka wadankeeni heestana aan meel ooga soo wada jeesano. Waxaa sidoo kale kahadlay meshii dhalinyar badan oo kuwada mideeysan inay noqdaan kuwa dadkooda iyo dalkooda wax tara waxaana kamid ahaa Gudomiyaha dhalinta Magalada Port Elizabeth Mudane Mukhtaar C/laahi Qaybdiid (Flower) oo ku nuux nuuxsaday in uu isku dayaayo inuu wado mideeynta Dhalinta kudhaqan Gobalka asagoo amaan usoo jeediyay dhamaan dhalinyarada Somaliyeed ee isku dayeeyso in ay sii wadaan is dhaxgalka iyo mideynta bulshada Somaliyeed ee kudhaqan wadanka wuxuna sidookale amaan u jeediyay Jaaliyada Soomaliyeed oo wado sidii ay dhalinta u noqonlaheed mid anan xumaan ku mashquulin. Waxaa sidookale kahadlay Xaflada Gudomiyaha Sportiga Mudana Muxuyadiin Nuur Jiiley oo ay ka muuqatay farxad aad u sareeyso asagoo amaan usoo jeediyay dhamaan marti sharaftii kasoo qayb gashay Xaflada Halkaasna kusoo bandhigay Koobkii Sanadka dhan lugu hardamayay ee uu gudoonsiiyay Kooxsa Alshabaab FC oo ah kooxda Hanatay Kobkii Horyalka Gobalka Eastern Cape ee Jaliyada Somaliyed ay u qaban jirtay Sanad walbo. Sidookale waxaa lakala Gudon siiyay dhalinyarobadan Shahaada Sharaf ay ku mutaysteen dadaaladii ay u galeen midaynta iyo isku duwida Bulshada dhexdeeda. Kaalintii Dhalinta Soomaliyeed ee Gobalka Eastern Cape. 1- Kaalinta Diinta & Dadnimada 2- Sportiga & Hormatintiisa 3- Kaalinta Waxbarashada & aqonkorarsiga 4- Dhalinyarada waa Hogaanka mustaqbalka Umada 5- Kaalinta Difaaca dadka iyo Dalka Waxaa mutaystay Koobkii Leaga Koxda AL- SHABAAB FC Waxaa Mutaystay Koobka Goal Dhalinta Mudane: Maxamed Macalin Mujaahid(MADKEY) Waxaa muteystay Koobka ASLuubta Mudane Cabdi Maxamed Carte (C/KAAT)
Walaalaha Mutaystay SHahaada Sharafta waxaa kamid ah Aas aasa yaasha Jaaliyadda Ee Gobalka Eastern waxaa kamid ah: 1- Suldaan Maxamed Siraaje 2- Malaaq Xassan Nuur Jiiley 3- Sheikh Daahir C/rahmaan Sugelle
Maamulkii Jaaliyadda ee gutay hawlahooda shaqo waxaa kamid ah: 1- Muxuyadiin Nuur Jiiley 2- C/laahi Careys Daahir 3- Ismacil Cabdi Aadan Turky
Ganacsatadda Dhaqalaha Kubixisay Jaaliyada
1- Cali Saalax Axmed 2- C/rashiid Xussein (XABASHOW CADDE AFYARE) 3- AL-Jaziira Restaurant
Gaba gabadii waxaa kahadlay Xaflada oo sifiican ugunuux nuuxsaday wax qabadkii Jaaliyada Gudoomiyaha war faafinta Jaaliyada Mudane: MAXAMED SHARIIF C/WAHAAB (MAXAMED MILLE ) Dad waynihii mesha kaso qayb galayna ay aad ugu riyaaqeeyn hadaladiisii asagoo sidookale umahad naqay sida ay u shaqeynayaan dhamaan dhalinta saxafiyinta ah ee somaliyeed asgoo carabka ku dhiftay Saxafiyinta wadankan ku nool sida Mudane C/Naasir SAXANSOXO oo anan asaga Goob jog aheeyn iyo Ismacil turkey oo isagu ahaa qoraagi mesha fadhiayay ee ka socday waxda war faafinta
Reported
by C/raxmaan Yarre Port Elizabeth imisseyou@homail.com ![]() ![]() ![]() |
||
| Home // Warar hore // Taariikh // Faallo // Maqaallo // Agoonta S/galbeed // Xidhiidhka | ||
| Copy right © Soomaligalbeed 2006 |
Email:Webmastar@soomaaligalbeed.com |
Website: http://www. soomaaligalbeed.com |