|
Wararka
maanta
|
||
|
Ciidamada
Gumaysiga Itoobiya oo shan Qof ku dilay Dooxada mulla ee Togga Faafaneed
ee wadanka S/galbeed. Ciidamada Gumaysiga itoobiya ayaa caadaysay in ay gumaadaan shacabka s/galbeed ee biri magaydada ah ee aan waxba galabsanin, ee ay dhulkoodii xooga uga haystaan, wax walba oo ay xaq ulahaayeena ka dhaariyay kana meel mariyay in aanay khayraadka wadanka waxba ku lahayn. Dadka ay ciidamada gumaysigu ku gumaadeen deegaanka dooxada Mulla ayaa lagu qiyaasayaa in ay sadexdii bilood ee ina soo dhaafay ay kor u dhaafayso in kabadan 30 qof oo rayid ah oointa guryahoodii loogu tagay lagu hor dilay caruurtii ay dhaleen iyo haweenkoodii. dadka ugu dambeeyay ee ay ciidamada gumaysigu ku dileen mulla ayaan helnay magaca mid kamid ah dadkaas oo lagu magacaabo Max'ed Cumar daye, oo ahaa nin caan ah oo siwayn looga yaqaano gobolkaas. Heshiis
dhaxmaray Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka k/afrika & Laanta socdaalka
Wadankaasoo oo shalay kadhacay magaalada Port elizabeth. Port elizabeth:
Shir ay maanta iskugu yimaadeen hay'adda socdaalka dalka k/afrika qeybteeda
Gobolka Eastern cape(home affairs) & jaaliyadda soomaaliyeed ee dalka
k/afrika (SASA) qeybteeda gobolka Eastern cape ayay maanta ku sixiixeen
heshiis dhigaya in jaaliyadda lagu soo wareejiyo dadka cusub ee soo galootiga
ah. Baadhitaan
dheer oo ay sameysay jaaliyadda soomaaliyeed ee wadanka s/afrika kaas
oo ku saabsan faylasha soo galootiga soomaaliyeed ayaa laga helay 45 fayl
oo ah Ethiopian, ertrian, suudaan, dhamaantood isku dhiibay soomaalinimo. Dacwo &
baadhitaan dheer oo ay qaaday 4 bilood ayay SASA ku guuleeysatay iney
soo saarto 45 fayl oo aan u dhalanin jinsiga soomaalida oo isku dhiibay
in ay yihiin soomaali, sidaas darteed waxay SASA go'aan satay in marka
hore ay dadka cusub soo maraan xafiisyadda SASA ee Gobolka Eastern cape.
Heshiiskan
ayaa dhaqan galaya maanta oo ah 15 jully 2008, dadka soomaaliyeed ee ku
dhaqan Gobolka Eastern cape ayaa si aad & aad ah u soo dhaweeyay hashiiska
jaaliyadda & laanta socdaalka taas oo ah guul u soo hoyatay ummadda
soomaaliyeed. Jaaliyadda soomaaliyed ayaa ka dhiidhida in la isticmaalo magac soomaaliyeed ama lagu ciyaaro ayada oo jirto labo kiis danbiyed oo kala ah dhac & mukhaadaraad lagu qabtay dad Ethiopian ah iney sharciyadooda ahaayeen soomaali nationalty labadaas kiis oo ka dhacay magaalooyinka kala ah East london, boutherworth, ee Gobolka Eastern cape. Shir jaraa'iid
oo caawo madaxda jaaliyadu ku qabatay xafiiska jaaliyadda port elizabeth
ayay ku sheegeen warbixinta heshiiska & dabagalkooda kiisaska, warsaxaafadeedkaas
ka hadlayay heshiiska ayuu ka hor akhriyay jaaliyada horteeda mudane :
c/raxmaan Raabi gudoomiye kuxiyeenka jaaliyadda ayaa akhriyay warbixinta
hashiiska & arimaha dabagalka. |
||
| Home // Warar hore // Taariikh // Faallo // Maqaallo // Agoonta S/galbeed // Xidhiidhka | ||
| Copy right © Soomaligalbeed 2006 |
Email:Webmastar@soomaaligalbeed.com |
Website: http://www. soomaaligalbeed.com |