|
Wararka
maanta
|
||
|
War Degdeg ah: Cabdikariin Qalinle oo ay Ciidamada Guumaysiga Itoobiya ku xidheen magaalada Jigjiga. Ciidamada
Guumaysiga ee jooga magaalada Jigjiga ayaa waxay xidheen Cabdikariin Qalinle
xilli uu ku sugnaa magaalada Jigjiga, iyada oo sida wararku sheegayaan
lala xidhay dhawr dhalin yar ah oo ku nool magaalada Jigjiga, lamana garanayo
sababta loo xidhay C/kariin iyo Wiilashaas. Ciidamada Daba Qoodhiga ee ka hoos shaqeeya Ciidamada Gumaysiga Itoobiya Gabadh ku dilay Tuulada Barataale. Ciidamada dabaqoodhiga loo yaqaano ee caanka ku ah dhibaataynta shacabka s/galbeed ee ka hoos shaqeeya ciidamada gumaysiga Itoobiya ayaa gabadh ku dilay tuulada Barataale ee gobolka wardheer ee wadanka s/galbeed. Gabadhan oo lagu magacaabo khadra Siraad Fara qodax ayay ciidamadaasi dileen maalintii Axadda ee lasoo dhaafay oo ku aadanayd 13/7/08, Gabadhan ayaa lagu aasay xabaalaha kuyaala tuuladaas iyadoo ay aad uga xumaadeen shacabka ku dhaqan degaankaas. Gabadhan ayay ciidamada dilay ee dabaqoodhiga ahi u adeegsadeen rasaas ay madaxa kala dhaceen, iyagoo ku eedeeyay gabadha in ay taageerto ururada u dagaalamaya xoraynta wadanka s/galbeed. Dhibaatada lagu hayo shacabka s/galbeed gaar ahaan dadka biri magaydada ah ayaa ah mid aad usii badanaysa, oo aanay jirin wax kahadlaya ama ka danqanaya. |
||
| Home // Warar hore // Taariikh // Faallo // Maqaallo // Agoonta S/galbeed // Xidhiidhka | ||
| Copy right © Soomaligalbeed 2006 |
Email:Webmastar@soomaaligalbeed.com |
Website: http://www. soomaaligalbeed.com |