Wararka maanta

MAXAABIIS SOOMALIYEED OO KUXIDHAN TANZANIA OO DHIBAATO LASOO GUDBOONAATAY.

Inkbadan 600 oo maxabiis soomaali ahoo kujira xabsiyada Tanzania ayaa waxaa soo foodsaaratay dhibatooyin aad uba,an dadka maxaabiista ah ayaa waxay kabaxsanahayeen xasuuqa iyo dhibatada hadheyay dhamaan gayiga soomalyeed kadib dagaalo daba dheeraday iyo cadawga kuhabsaday wadanka soomaliya.ayada oy waliba udheertahay xasuuqa ba,an ee ay kawadan ciimada dulmiga kucaanbaxay ee ethopia kuwaas wadanka xoog kusogalay mudo lagajoogo sand iyo dheerad ,

Dadkan ayaa waxay iskaga jiraan xabsiyada ayaga oon lahayn wax arxan aha oo uhadlayahaya ama udoodahaya sidii loogu soocelinlahaa wadankoodii,dhibanayaasha ayaa lasheegay in ay xukuumada tanzania ufalaaan beera ama ay uqodaan musqulaha ayaga oonan helin waxdaryeel cafimaad aha ama dhinaca nolasha ahaba dadkan aya waxay kujiraan xabsiyadaya in kabadan 6 bilood ayaga oo aad ugawal walsan dhibatada ay kujiraan,
sidoo kalae waxaa wehwliya baxaabiistan kasoo barakacay soomaliaya kuwo kasoo jeeda wadanaka s/galbeed
waxayna magacyadooda nasoogadhay
1: C/rashiid cumar aadam(foolbeer)
2: iyo farax oonan hayniin magaciisa oo buuxa
sikastaba ha,ahaatee waxaa shalay codsi udiray dowladaha k/afrika iyo danzania afhyayeen kuxigeenka 1aad eebarlamaanka soomalia MAXAMAD OMAR DALXA asga oo kacodsaday in baxaabiistan lagusooceliyo wadankoodii,
ABDI RASHIID ABDULLAHI AXMAD
E_cabdidhanan@hotmail.com
nairobi kenya

Tahriibayaal Soomaali ah oo laga sii daayey xabsiyo ku yaala dalka Sudan.

Tahriibayaal Soomaali ah ayaa laga sii daayey xabsiyo ku yaala dalka Sudan halkaas oo in muddo ay ku xirnaayeen.

Dadka la sii daayey oo tiradoodu ay gaareysay 42 qof ayaa xirnaa muddooyin kala duwan, iyadoo sii deynta dadkaan ay dadaal u galeen dad isugu jira Soomaali iyo Sudan kuwaas oo sii deynta dadka Soomaalida ah ku bixiyey dadaal fara badan.

Dadka tahribayaasha ah ee laga sii daayey xabsiyada dalka Sudan ayaa waxa ay ku xirnaayeen magaalada khartoum ee xarunta dalka Sudan.

Sida wararku sheegayaan tahriibayaasha Soomaalida ah ayaa waxaa la xiray iyagoo doonaya inay dalka Sudan uga sii gudbaan dalka Liibiya.

Xabsiyo ku yaala gobolada dalka Sudan ayaa waxaa weli ku xiran tahriibayaal Soomaali ah kuwaas oo ay adag tahay sii deyn tooda maadaama dad Soomaali ah aysan ku sugneyn gobolada badanaa lagu xiro Soomaalida tahriibka ah.

Meydadka dhowr ah oo Laga Helay Agagaarka Warshadii Baastada

Meydadka 3 Qof oo Rayid ah, ayaa meydkooda Maanta lagu arkey inta u dhaxeysa Masjidka Dabaqeynka iyo xaruntii hore ee Warshada Baastada oo hadda fadhiisin u ah ciidamada gumeysiga Itoobiya ee ku sugan magaalada Muqdisho 3 Qof ee Meydadkooda lagu arkey Maanta agagaarka xaruntii hore ee Warshada Baastada, ayaa kala ahaa 2 Haween ah iyo Nin kuwaas oo dhamaantood rasaasi madaxa uga taal. Sida uu sheegay odey ka mid ah dadka Deegaanka Meydadka laga helay degan, ayaa ku waramey in uu maleynayo in dadkaas goobta la soo dhigey. Goobta Meydadkani yaaliin oo ah goob cidlo ah oo dadkii degana intoodii badneyd horey uga qaxeen, daraadeed ayey ku adkaatey dadkii soo arkey Meydadka in ay ka soo qaadaan goobta si loo asturo. Meydadka Dadka Rayidka ah ee badanaa laga helo goobo ka agdhow fadhiisimada ciidamada gumeysiga Itoobiya ka fadhiyaan magaalada muqdisho, ayaa ah kuwo maalmihii ugu danbeeyay soo badanayey.


Dilal kala duwan oo xalay ka kala dhacay qeybo kamid ah gobolada koonfureed ee dalka Soomaaliya


Dilal kala duwan ayaa xalay ka kala dhacay qeybo kamid ah gobolada koonfureed ee dalka Soomaaliya, iyadoo dilalka qaar ay geysteen kooxo hubeysan.

Nin rayid ah ayaa xayal kooxo hubeysan ay ku dileen deegaanka Km 13 kadib markii isagoo goob lagu shaaho fadhiya ay tacshiirad huwiyeen halkaas oo uu durba ku geeriyooday.

Dilka labaad ayaa waxa uu ka dhacay degmada Bu'aale ee xarunta gobolka J/dhexe kadib markii nin ka tirsanaa ilaalada raashin la doonayey in laga qeybiyo halkaas ay ciidanka maxkamaduhu moodeen inuu yahay nin burcad ah oo boob u geysan raba raashinka.

Waxaa la sheegay in ninkaasi uu ka madax adeegay amar ay siiyeen ciidamada maxkamadhaa taas oo sababtay inay toogasho ku dilaan, hase ahaatee marki dambe la ogaaday in ninku uu kamid ahaa ilaalada raashinka.

Dhinaca kalena kooxo hubeysan ayaa iyagana toogasho ku dilay nin ganacsade ah meel ku dhow degmada Xudur ee gobolka Bay kadib markii ay tacshiirad huwiyeen gaari uu watay.

Ninka ganacsadaha ah oo dilka ay u geysteen kooxaha hubeysan ayaa lagu magacaabi jiray Aadan Xaashi Kheyr, waxaana la sheegay inuu kamid ahaa ganacsatada caanka ah ee gobolka Bakool.

Si kastaba ha ahaatee dilalka xalay ka kala dhacay deegaanadaas ayaa qeyb ka aha dilal si joogta ah uga dhaca gudaha dalka Soomaaliya.

Maraakiib laga leeyahay dalka Canada oo ku soo wajahan xeebaha dalka Soomaaliya.

Maraakiib laga leeyahay dalka Canada ayaa ku soo wajahan xeebaha dalka Soomaaliya gaar ahaan xeebaha Puntland halkaas oo kamid ah goobaha ay sida xooggan kooxaha burcad badeedda ah uag howlgalaan.

Sadex Markab oo ay leeyihiin Ciidamada badda dalka ee jooga gacanka Cadmeed ayaa usoo dhaqaaqey dhinaca Biyaha Soomaaliya ,gaar ahaan Xeebaha gobalada Waqooyi Bari ee Soomaaliya.

Maraakiibtan ayaa ujeedadooda ay tahay sida la sheegay inay la dagaalamaan kooxaha burcadda ah ee afduubka u geysta maraakibta shisheeye ee isticmaala biyaha dalka Soomaaliya iyo gacanka Cadmeed.

Maraakiibta waxaa ku jira qaar ka mid ah kuwa ay dushooda ay ka duulaan Diyaaradaha wax basaasa & kuwa duqeymaha geysta , kuwaas oo ay saraakiil ka tirsan dowladda Canada ay shaaciyeen inay ilaalin doonaan xeebaha dalka Soomaaliya.

Maraakiibta Canada ee ku soo wajahan xeebaha dalka Soomaaliya ayaa ku biiraya maraakiib dagaal oo dalka mareykanka iyo qaar kamid ah dalalka Yurub ka jooga biyaha dalka Soomaaliya gaar ahaan xeebaha Soomaaliya oo kamid noqday kuwa ugu qatarsan caalamka.

Home // Warar hore // Taariikh // Faallo // Maqaallo // Agoonta S/galbeed // Xidhiidhka
Copy right © Soomaligalbeed 2006

Email:Webmastar@soomaaligalbeed.com

Website: http://www. soomaaligalbeed.com