|
Wararka
maanta
|
||
|
MID KAMID AH DIYAARADAHA QAADKA GEEYA SOOMAALIYA OO BURBURTAY. Mid kamid ah diyaaraha qaadka ka keena dalka Kenya ayaa saaka ku dhacday garoonka Number 50 ee gobolka Sh/hoose. Diyaaradda oo ah nuuca yaryar ayaa soo dhecisteeda waxa ay ka dambeysay kadib markii garoonka ay qarisay ceeryaamo xooggan taas oo duuliyaha ku qasabtay inuu kala garan waayo dhulka. Diyaaradda ayaa ku dhacday mid kamid ah Ateenooyinka shirkadaha isgaarsiinta ay ku leeyihiin garoonka, waxaana mar kaliya diyaaradda ka kacay Holac. Duuliyihii diyaaradda ayaa la inta la ogyahay ku geeriyooday shilka ka dhacay garoonka Number 50 ee gobolka Sh/hoose, laamana oga inuu jiro khasaare kale oo ka dhashay diyaaradda saakay ku soo dhacday garoonkaas. Diyaaradda saaka ku soo dhacday garoonka Number 50 ayaa ka timid dalka Kenya halkaas oo ay ka soo qaaday qaad ay maalin walba si joogta ah u keeni jirtay gudaha dalka Soomaaliya. Waa diyaaradii ugu horeysay ee inta la xusuusto ku soo dhacda garoonka Number 50 ee gobolka Sh/hoose halkaas oo ah meesha ugu badan ee ay diyaaraduhu ka soo dajiyaan qaadka la soo galiyo gudaha dalka Soomaaliya. MID KAMID AH MAS'UULIYIINTA MAGAALADA MUQDISHO OO LADHAAWACAY.Guddoomiye waaxeedkii waaxda Hilaac ee degmada Xamarweyne ayaa kooxo hubeysan saaka waaberigii waxa ay ku dhaaweceen qeybo kamid ah degmada Xamarweyne ee magaalada Muqdisho. Rag bastooladoku hubeysan ayaa la sheegay inya dhaawac culsu u geysteen guddoomiye waaxeedka oo la yiraaho Maxamed Axmed Ducaale. Dhaawaca mas'uulka oo la sheegay inuu yahay mid aad u daran ayaa loola cararay isbitaalka madiina ee magaalada Muqdisho, iyadoo raggii dhaawaca u geystayna ay durba goobta ka baxsadeen. Ciidamo katirsan dowladda KMG ah ayaa durba soo gaaray goobta lagu dhaawacay mas'uulka, iyadoo aan la sheegin wax baaritaano ah oo ay halkaas ka fuliyeen. Waa guddoomiye waaxeedkii 2-aad ee dhaawac daran loogu geysto qeybo kamid ah degmada Xamarweyne ee magaalada Muqdisho, iyadoo kalhore lagu dhaawacmay degmadaas Cumar Nuur Baasharax oo ahaa fanaan Soomaaliyeed.
|
||
| Home // Warar hore // Taariikh // Faallo // Maqaallo // Agoonta S/galbeed // Xidhiidhka | ||
| Copy right © Soomaligalbeed 2006 |
Email:Webmastar@soomaaligalbeed.com |
Website: http://www. soomaaligalbeed.com |