Wararka maanta

War degdeg ah: Ciidamadda Gumaysiga Itoobiyaoo Dad shacab ah Ku xasuuqay Deegaanka lagu magacaabo Bulodaridda oo Katirsan Togga Faafan ee Gobolka Jigjiga.

Ciidamadda gumaysiga Itoobiya ee xooga ku jooga dhulka S/galbeed ayaa dad shacab ah ku xasuuqay deegaanka lagu magacaabo Bulodaridda oo ah dhulbeereed ku yaala Togga Faafan ee Gobalka Jigjiga.

Dadkan laxasuuqay oo ahaa dad reer miye ah oo isagu jira xoolo dhaqato iyo beeralay ayaa ah shan Raga oo u badan odayaal iyo Gabadh, waxaa kaloo naloo sheegay in ay jiraan tiro kale oo badan oo dhaawaca.

Xasuuqa shacabka ku dhaqan wadanka S/galbeed ee lagumaysto ayaa ka mid noqday nolol maalmeedka shacabkaas, dhacdadan midii ka horaysay oo ay ciidamadda Gumaysiga Itoobiya ee Macatab udirirka ihi ku dileen Tuulada Galaalshe 22 ruux iyagoo toro kaloo badana ku dhawacay.

Ee talow maxaa loo dilay dadkan aan waxba galabsan yaase ka damqanaaya.


Middowga Jabhada Xoraynta S/galbeed ( MJXSG / UWSLF )oo warbixin Dheer kasoo saaray Dagaaladii ay Ciidamada Gumaysiga Itoobiya lagaleen Todobaadkii lasoo dhaafay, Iyo Khasaarihii kadhashay, iyo cambaarayn ay u soo jeediyeen Gumaadka Bahalnimo ay ciidamada gumaysiga ku hayaan shacabka s/galbeed iyo sidoo kale baaq ay u soojeediyeen Shacabka s/galbeed in ay u istaagaan sidii ay isaga qaadi lahaayeen heeryada gumaysiga..


Ref:/uwslf321/08...................................................................................................................Date/12/7/08

Warsaxaafadeed.

Ururka MJXSG / UWSLF oo ah Urur mudo dheer ku jiray sidii uu Wadanka s/galbeed uga saari lahaa jabhada TPLF ee xooga ku qabsatay wadanka S/galbeed, una diiday nolosha aas aasiga ah in ay helaan shacabka, kana qaatay dhammaanba waxii ay xaq ulahaayeen, gumaad , barakicin iyo cuna qabatayn uga dhigay nolosha dhabta ah ee ay xaqa u leeyihiin ayuu Ururku dagaalo dhowr ah kula galay goobo kala duwan.

Dagaaladii ugu dambeeyay ee ay ciidamada Mujaahidiinta MJXSG / UWSLF ku qaadeen ciidamada Gumaysiga Itoobiya ee Sida bahalnimada ah u baabi inaya shacabkayaga ayaa waxay kala ahaayeen sidan:-

10/7/08 Ciidamada Mujaahidiinta Middowga Jabhada Xoraynta S/galbeed ayaa weerar dhabo gal ah ku qaaday ciidamo Itoobiyaan ah oo ku socda kolonyo inta u dhaxaysa Laandheer iyo Gabagabo.

Dagaalkan oo ahaa mid aad u culus muddo halsaac ahna soconayay, ayay ciidamada mujaahidiintu ku gubeen sadex kamid ah gaadiidkii dagaalka ee ay wateen ciidamada gumaysiga itoobiya iyo ciidankii saarnaa, kuwaas oo ay mujaahidiintu u adeegsadeen miinooyin iyo qoriga looyaqaano sabanka iyo rasaasta noocyadeeda kala duwan.

Baaburta ay Mujaahidiintu gubeen ayaa labo kamid ah ay ahaayeen Baabuurta lagu qaado ciidamada ee looyaqaano Uuraalka , halka midka sadexaadna uu ahaa baabuur xambaarsan qoriga Zuu loo yaqaano ee labo dhuumoodka ah ee loo isticmaalo lidka Dayuuradaha..

Mujaahidiinta MJXSG ayaa baabuurtan dhabaha u galay kadib markii ay war bixin ku heleen in ciidamo badan oo u socda dhanka soomaaliya, kuwaas oo loo arkayay in ay u socdaan xoojin iyo in ay dhibaato iyo xasuuq kabilaabaan gudaha wadanka soomaaliya.

Dagaalkan ayuu Mujaahidiinta Uga Shihiiday Mujaahid lagu magacaabo Axmed C/llaahi Gadhwayne, waxaana Ilaahay uga baryaynaa in uu shahaadadiisa ka aqbalo Aamiin, Aamiin.

7/7/08 Ciidamada Middowga Jabhada Xoraynta S/galbeed ayaa weerar ku qaadeen ciidamo katirsan kuwa gumaysiga itoobiya oo marayay Tuulada malayko oo katirsan degmada Garbo ee Gobolka Nogbeed ee dhulka s/galbeed .

Ciidamada Mjxsg oo ku sugayay meel u dhaw ceelka Malayko ciidamo Itoobiyaan ah oo ku dhaawacay nin shacab ah oo lagu magacaabi jiray Ganay Sh saxane meel aan sidaas uga fogayn ceelka Malayko ayaa arkay ciidankii itoobiyaanka ahaa, kadibna weerar kadis ah ku qaaday iyagoo markii ay rasaas ooda uga qaadeenba kaymaha ku kala cararay.

Warar maalintii dambe laga helay Meelihii ay ku sii carareen ciidamada Itoobiyaanka ayaa soo sheegay in ay sadex kamid ahy ciidamada cadawga lagu dilay dagaalkaas oo markii hore dhaawac ahaan uga baxay goobta dagaalka, markii ay qaadi waayeen ciidamada gumaysiguna dhaawacoodi laayay oo halkaas isaga tagay iyagoo bakhti ah.

5/7/08 Ciidamada Mujaahidiin Middowga jabhada Xoraynta S/galbeed ayaa weerar mir ah ku qaaday ciidamada gumaysiga itoobiya oo kusugnaa saldhig ay ku lahaayeen Degmada Dhuxun ee gobolka Nogbeed ee wadanka s/galbeed.

Ciidamada MJXSG ayaa Weerarkan u adeegsaday Qoryaha Baasuukaha , Bambooyinka , PKM ka iyo Qoryaha Fud fudud, iyagoo muddo halsaac ku dhawaad aah aan u kala dabcinin saraasta noocyadeeda kala duwan.

Weerarkan ayay ciidamada Mujaahidiintu ku dileen 11 kamid ah ciidanka gumaysiga itoobiya, kuna dhaawaceen 15 kamid ah askartaas. oo goobtii ay ku jireen ay mujaahidiintu ka dhigeen meel uu holac ka kacay, mujaahidiinta ayaa iyaguna kasoo baxay iyagoo nabad qaba.

Cambaarayn.

Middowga jabhada xoraynta S/galbeed waxay cambaaraynaysaa, wax aad u foolxun oo aan loo dulqaadan karinna ku tilmaamaysaa gumaadkii ay ciidamada Gumaysiga Itoobiya kagaysteen magaalada galaalshe, oo ay ku dileen dad kabadan 22 qof oo shacab ah. kuwaas oo isugu jira dadwaayeel ah, caruur, haween, iyo dad dhalin yaro ah oo aan waxba galabsanin.

Gumaadka dadkan ay ciidamada gumaysiga itoobiya ku dareen dhammaanba xoolihii ay dhaqan jireen oo markaas xerada ku jiray.

Gabagaba.
Ururku waxuu shacabka s/galbeed ee ay dhibaatadu sida gaarka ah u taabanayso ugu baaqayaa in ay u istaagaan halganka xoraynta wadanka s/galbeed, waxuuna sigaar ah ugu baaqayaa Culumowdiinka, Aqoonyahanka, ganacsatada , wax garadka iyo dhalin yarada wadanka s/galbeed in ay qayrkood gaadhaan oo ay dadkooda duliga ka dulqaadaan.

 

Xafiiska Warfaafinta
Middowga Jabhada Xoraynta S/galbeed

Home // Warar hore // Taariikh // Faallo // Maqaallo // Agoonta S/galbeed // Xidhiidhka
Copy right © Soomaligalbeed 2006

Email:Webmastar@soomaaligalbeed.com

Website: http://www. soomaaligalbeed.com