|
Wararka
maanta
|
||
|
KOOXO HUBAYSAN OO DAD SHACAB AH KU DILAY INTA U DHAXAYSAGOSHA IYO KISMAAYO. Kooxo burcad ah ayaa tacshiirad ku furay gaariga rakaab ah oo marayey meel u dhexeysa deegaanka Mareerey iyo magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose. Inta la ogyahay canug yar oo kamid ahaa rakaabkii saarnaa gaariga ayaa dhintay labo qof oo kalena waa ay ku dhaawacmeen tacshiiradda ay kooxaha hubeysan ku fureen gaariga rakaabka ah. Dhaawaca mid kamid ah labada qof ayaa la sheegay in xaaladiisa cafimaad laga deyrinayo, iyadoo dadka dhaawaca ah la dhigay isbitaalka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose. Kooxaha tacshiiradda ku furay gaariga ayaa ahaa kooxo burcad ah oo dilal iyo dhac u geysta dadka safarka ah ee istcimaala wadada isku xirta deegaanka Mareeyey iyo magaalada Kismaayo. Si kastaba
ha ahaatee dhacdadaan ayaa ku soo beegmeysa xilli dhawaan ciidamada madaniga
ah ee ay howl galllo burcad sifeyn ah ka fuliyeen meel qiyaastii 5-KM
u jira magaalada Kismaayo halkaas oo ay ku dileen labo kamid ah kooxihii
burcadd ahaa ee jidgooyada dhigtay.
|
||
| Home // Warar hore // Taariikh // Faallo // Maqaallo // Agoonta S/galbeed // Xidhiidhka | ||
| Copy right © Soomaligalbeed 2006 |
Email:Webmastar@soomaaligalbeed.com |
Website: http://www. soomaaligalbeed.com |