Wararka maanta

MAAMULKA LUGBUUR OO ALBAABADA U XIRAY LABO HAY,ADOOD OO SAMAFAL AH.

Maamulka Cabdulaahi Lugbuur ayaa waxay Albaabada u xidheen Laba Hay'adood oo wakhtiyo dhaadheer ka hawlgali jiray meelo badan oo ka mid ah Dhulka Soomaaligalbeed, labadan Hay'adood oo magacdooda la kala yidhaahdo HOPE FOR THE HORN iyo AL-NAJAX.

Sida ay sheegayaan Warar lagu kalsoon yahay maamulka Lugbuur waxaa shaqadii uu ka joojiyay labadan hay'adood isagoo ku eedeeyay inaysan haba yaraatee isaga taageersanayn isla markaana ay dhinac kala shaqaynayaan Jabhadaha ka dagaallama Degaanka. mar aanu la xidhiidhnay Masuulka Hay'adda Hope for the Horn C/kariin aw raali waxaa uu sheegay inuusan garanayn sababta hay'addiisa loo xidhay isla markaana laga xanibay hawlihii samafal ee ay Degaanka ka waday.

Haddaba labadan Hay'adood oo ah kuwo Samafal ayaa inta badan waxay ka hawlgali jireen meelo badan oo kamid ah Dhulka Soomaaligalbeed iyadoo waxyaabaha u muhiimsan ee ay qabtaan ay kamid ahayd iyadoo cunooyin iyo caawimaad kaleba gaadhsiin jirin dadyowga ku tabaalaysan Abaaraha ka jira Degaanka sida la wada arkayana wax siyaasad ah oo ay shaqo ku lahaayeen maysan jirin labadaa Hay'adood.

Waa markii labaad ee Maamulka Lugbuur Degaanka ka eryo Hay'ado samafal iyadoo hadda ka hor uu Degaanka ka caydhiyay Hay'addii samafalka ee Laanqeyrta Cas taas oo Shacab weynaha Degaanku isku raacay inay khalad weyn ahayd in Degaanka laga saaro amase waxyaabo kale lagu soo eedeeyo Hay'ad iyadu u dhaqdhaqaaqaysay wax tarka Shacabka Degaanka.

TPLF Obliterating NGOs in the Ogaden –Two more NGOs´ Licences Revoked

August 10, 2008

We have, on several occasions, stated how it is becoming increasingly difficult for international aid organizations to work in the Ogaden, and as a result they are opting to create partnerships with grass-roots, local Non-governmental Organisations (NGOs) who have long and better experience in reaching out the intended beneficiaries. On the other hand, we noted how the TPLF led regime has been busy in implementing policies hostile to NGOs in the past years. As, similar to other nationalities, Ogaden people continue to suffer at the hands of brutal Woyyane oppression, TPLF and its stooges are committed to harass NGOs operating in this part of the world. On August 07, 2008 the so called Regional President Abdullahi Hassan better known as Lugbuur has through a letter commanded the suspension of two local NGOs´ licenses.

The two NGOs, Alnejah Relief, Rehabilitation and Development Organization (ARRDO) and Hope for the Horn (HFH) are among the first and few in the region with some community projects in various areas in the Ogaden. I am not writing this article to defend any wrong-doing by these NGOs like the claimed corruption, unethical conduct, attitudinal problems, mismanagement etc. They can commit errors but it is outrageous and shameful the way their license is suspended.

First of all, according to current constitution, it is the mandate of Ministry of Justice to grant NGOs with licences and only this ministry can revoke or suspend these licences. As a matter of decentralization, the ministry also gives directives to the Disaster Preparedness, and Prevention Agency (DPPA) on how to deal with some issues regarding local organizations. Apparently, the action of Lugbuur is violating the current regime´s own constitution and instead of warning Lugbuur, Deputy Prime Minister, Addisu Leggese who was touring Jigjiga last week with other ministers has applauded for criminals like Lugbuur for massacring the Ogaden people.

Before suspending any NGOs license there must be a clear legal procedure beginning with investigation of allegations. Only with solid evidence can action be taken by either the DPPA, the Ministry, or generally by the Federal Ethics and Anti Corruption Commission all of which are Institutions used by TPLF as they wish. Even after this investigation it does not imply NGO´s license is automatically suspended if found guilty or culpable. Rather their Code of Conduct states other options such as issuing a warning, or targeting the person responsible for the wrong-doing depending on the scale of the breach.

Lugbuur´s move is not the first of its kind. He is just doing the dirty job of TPLF. Whenever they want to play such games they order him to pretend as if he is the ruler of the region while he is not more than a puppet. Otherwise it is not he; rather it is the TPLF cadre sitting next to him that dictates the daily affairs. It is the same history when he ordered several International NGOs like ICRC and MSF-Swiss to cease operations in the Ogaden. At that time, in an interview with the media, he denied any federal interference, while he later confessed to one of his relatives that he was given orders to expel the ICRC and he did so without knowing the reason behind.

Sarcastically, one wonders how Lugbuur and his fellow stooges can accuse others of corruption while they have stolen hundreds of millions of public money during their three and half years in the puppet administration. Where did really all these money go? Where did all those ambitious projects designed over qat-chewing cessions end up? We –the people- do not know, far worse we cannot seek answers. Right now the people bother neither about transparency nor accountability, checks and controls. Only if we were left alone for our lives!!!

This latest development comes as the people are in one of their most critical time to survive. The two affected NGOs have been working in partnership with many international donor organizations such as United Nations (UNICEF, WFP, WHO), OXFAM, ICCO, Muslim Aid, Christian Aid, MSF, Save the Children, Muslim Hands etc and with this threat of terminating ongoing projects as well as future ones, many beneficiaries whose only hope of survival was these NGOs will definitely be left out to a grim fate, not to mention the hundreds of employees and their families who suddenly face income insecurity.

Our people are made powerless and voiceless and it is not ironic to turn to the international community for help for they can influence TPLF´s policies when they if they really want to. Nevertheless, it only makes us more heartbroken to see the international community´s response to this crisis not being on par with the gravity of the problem

www.americanchronicle.com

MADRASADA CUMAR BIN KHADAAB OO UU MAAMULKA LUGBUUR UFARA QANIINAYO INUU XIDHO.

Madrasada Cumar Binu-khadaab oo ak mid ah Madaarista waaweyn ee caanka ka ah magaalada Jigjiga ayaa waxaa looga cabsi qabaa in Maamulka Lugbuur xidho madrasadaas, kaddib markii maamulkaasi ku eedeeyay Macalimiinta Madrasadaas inay xidhiidho la leeyihiin Jabhadaha ka dagaallma Degaanka.

Haddaba Maamulka Lugbuur oo dhawaan Shirar kala duwan ku lahaa magaalada Jigjiga ayaa waxaa lagu ansixiyay in sida ugu dhakhsiyaha badan Albaabada loogu xidho madrasadaas iyadoo Maamulka Lugbuur raadsanayo Maamulihii Madrasadaas Khalif Osman Aden oo aan la ogayn halka uu jaan iyo Cidhib dhigay.

Sidoo kale waxaa iyadana hanjabaad kulul la siiyay qaar ka mid ah Macalimiinta Madrasadaas oo lagu haysto inay qariyeen maamulaha madrasadaas xili uu lugbuur u baahnaa oo laga waayay gudaha Madrasada.

Si kastaba ha ahaatee Waalidiinta caruurta dhigata Madrasaad ayaa walaac badan ka muujiyay in doorkan uu indhaha si gaar ah ugu eegayo Maamulka Lugbuuri Madrasadan oo ay dhici karto in hal maalin ah Ardaydoo ku jirta cashiradoodii gudaha madrasada Albaabada loo xidho oo dhibaatooyin kala duwan loo gaysto Ardayda iyo Macalimiinta wax ka dhigta Madrasadan. Madrasadan ayaa iyadu ah mid isugu jirta Dugsi dhexe iyo mid hoose iyadoo cashirada lagu qaatana ay u badan yihiin Diini walaw ay ku jiraan maadooyinka laga dhigto Iskuulada kale ee Dawladda.

DHIBADADA LAGU HAYO MUSLIMIINTA KENYA OO MARAYSA MESHII OOGU XUMAYD

Ayada ooy wayahanba laguhayay cadadsi aad uba,an muslimiinta kenya aya waxa hada oogu dambaysay wiil dhalinyara oo habeenkii xalay haa loogaystay tacadi kii oguxumaa,
axmad adan xasan waa wiil dhalinyara aha waxa uuna kudhashay magalada madaxda gobalaka waqooyibari ee garisa waxa uuna kasoo baxay madarasada najaax ee islaamiga ah ahmed aya waxa uu yahay muwadin udhashay dalkan kenya waxa uuna dhashay sadii 1986 ill iyo hadana waxa uukunoola wadanka kenya axmad oo ka ha macalin madariso iyo goob lagubarto diinta islmaamka ayaa xalay laxidhay waxa uuna waraysi siiyay wariyaha s.galbeed asaga oo waydiiyay in uu udulmaro waxii kudhacay iyo sida looladhaqmay.

Axmed wad mahad santahay.walal waxan usocday in aan soobooqdo gabadh walashay aha oo dagan xafada 1aad ee islii markii aan sootukaday saladii maqrib ayaan u amababaxay dhankii ay gabdhu daganayd,markaan marahayo wadada 4raad ee islxaafada islii ayaa waxa ii suul dhabaaleeyay rag gari yar oo taxsi aha kujira waan soomilicsaday waxa uuna iskudaray mid kamid aha ragii soobixitaan iyo waliba su,aal uu iwaydiiyay oo uu iyidhi maleedahay aqoonsiga kenya( kitambulushe ama kibaande)waxaan idhi haa"waan ahystaa waxa uu iigujawabay ken sharciga islmarkiina waxa uu igutuuray gadhigii wxa ayna iga xidheen indhaha way ikaxeeyeen meel aan usocdo manan garanaynin

Waxaa laigeeyay guri waxana karraacnay wiish allada looyaqaano kadibna waxaa la,ii geeyay 6nin oo ay 5kamid aha ay yihiin caddaan,1midna uuyahay soomali wajigiisan daday amam xidhtay niqaab ama indha shareer waxay iwaydiiyeen su,aalo ay kamid yihiin magacayga meeshan kudhashay waxayn iigudhaheen waan ahaynaa xogtaada iyo warbixintaada adiga iyo ninka lagu magacaabo cabdi najiib billal oo jooga mambasa iyo 2nin oojoga soomalia iyo adiga iyo ninkale oo hada ayaamahan khadka kabaxay in aad qorshaynayseen falal ismiidaamin aha ood kasamayn lahaydeen nairobi kenya darasalam iyo somalia sanadahan soosocda waxan kudhahay aniga wax aan lasocdo malaha walgayna mambsa iyo somaliya matagin markaan intaa idhi ayay billaabeen in ay iga bixiyaan dhmaan waxaan sitay oo dhar aha waxayna igu sooreebeen hal kastuun waxayna kor uxidheen 2dayda gacmood kadibna waxay sooqaateen saxan ama baquli ay biyo kujiraan waxayna iigaliyeen lugahay waxayna kushideen koronto biyihii waxay noqdeen baraf ama qaboow saa,id aha kadibna waan cabaday waana ooyay way igafureen waxay iwaydiiyeen su.aalihii hore oo kale sidii hore ayaan oogu jawabay hadana sidii ayay iixidheen biyhiina waxaykadhigeen kulayay habeenkii oo dhan ayan sidii aha oon ooyay markuu waagiibarayay ayay iga fureen cadaabkii waxayna iwaydiiyeen su,aalihii sidaydii hore uunbaan oogu jawaabay markii lagadhay 2 subaxnimo ayay isookaxeeyeen waxayna igu sidayeen townka

Axmad waxaan kulakulmay isbitaal lagu dawaynhayay waxaa kamuuqday raffad iyo waliba xanuun uu iisheeg in ay luguhu dikaamahayaan ama ay laxwayaan asaga oonan tallaabada soconkarin oo dhutinhaya ayuu waraysigan siiyay webkan s/galbeed mana aha ruuxii oogu horeeyay ee lagudhibaateeyo wadankan kenya ee waxaaba jira kuwo wali lala,yahay meel ay kudhibceen raq iyo ruuxba ,
abdi rashiid abduaahi ahmed
nairobi kenya
e_mail cabdidhanan@hotmail.com

CIIDAMADA KENYA OO DHALINYARO REER GAARISA AH XABSIGA U TAXAABAY.

Mararka naga soo gadhaya magalada garisa ee xarunta gobalak waqooyi bari kenya ayaa waxay noo xaqiijiyeen in shalay galin kii danbe lagaqabatay goob lagaraaco gawaadhida ukala gooshta magalada garisa iyo xeryaha qaxotiga ee dhadhab 4 ruux, waxa naloo xaqiiyay in ay ciidanka boliska ah ee lootababaray in ay kahortagan argagixisadain in ay qabteen 4 ruux oo aha kuwo sugahayay gadhi,dadkan laqabatay aya waxaa kujira wiil dhalinyara aha oo caanka ka aha magalada garisa kaas oo lagumagacaabo MAXAMED MANSUUR,

Maxamad mansuur hooyadii oo lahadalaysay warabaahinta aya sheegtay in uu wiikeedu ahaa ganacasade iib gayn jiray digaagaha mam lukida,ayna uyimaadeen 3nin oo muslimiin aha oo kacadsatay in u tuso goobta basaska lagaraaco kadibna ay boolika qabteen loona gudbiyay xabsiga dhexe ee magalada garisa ayaga oo sheegay in looga shaki qabo in ay yihiin waxa ay kutilmaman al_qaaida al_qaaida gani? maxaa ladhahaa alqaacida ayay tiridhi hooyada maxmed mansuur,

Falakan aya kusoobeegamay xili ay kataaganatahay wadanka kenya dhamaanti foojignanan ayada oo heegan lagaliayay ciidamada boolika iyo kuwa sirdoonka kuwaas oo goobwalaba iyo gadiid walababa badhitaan kawada,isbuucii hore ayay ahayad markii ay ciidanka bolika ay sooqabteen 3ruux oo gashakiyeen in ay lugkulahaayeen baxsashadii ninka looguraadista badanayahay kenya fauzal abdullahi maxamed kaas oo si dirqi aha kagabaxsaday booliska,hasa yeeshee waxaa soogalay dadaka muslimiinta aha ee kudhaqan wadanka kenya cabsi iyo walal ay kaqabaan in marmarsiinyo loogadhigan falalka ay kawadan ciidanaka booliska guud ahan wadanaka ayaga ooy udaranyihiin muslimiinta rer waqooyibari kuwaas oo dhamaantood wadanaha farata kuhaya.
e_mail cabdidhanan@hotmail.com
abdirashiid abdulaahi axmed

CIIDAMADA GUMAYSIGA ITOOBIYA OO XASUUQ KAGAYSTAY DEGMADA WANLAWAYN.

Ciidamada Itoobiya ayaa maanta dad rayid ah ku laayey degmada Wanlaweyne ee gobolka Sh/hoose halkaas oo qarax lagula beegsaday maanta.

Tacshiirad arxan darra ah oo ay si aan kala sooc laheyn u fureen ciidamada Itoobiya ayaa la sheegay inay ku geeriyoodeen dad gaaraya 4-qof halka ay ku dhaawacmeen 7-qof oo shacab ah.

Qarax miino ayaa lala haleelay mid kamid ah kolonyo gawaari ah oo ay wateen ciidamada Itoobiya, iyadoo dadka deegaanka ay sheegeen in gebi ahaanba uu burburay gaariga ayna arkayeen meydada labo kamid ah askarta ciidanka Itoobiya.

Wararka laga helayo degmada Wanlaweyn ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya ay gudaha u galeen degmada Wanlaweyne islamarkaana ay tiro dad ah halkaasi ka qabqabteen.

Warargoor dhow aanu ka helnay Wanlaweyn ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya ay iminka ku sugan yihiin gudaha degmada islamarkaana la maqlayo rasaas ay furayaan, iyadoo aaney jirin cid dagaal toos ah kula jirta.

Ciidamadaan itoobiyaanka ah ee qaraxa lagula beegsaday degmada Wanlaweyn ayaa ah kuwii xalay qaraxa lagula beegsaday deegaanka Tareedisho ee duleedka magaalada Muqdisho.

Waa qarixii 3-aad ee ciidamadaan lagula beegsado inta u dhexeysa magaalooyinka Muqdisho iyo Wanlaweyn, waxaana ilo lagu kalsoon yahay ay sheegayaan in ciidamada Itoobiya askar fara badan ay kaga dhinteen qaraxyadaas.

CIIDAMADA MUJAAHIDIINTA SOOMAALIYEED OO WEERAR KU QAADAY XARUN AY DEGENAAYEEN CIIDAMADAGUMAYSIGA ITOOBIYA.

Xoogagga hubeysan ee ka horjeeda ciidamada Itoobiya ayaa barqadii maanta weerar waxa ay ku qaadeen fariisinka ay ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda KMG ah ay ku leeyihiin xaruntii hore ee warshadda Baastada.

Dagaal fool ka fool ah ayey xoogagga muqaawamadu kula galeen ciidanka Itoobiya iyo kuwa dowladda KMG ah ee ku sugan xaruntii hore ee warshadda Baastada halkaas oo dadka deegaanku ay sheegeen inay si weyn uga maqlayeen daryanka madaafiicda iyo hubka nuucyadiisa kala duwan.

Ciidamada Itoobiya ayaa intii uu socday dagaalka waxa ay madaafiic ku duqeeyeen deegaanka Suuqa Xoolaha, waxaana inta la ogyahay madaafiicdaas ku dhaawacmay gabar yar oo la sheegay inay kamid tahay dadka tirada yar ee ku haray deegaankaas.

Dadka ku dhaqan degmada Hurwaa ayaa walaac ka muujiyey madaafiicda ay ciidamada itoobiya sida arxan darada ah ugu duqeynayaan xaafadaha dadka rayidka ah ay deggan yihiin.

Weerarka madaafiic ee lagu qaaday xaruntii hore ee warshadda Baastada ayaa qeyb ka ah weeraro ay xoogagga ku kacsan ciidamada itoobiya had iyo jeer ku qaadaan xarumaha ciidamada Itoobiy iyo kuwa dowladda KMG ah.

 

ASKARI KATIRSAN CIIDAMADA GUMAYSI KAL KAALKA OO QOF RAYID AH KU DILAY MAGAALADA MUQDISHO.

Askari katirsan ciidanka dowladda KMG ah ayaa maanta nin rayid ah ku dilay isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Askariga ayaa la sheegay inuu tacshiirad ku furay ninka rayidka ah xilli uu ku jiray goob biibito ah, iyadoo ninka ay rasaasta ka haleeshay madaxa islamarkaana uu durba goobta ku geeriyooday.

Ma cadda ujeedada ka dambeysa dilka askariga uu u geystay ninka ryidka ah oo la sheegay inuu kamid ahaa dadka ku dhaqan deegaanka Zoobe.

Ciidamo katirsan dowladda KMG ah ayaa goobta soo gaaray kuwaas oo la sheegay inay goobta ka qaadeen meydka ninka rayidka ah.

Xaaladda oo kacsaneyd xiliga uu dilka dhacay kadib ayaa iminka caadi ku soo noqotay, waxaana dib loo furay goobihii ganacsiga oo la xiray.

Si kastaba ha ahaatee ma ahan markii ugu horeysay ee askari katirsan ciidanka dowladda KMG ah uu toogasho bareer ah u geysto nin rayid ah

QAAR KAMID AH BAABUURTA ITOOBIYAANKA OO LAGU GUBAY INTA UDHAXAYSA AFGOOYE IYO XAMAR.

Labo kamid ah gawaarida ay inta badan adeegsadaan ciidamada Itoobiya ee loo yaqaan Uralka ayaa xalay lagu gubay meel u dhexeysa deegaanada Siinka Dheere iyo Ceelasha biyaha ee duleedka Muqdisho.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa ku waramay in xoogagga hubeysan ee dagaalka kula jira ciidamada Itoobiya ay markii hore weerar ku asqeeyeen ciidamada Itoobiya xilli ay marayeen koontaroolka Siinka Dheere iyagoo adeegsanaya qoryaha Baasuuka ee garbaha laga gamo halkaas oo la sheegay inay ku gubeen gaari Ural ah.

Gaariga 2-aad ayaa lagu gubay halka loo yaqaan deegaanka Tareedisho kadib markii lala haleelay qarax wadada lagu aasay kaas oo la sheegay inuu ahaa miino nuuca meelaha fogfog laga hago kaas oo gabi ahaanba baabi'iyey gaariga Uralka ah iyo ciidamadii saarnaa.

Si cad looma oga inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha ciidamada Itoobiya ka soo gaaray gawarida laga gubay, maadaama xiligu uu ahaa habeen islamarkaana aan si dhab ah loo ogaan karin waxyeelada ciidamada Itoobiya soo gaartay.

Dadka deegaanka ayaa ku waramay inay arkeen ciidamada Itoobiya oo jiidaya gawaariga laga gubay, waxaana dadku ay sheegeen in ciidamada Itoobiya ay madaafiic iyo rasaasku asqeeyeen deegaano ay dad rayid ah deggan yihiin.

Ciidamada Itoobiya ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya ayaa inta badan la kulma khasaare isugu jira askar laga dilo iyo gawaari laga gubo, waxaana tan iyo markii ay gudaha u soo galeen dalka Soomaaliya ay la kulmayeen dagaallo aan dhamaad laheyn.

XOOGGA MUJAAHIDIINTA SOOMAALIYEED OO WEERAR KU QAADAY KULIYADII JAALE SIYAAD.

Waaberigii hore ee saaka ayaa xoogagga hubeysan ee Al-shabaab waxa ay weerar ku qaadeen fariisin ay ciidamada Copy-ga Itoobiya ku leeyihiin xaruntii hore ee kuliyadda Jaalle Siyaad.

Iska horimaad la isku adeegsaday hubka nuucyadiisa islamarkaana socday muddo daqiiqado ah ayaa ka dhacay halkaas, waxaana xoogagga Al-shabaab ay xarunta la beegsadeen hubka sida darandooriga ah u dhaca.

Si dhab ah looma og khasaaraha labada dhinac ka soo kala gaaray dagaalka, hase ahaatee waxaa la xaqiijiyey dhaawaca labo qof oo rayid ah kuwaas oo ku waxyeeloobay rasaastii ay labada dhinac isweydaarsanayeen.

Dadka deegaanka ayaa ku waramay in xoogagga Al-shabaab ay muddo kadib goobta isaga tageen, waxaana caadi ku soo laabtay xaaladda deegaanada ku dhow xaruntii hore ee kuliyadda JaaalleSiyaad.

Si kastaba ha ahaatee ma ahan markii ugu horeysay oo xoogagga Al-shabaab ay weerar ku qaadaan xarumaha ay fariisimada ku leeyihiin ciidanka dowladda KMG ah iyo kuwa Itoobiya.

KOOXO HUBAYSAN OO NIN KU DILAY DEGMADA MADIINAEE MAGAALADA MUQDISHO.

Kooxo hubeysan ayaa xalay fiidkii abaaro 7:00 nin ku dilay xaafadda Macmacaanka degmada Dharkeynley ee magaalada Muqdisho.

Rag la sheegay inay ku hubeysnaayeen bastoolado kana koobnaa seddax nin ayaa toogasho ku dilay ninka oo lagu magacaabi jiray Maxamed Cumar.

Dadka deegaanka ayaa ku waramay in ninka la dilay uu ka ganacsan jira daroogada islamarkaana dilkiisa ay tuhmayaan inuu arrintaas salka ku hayo.

Ragga dilka geystay ayaa durba goobta isaga tagay, iyadoo dadka deegaanka ay isugu soo bexeen goobta uu dilku ka dhacay.

Degmada Dharkeynley ayaa waxaa ku soo kordhaya dilalka, iyadoo isbuucii la soo dhaafay uu ahaa kii ugu dilalka badnaa degmada Dharkeynley.

 

Home // Warar hore // Taariikh // Faallo // Maqaallo // Agoonta S/galbeed // Xidhiidhka
Copy right © Soomaligalbeed 2006

Email:Webmastar@soomaaligalbeed.com

Website: http://www. soomaaligalbeed.com