Wararka maanta

Ciidamada Gumaysiga Itoobiya oo xasuuq ba'an kagaystay Magaalada Galaalshe ee Wadanka S/galbeed.

7-7-08 Ciidamada Gumaysiga itoobiya ayaa xasuuq ba'an ka gaystay magaalada galaalshe ee wadanka s/galbeed, kadib markii ay ciidamadaasi rasaas ooda uga qaadeen labo reerood oo reer miyi ah oo degenaa duleedka magaalada galaalshe.

Ciidamada gumatsiga itoobiya oo baryahanba kamaqnaa magaalada galaalshe kadib markii ay isaga carareen cadaadis kayimid dhanka jabhadaha oo go'doon galiyay isu socodkii ciidamada gummaysiga Itoobiya .

Ciidamadan ayaa ku soo laabtay magaaladaas iyagoo dadkii degenaa ugaystay xasuuq ba'an, kadib markii ay labo reerood oo wada degen duleedka magaaladaas ay ciidamada gumaysiga Itoobiya inta ay hareeraha kamareen iyaga iyo xoolahoodiiba rasaas ooda uga qaaday oo dadkii iyo duunyadiiba ka dhigay wax dhintay iyo wax dhaawacmay.

Xasuuqa ay ciidamada gumaysiga itoobiya kagaysteen tuuladaas ayay ku nafwaayeen inta la og yahay 22 qof oo shacab ah, kuna dhaawacantay in kabadan 40 qof oo ay ku jiraan caruur iyo dad waayeel ah.

dadkan ay ciidamada gumaysiga itoobiya ay xasuuqa u gaysteen ayaa isugu jira dad xoolo dhaqato ah oo kayimid dhanka Dhagaxbuur iyo dad sii degenaa magaalada galaalshe.

dadka usoo naqraadsaday dhanka galaalshe ee kayimid dhanka dhagaxbuur ee lagu dilay magaalada galaalshe ayaa lagu sheegay in ay dhan yihiin 16 qof oo aanaan wali helin magacyadooda halka dadka sii degenaa magaaladaas oo ay dhimashadoodu dhan tahay 6 qof ayaan magacyadooda helnay 4 kamid ah, kuwaas oo lagu kala magacaabo:-
1- Cabdi Max'uud axmed
2- C/qaadir Musdhafa.
3- C/hi cumar Xirsi.
4- iyo Nin lagu magacaabo ina Axmed Ereri.

Dhibaatan iyo xasuuqan bahalnimo ee ay ciidamada gumaysiga itoobiya kasameeyeen magaaladaas ay shacabkii ka agdhawaa isaga hayaameen meelihii ay degenaayeen kadib markii ay ogaadeen in aan iyaga iyo xoolahooda midna lacafinaynain.

Dhibaatadaas ay ciidamada gumaysiga Itoobiya ku hayaan shacabka s/galbeed ayaa ah mid xusuus murugo leh oo aanay shacabka s/galbeed marna hilmaami doonin.

kalasoco waxii kasoo kordha galaalshe warsidaha soomaaligalbeed.com

Home // Warar hore // Taariikh // Faallo // Maqaallo // Agoonta S/galbeed // Xidhiidhka
Copy right © Soomaligalbeed 2006

Email:Webmastar@soomaaligalbeed.com

Website: http://www. soomaaligalbeed.com