Wararka maanta

Ciidamada Mujaahidiinta Middowga Labhada Xoraynta S/galbeed oo Weerar dhabo gal ah ku qaaday Kolonyo Baabuur ah oo ay wateen Ciidamada Itoobiya.

Ciidamada Mujaahidiinta Middowga Jabhada Xoraynta S/galbeed ayaa weerar dhabo gal ah ku qaaday ciidamo Itoobiyaan ah oo ku socda kolonyo inta u dhaxaysa Laandheer iyo Gabagabo.



Dagaalkan oo ahaa mid aad u culus muddo halsaac ahna soconayay, ayay ciidamada mujaahidiintu ku gubeen sadex kamid ah gaadiidkii dagaalka ee ay wateen ciidamada gumaysiga itoobiya , kuwaas oo labo kamid ah ay ahaayeen Baabuurta lagu qaado ciidamada ee looyaqaano Uuraalka , halka midka sadexaadna uu ahaa baabuur xambaarsan qoriga Zuu loo yaqaano ee labo dhuumoodka loo isticmaalo lidka Dayuuradaha..

Mujaahidiinta MJXSG ayaa baabuurtan dhabaha u galay kadib markii ay war bixin ku heleen in ciidamo badan oo u socda dhanka xadka uu wadanka s/galbeed la leeyahay soomaaliya, kuwaas oo loo arkayay in ay u socdaan xoojin iyo in ay dhibaato iyo xasuuq kabilaabaan gudaha wadanka soomaaliya.

Ciidamada Mujaahidiinta Middowga jabhada xoraynta s/galbeed ayaa isaga baxay dagaalkii kadib markii ay khasaaro naf iyo maalba leh u gaysteen ciidamadii duulaanka ku ahaa dhanka soomaaliya awalna xooga ku haystan wadanka s/galbeed .

Dagaalkan ayuu dagaalyahannada uga shihiiday Mujaahid Axmed Cabdullaahi Gadhweyne oo markii hore dhaawac ahaan looga soo qaaday goobta dagaalka, muddo kadibna u shihiiday dhaawacii kasoo gaadhay rasaasta gumaysiga ee haleeshay, ilaahayna waxaan uga baryaynaan in uu shahaadadiisa aqbalo. Aamiin Aamiin...

Ciidamada Itoobiya ee kolonyada watay ayaa degay goobtii uu dagaalku ku qabsaday iyagoo ay baabuurtoodu dhiiga kashubmaayaan.

Home // Warar hore // Taariikh // Faallo // Maqaallo // Agoonta S/galbeed // Xidhiidhka
Copy right © Soomaligalbeed 2006

Email:Webmastar@soomaaligalbeed.com

Website: http://www. soomaaligalbeed.com