Wararka maanta

XUKUMADDA NUUR CADE OO COD KALSOONI AH KA HESHAY BAARLAMAANKA DF.

Xukuumadda Ra'isulwasaare Nuur Cadde ayaa maanta cod aqlabiyad leh kalsoonida uga heshay xubnaha barlamaanka ee fadhigoodu yahay magaalada Beydhabo ee xarunta gobolka Bay.

Inta badan xildhibaanada barlamaanka ayaa codka kalsoonida ah siiyey xukuumadda uu hogaamiyo Nuur Cadde, iyadoo xildhibaanada ay cod aqlabiyad ah siiyeen xukuumadda Ra'isulwasaare Nuur Cadde.

Kulan ka dhacay xarunta ADC-da oo uu shir guddoominayey Sheekh Aadan Madoobe guddoomiyaha barlamaanka ayey inka badan 191 xildhibaan codka kalsoonida ku siiyeen xukuumadda Nuur Cadde, halka 7-xildhibaan ay diideen 2-xildhibaana ay ka aamuseen.

Intii aanu kulanka furmin ayaa buuq waxa uu ka dhashay qaabka kalsoonida loogu qaadayo xukuumadda, iyadoo markii dambe guddoomiyaha barlamanka uu ku dhawaaqat qaabka codeynta.

91 xildhibaan oo horey mooshin uga keenay xukuumadda ayaa maanta kahor intii aan codka kalsoonida ah loo qaadin xukuumadda ka tanasulay mooshinka.

Si kastaba ha ahaatee xukuumadda Ra'isulwasaare Nuur Cadde ayaa cod aqlabiyad leh oo aad u sareeya ka heshay barlamaanka Soomaaliya, iyadoo maalmihii la soo dhaafay magaalada Beydhabo uu ka aloosnaa loolan xagga siyaasadda ah.

ABAARO BA,AN OO LAGA SOO SHEEGAYO GOBALO KA MID AH DHULKA SOOMAALIGALBEED EE LAGUMAYSSTO.

Waraka naga soogadhay wadanka s/galbeed aya sheegaya in ay kajiraan abaaro iyo macaluul aad uba,an oonan soomarin wadanka mudo kabadan 25 sano,abaartan ooy weheliso cdaadiska iyo cunaqabataynata ay kuhayaan ciidamada Gumaysiga Itoobiya.

Kuwaasoo dhulka s/galbeed ka gaysta gaboodfalka aan arxanka lahayn, ayaa udub dhaxaad unoqday in ay leedaan xoolahii oo ay soo wajahday shacabkii dhibato laxowbadan,

waxaa faraha kabaxay wax allaale wixii ay dadku kunoolaayeen ee ahaa handi mood iyo noolba oo waxaa sahayatay abaartii sicir bararkuna waxaa uu marayaa meeshii ugu saraysay cuntada aadbay ugu yartahay gobalka


Waxaa intaa sii dheer biyo la,aan meelaha qaarna waxayba dadka iyo xooluhuba uga hayaameen biyo iyo Baad la,aan

qayladhaanta kasooyeedhaysa wadanka s/galbed ayaa kusoobeegmaysa xili ay xukuumda wayaanha ay ka eriday wadanka s/galbeed inta badan hayadihii samafalka.

kadib abaraha kuhabsaday shacabka dulaman iyo cadadiska kaga imaanhaya guumaysataha wayanaha ayaa sababay in ay kasoo barakacaan dad badan si ay uhellaan meel ay biyo baad ka helaan.

BISHII RAMADAAAN OO BILLAABANTAY IYO AXKAAMTA SOONKA .

Bilashada Bisha Barakaysan ee Ramadan ayaa waxaa caawa laga arkay qaybo badan oo ka mid ah Dalka Soomaaliya iyadoo ay bishii shabcaanna ay ku dhamaatay 30 buuxdo ay ahaydba in lasoomo.

Sh Axmed Jaylaani oo ah Madaxa Barnamijyada iyo Suuqgaynta ee Idaacadda Qur’aanka Kariimka IQK iyo dad kale oo ay isku goob ku sugnaayeen ayaa waxay sheegeen in ay arkeen bishii oo aad u yar isla mar ahaantaana ay Ummadda Islaamka ah gaar ahaan tan Soomaaliyeed ugu baaqayaan in ay barri Soomaan.

Sidoo kale waxaa dadka arkay Bisha oo ay Sh. Axmed Jaylaani iskula sugnaayeen Xaafadda Maanabooliyo gar ahaan Nasiib buundo ka mid ahaa Maxamed Nuur Cali oo asna idaacadda Shabeelle ka xaqiijiyay in uu si toos ah u arkay Bishii Ramadaan.

Maxamed Nuur Cali oo ay dad deegaanka ah ku sheegeen in ay yahay in macquul ah ayaa waxaa uu Ummadda Islaamka ah ee Soomaliyeed u sheegay in ay barri soon tahay isla markaana uu ku boorinayo in ay Bilaaban Bisha Barakaysan ee Ramadaanka.

Dhinaca kale wariye Madax banaan oo ku sugan Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka J/Hoose ayaa waxaa uu noo xaqiijiyay in magaalada laga bilaabay Salaaddii Taraawiixda isla markaana ay magaalada dhex meerayaan Gawaari lagu rakibay Codbaahiyeyaal kuwaas oo ku baaqaya in Bari lasoomo maadaama Bishii laga Arkay Qaybo ka mid ah Dalka Soomaaliya.

Waxaa laga yaabaa in ay jiraan goobo farabadan oo kale oo laga arkay bisha barakaysan ee Ramadaan taas oo aan wali ina soo gaarin waxaana barri laga soomayaa dalal farabadan oo islaam ah oo ay ka midtahay Dalka Sucuudiga iyo dawlado kale oo Muslim ah waxaana barri fariidada Soonka bilabaya inta badan Ummadda Islaamka ah ee ku dhaqan daafaha Dunida.

Bisha Shacbaan ayaa waxaa la sheegay in ay maanta ku ekayd oo ay u buuxsantay 30-kii casho sida ay xaqijiyeen dad u kuur galay bilashadii Bisha shacbaan ee ka horaysay Ramadaanka.

HADABA KUSOO DHAWAADA AXKAAMTA SOONKA BISHA BARAKAYSAN EE RAMADHAAN.

Saan ognahay soonka la soomo bisha ramadaan waa tiirka 3aad ee arkaanta islaamka, wuxuuna ka mid yahay cibaadooyinka kuwa ugu fadli badan,waayo wuxuu kulansaday sabar laga sabro waxey naftu u baahan tahay iyo in lagu sabro dhibaatada gaajada iyo haraadka, sidoo kale Alle naftiisa ayuu u nisbeeyey soonka wuxuuna balanqaaday in uu ka abaalmarinaayo qofkii sooma.

Soonku Waa sir u dhaxeysa Alle iyo adoonkiisa qof kalena ma ogaan karo. Soonku waa cibaado da´ weyn oo dadkii naga horreeyeyba soomi jireen, waxaana la waajibiyey sanadkii 2 ee hijrada Nabiga (NNKH), waajibinta waxey ku sugantahay kitaabka Alle, sunnada Nabiga (NNKH), iyo ijmaaca muslimiinta.

Xikmooynka soonka waxaa ka mid ah kuwo uu Alle kaligiis ogyahay, waxaana jiro kuwo muuqdo oo iska cad kuwaasna waxaa ka mid ah:
1. cibaado uu Alle noo sharciyeeyey
2. In uu qofku fahmo in uu yahay daciif u baahan rabbigiis
3. In ey muslimiintu mid yihiin waayo isku mar ayeey bilaabaayaan soonka
isku marna wey afuraayaan

4.Waxaa isku mid ah oo uu simay soonku qof taajirka ah iyo qofka faqiirka ah.

Fadliga soonka bisha ramadaan:
1. Waxaa la furaa albaabada jannada waxaana la xiraa albaaba naarta
2. Waxaa ku jira habeen camalka la sameeyo uu ka khayr badan yahay 1000 bilood
3. Waxaa la xir-xiraa shayaadiinta.
4.Qofkii sooma asagoo rumeysan wuxuu Ilaahay sheegay,xisaabsanaayana ajar uu Allaah ka sugaayo waa loo danbi dhaafaa
5. Soonka wuxuu u shafeeca qaadaayaa saaxiibkiisa maalinta Qiyaamo.
6. Qofkii hal maalin u soomo Alle dartiis waxaa laga fogeynaayaa 70 sano naarta.

Goormuu bilaawdaa bisha ramadaan?
Saan ognahay soonka waajibka waa bisha ramadaan waxaa is weydiin mudan, goormuu ramadaan bilaabanaaya? Bisha ramadaan wuxuu ka bilaawanaayaa markii la arko bisha habeenka 29 ee bisha shacbaan ama ay bisha shacbaan 30 maalin buuxiso, mana banaano in maalim ama laba maalmood Ramadaanka ka hor la soomo ( Maalmaha Shakiga) illaa qof hore u soo soomi jiray sunnooyin oo ay kaga soo aaday mooyaane.

Waxaa sunno ah in la suxuurto intaaan la aadimin salaada fajar waxaana suxuurta ku jirta barako siduu Nabiga (NNKH) noo sheegay, suxuurto waxey noqon kartaa xataa xabad timir ah iyo koob biyo ama caano ah.

Waxyaabaha Soonka buriya :-
Waxyaala soonka jabiya ama buriya , loona baahanyahay qofka muslimka in uu barto siduu iskaga ilaalin lahaa waa:
1. galmada ula kacda ah ee loo galmooda xaaska xilliga maalinkii ah ee la sooman yahay
2. biyaha (shahwada) oo ka yimaada qofka ciyaar darteed ama uu isagu iska keenay
3. cuntada iyo cabitaanka oo si kas ah loo cabo
4. mataga oo kas la iskaga keeno
5. dhiiga caadada iyo dhiiga dhalmada
6. waali uu qofku waasho

Goorma ayaan loo baahneyn in uu qofka muslimku soomo?
Maadaama diinteenu ay tahay mid naxariis badan Waxaa jira xaalado aan qofka looga baahneyn in uu soomo waxaana ka mid ah xaaladahaas:
1. Qofka xanuunsan
2. Qofka musaafirka ah, safarka waa banaantahay in uu qofku iska afuro,
sidoo kale waxaa u banaan in uu soomo.
3. Gabadaha dhiiga xaydka ku dhacay iyo gabadha umushay oo dhiiga dhalmada ka socdo.

Waxaa jiro maalimo eysan banaaneyn in la soomo sida uu Nabiga (NNKH) cadeeyey, maalmahaasna waa:

1. Ciidul Fitri iyo ciidul Adxaa maadaamo ay yihiin labo maalin oo ay muslimiintu farxaayaan
2. Maalinta Jimcada kaligeed, in laga hormariyo ama laga dib dhigo maalin mooyaane
3. 3 da maalmood ee ka danbaysa maalinka 10aad ee dilxija ee ciidweynta, waana maalmo farxad oo cabitaan iyo cunto ( Maalmaha tashriiqa)
4. In la soomo sanadka oo dhan oon maalina laga afurin
5.. In la soomo maalinta laga shakiyo in ay ramadaan tahay illaa qof soo soomi jiray soon sunno.
6. In la soomo maalin sabti kaligeed illaa in lala soomo maalinta axada.
7. Sidoo kale gabadha ma u banaano in ay soonto soon sunno ah niinkeedoo joogo illaa uu ninkeeda u fasaxo.
8. Waxaa xaaraan ah in la isla xaariiriyo 2 maalin soonkeed asagoo uusan qofka afurin.

Aadaabta soonka

Waxaa jira waxyaalo looga baahanyahay in qofka soomaaya in uu la yimaado waxaana ka mid ah:
1. In uu suxuurto, wakhtigeedana uu dib dhigo.
2. In uu lamyimaado duco wakhtiga afurka, ducadaasna larajaynayo inay tahay mustaab..
3. In uu iska ilaaliyo waxyaalaha buriya soonka.
4. In uu cadeysto, hadduu dareemo isbadal riixada afka..
5. In uu ku dadaalo cibaadada iyo sameynta camalka wanagsan 10ka dambe ee ramadaan sida ictikaafka.
6. Quraan akhriska in labadiyo, akhrin iyo tadabur iswata..

Baraarujin:

Waxaa jiro waxyaalo dadka u maleynayaan hadduu qofka sooma la yimaado inuu Sonónka kaburayo, lakiin sida saxda ah ay tahay inay waxba udhimayn soonka, waxyaalahas waxaa ka mid ah:

1. In biyo madaxa la iskaga shubi karo, lana qubaysan karo.
2. In la dhunkan karo xaaska haduu qofka naftiisa ka adagyahay.
3. In la samayn karo Sandaarsi iyo af luq-luqkhasho adoon ku xeel dheeraanayn.
4. In la cadayan karo hadduu qofka dareemo riixada afka oo isbadashay.

Waxaa qoray:
C/caziiz Ahmad
E-mail: cabdicaziizaxmed@hotmail.com

Home // Warar hore // Taariikh // Faallo // Maqaallo // Agoonta S/galbeed // Xidhiidhka
Copy right © Soomaligalbeed 2006

Email:Webmastar@soomaaligalbeed.com

Website: http://www. soomaaligalbeed.com