Wararka maanta

War Degdeg ah: Ciidamada Mujaahidiinta MJXSG iyo Ciidamada Gumaysiga Itoobiya oo Fooda Isku daray Meel udhaw Buurta Koojaar.

Ciidamada mujaahidiinta MJXSG iyo cutub katirsan Ciidamada Gumaysiga Itoobiya oo kayimid dhanka Magaalada Garbo ayaa fooda isku daray meel u dhaw buurta Koojaar ee u dhay magaalad Garbo ee gobolka Nogbeed ee wadanka s/galbeed.

Dagaalkan oo ahaa mid isku dhac ah ayay labada ciidan isga horyimadeen meel suryo ah oo ay wadadu kaleexanaysay oo ay labada ciidanba midba dhinac kasoo hayay, isku dhacan ayaa ahaa mid islas matkiiba rasaas ooda la isaga qaaaday oolabada dhinacba ay dib u baxeen, dhanka mujaahidiinta ayaan isku dhacaas waxba ku noqonin ayadoo aan lagaranaynin wax soo gaadhay ciidamada gumaysiga Itoobiya

Dadka degan deegaanka uu isku dhacu kadhacay ayaa sheegay in ay ciidamadii Itoobiyaanka ahaa ay dib ugu laabteen dhanka magaalada Garbo.

Shil baabuur oo Ka dhacay inta u dhaxaysa Tuulada Aroorees iyo Jigjiga.

Shil baabuur oo ka dhacay inta u dhaxaysa Tuulada Aroorees iyo Jigjiga ayaa waxaa ku geeryooday Wakiilkii Xawaaladda Dahabshiil u joogay magaalada Jigjiga oo lagu magacaabi jiray Mukhtaar, Marxuum Mukhtaar ayaa Tuulada Aroorees ugu baxay hawl isaga gaar u ahayd sida la sheegayana wiil ay isaga qaraabo yihiin ayuu gabadh ugu doonayay tuuladaas, balse markii soo noqodkii ayuu baabuurkiisii uu watay uu kula gadoomay wadada u dhaxaysa Aroorees iyo Jigjiga halkaas oo uu Marxuum Mukhtaar ku geeryooday.

Shilkan Baabuur ayaa sidoo kale waxaa dhaawacyo culusi ka soo gaadheen 2 qof oo Marxuum Mukhtaar la socotay iyadoo mid ka mid ahi lugta uu ka jabay balse dhaawacoodu iska fududaa waxaana lagu daaweynayaa dhawacaas hadda Isbitaalka Jigjiga.

Shilkan dhacay ee uu Marxuum Mukhtaar ku geeryooday ayaa naxdin weyn ku beeray Shacabka ree Jigjiga iyadoo Marxuum Mukhtaar uu ahaa nin aad u wanaagsan oo firfircoon isla markaana dadka macaamiisha u ahaa Dahabshiil Jigjiga ay aad u jeclaayeen.

Marxuum Mukhtaar ayaa maanta galinkii dambe waxaa lagu aasay xabaalaha Jigjiga iyadoo ay Aaskii ka soo qayb galeen dad aad u tiro badan oo ka kala socday dhamaan Xawaaladaha magaalada Jigjiga ka jira iyo dad kale oo tiro badan.

Bahda Shabakadda Soomaaligalbeed waxay tacsi tiiraanyo leh gaadhsiinayaan dhammaan Qaraabadii iyo dadkii uu ka geeryooday Marxuum Mukhtaar oo ahaa Wakiilkii Xawaaladda Dahabshiil Jigjiga u joogay isna waxaan Ilaahay uga baryaynaa inuu Naxariistiisii Jano ka waraabiyo dadkii uu ka tagayna samir iyo Iimaan ka siiyo
Aamiin Aamiin

Soomaaligalbeed

Tacsi Tiiraanyo leh

Waxaan eeba u wadiinayna Janidii Fardawso inu kawaraabiyo Marxuum Iidle Geedi Cabdi (Iidle Garoore) oo ku geriyooday Magalada Dhoobley Ee Gobalka J/hoose shalay oy tarikhdu aheed 31/07/2008 Eheladii iyo Qarabii uu katagayna samir iyo iimaan Allaah hakasiyo Ammiiiiiiiin AAmiiiiiiiiin

Wariye:Ismaacil Abdi (ismaciil45@hotmail.com)

 

Home // Warar hore // Taariikh // Faallo // Maqaallo // Agoonta S/galbeed // Xidhiidhka
Copy right © Soomaligalbeed 2006

Email:Webmastar@soomaaligalbeed.com

Website: http://www. soomaaligalbeed.com