 |
WABIGA
SHABEELE OO FATAHAAD KASAMEEYAY GOBOLKA SHABEELADA HOOSE.
Wabiga
Shabeelle ayaa xalay ku fatahay deegaano katirsan gobolka Sh/hoose,
waxaana la sheegay in fatahaadda webiga ay geysatay khasaaare
xooggan.7/9/08
|
 |
KOOXO
HUBAYSAN OO XALAY NIN KU DILAY XAAFADA SUUQ BACAAD.
Kooxo
hubeysan ayaa xalay nin ganacsade ah waxa ay ku dileen xaafadda
Suuq Boocle degmada Dharkeynley ee magaalada Muqdisho.7/9/08
|
 |
DAGAAL
XOOGAN OO XALAY KADHACAY XAAFADA KM4 EE MAGAALADA MUQDISHO.
Dagaal
xooggan ayaa xalay saqdii dhexe waxa uu ka dhacay isgoyska KM4
degmada Hodan ee magaalada Muqdisho, iyadoo dagalka ay sheegteen
xoogagga Al-shabaab oo kamid ah xoogagga dagaalka kula jira ciidamada
Itoobiya iyo kuwa DF.7/9/08
|
 |
DAGAAL
XALAY KADHACAY MAGAALADA BAYDHABO EE GOBOLKA BAY.
Dagaal
iyo duqeyn ayaa xalay ka dhacay xaafado katirsan magaalada Beydhabo
ee xarunta gobolka Bay halkaas oo ay isku fara saareen xoogagga
Al-shabaab iyo ciidamada dowladda KMG ah.7/9/08
|
 |
CIIDAMO
ISAGU JIRA SOOMAALI IYO TOOBIYAAN OO ISU SOO DHIBAY XOOGAGA MUJAAHIDIINTA.
9-askari
oo mid kamid ah uu yahay askari katirsan ciidanka Itoobiya ayaa
isku soo dhiibay xoogagga hubeysan ee dagaalka kula jira dowladda
maqaar saarka ah iyo ciidamada gumaysiga. 7/9/08
|
 |
AGOONTA
IYO ARAAMIISHA S/GALBEED OO U BAAHAN ZAKAATUL FIDHRIGAAGA!!.
Maamulka
Agoonta iyo Araamiisha S/galbeed ayaa codsi ay ku dalbanayaan
zakaatul fidhriga Bisha barakaysan ee ramadaan u gudbinaya Muslimiinta
khayrka jecel ee dunida dacaladeeda ku nool 6/9/08
|
 |
SADEX
QOF OO GANACSATO SOOMAALI AH OO LAGU DILAY WADANKA K/AFRIKA.
Seddex
wiil oo somali ah ayaa geeriyootay seddex kalane waa la dhaawacay
kadib markii kooxo hubaysan oo burcad ah una dhashay dalka south
african ay weerar kusoo qaadeen goobo kala duwan oo dukaamo ku
laahaayeen somaalidaasi oo ku yaala tuulooyinka wadanka south
africa..6/9/08
|
 |
WADOOYINKA
MAGAALADA JIGJIGA OO CIIDAMO ITOOBIYAAN AH LASOO DHOOBAY.
Maalmihii
u dambeeyay siiba xilliyada habeenkii ah ayaa waxaa Ciidamo tiro
badan oo ka tirsan Booliska Fadaraalka ah waxaa la soo dhoobay
gudaha magaalada Jigjiga siiba meelaha waddooyinka ah iyo meelaha
kale ee uu Shacabku ku badan yahayba..6/9/08
|
 |
CIIDAMADA
IYOOBIYA OO DAD SHACAB AH KU LAAYAY MAGAALADA BARDAALE.
Ciidamada
Itoobiya ee shalay uu dagaalku ku qabsaday meel ku dhow degmada
Bardaale ayaa dilay inka badan 14-qof oo rayid ah kuwaas oo la
sheegay in ciidamada Itoobiya ay si bareer ah u dileen..6/9/08
|
 |
MADHABAA
DHALANTEEDKA MARAYKANKA EE XEEBAHA SOOMAALIYA.
Dowladda
Maraykanka ayaa markii ugu horeysay shaacisay inay dhistay ciidamo
badmaaxiin ah oo si gaar ah uga howlgala xeebaha dalka Soomaaliya
iyo tan gacanka Cadmeed.6/9/08
|
 |
DHALINYARO
SOOMAALIYA OO UBADAN SAFAR OO HABEENKII XALAY LAGA QQABTAY MEEEL
BASASKA LAGA RAACO OO KU TAALA MAGAALDA HERAR.
Wararka
ka imaanaya magaalada Harar ayaa sheegaya in habeenimadii xalay
dhalinyaro Soomaali ah oo markaa un magaalada timid lagu qabqabtay
Xerada Basaska ee magaalada Harar, dhalinyartan ayaa markii hore
waxay ka yimaaddeen dhinaca Addis Ababa waxayna ku socdeen Jigjiga.
4/9/08
|
 |
KAALIYAHA
XOGHAYAHA GUUD EE QARAMADDA MIDOOBAY JOHN HOLMES OO KA DAYRIYAY
XAALADA NOLOLEED EE DHULKA S/GALBEEED.
Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan Hawlaha Gargaarka Aadanimo
John Holmes, ayaa ugu baaqay xukuumada Itoobiya in ay u ogalaato
ururada samafalka ah in ay soo qiimeeyaan xaalada guud iyo goobaha
ay ku hardamayaan Jabhadaha iyo Ciidamada Tigreeggu
4/9/08
|
 |
QARAX
WAYN OO KA DHACAY SHALAY MAGAAALADDA ADIS ABABA AYAA LA SHEEGAYAA
IN UU GAYSTAY KHSAARE XOOGAAN.
Cabsi
weyn ayaa xalay iyo maanta laga dareemayay Magaalada Addis Ababa,
kaddib markii ay shalay qarax ka dhacay magaaladaas ay dad badani
ku dhinteen sida uu sheegay Afhayeen u hadlay Booliska Magaalada
Addis Ababa oo lagu magacaabo Demisu Haylu. 4/9/08
|
 |
ABUU
MANSUUR OO SHEEGAY IN AY IYAGU KA DAMEEYEEN DAGAALKII SAAKA KA
DHACAY DULEEDKA MADAXTOOYADA VILLA SOOMALIYA.
Afhayeenka
Al-shabaab Sheekh Muqtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo shir jaraa'id
qadka taleefanka ugu qabtay warbaahinta magaalada Muqdisho ayaa
ka hadlay dagaalkii saaka ka dhacay qeybo akmid ah degmooyinka
magaalada Muqdisho. 3/9/08
|
 |
UGAAS
CABDI QAADIR DHAQANE OO KA TIRSAN MADAXDA ISBAHAYSIGA GARABKA
ASAMRA AYAA SI KULUL UGA JAWAABAY HADAL KASOO YEERAY CABDULAAHI
YUUSUFU
Masuul
ka tirsan isbahaysiga Dib u xoreynta Garabka Asmara ayaa si kulul
uga Jawaabay hadaladii kala duwanaa ee ka soo baxay Xubno ka mid
ah Dowladda maqaarsaarka ah oo ku aadanaa in ay xoog kula wareegayaan
Magaalada kismaayo Xarunta Gobolka Jubadda Hoose oo ay xiligani
gacanta ku hayaan Xoogaga Islaamiyiinta Soomaaliyeed. 3/9/08
|
 |
CIIDAMADA
KENYA OO XADKA KU XIDH XIDHAY DAD BADAN OO SOOMAALI AH.
Ciidamada
xadka ee dalka Kenya ayaa xirxiray inka badan 100-qof oo Soomaali
ah kuwaas oo doonayey inay galaan dalka Kenya.2/9/08
|
 |
CIIDAMADA
DALKA UGANDHA EE KU SUGAN SOOMAALIYA OO QARAX LALA BEEGSADAY.
Qarax
xooggan oo ahaa miino nuuca dhulka lagu aaso ayaa saaka lala beegsaday
ciidamada Ugandha oo howlo miino baaris ah ka waday inta u dhexeysa
garoonka diyaaradaha iyo isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho.2/9/08
|
 |
CALI
CABDALLAH SAALEX OO SHEEGAY IN UU GARAB U YAHAY DFKMG..
Madaxweynaha
Dalka Yemen Cali Cabdalla Saalax iyo madaxweynaha DF oo khadka
Taleefanka ku wada hadlay ayuu Cali u sheegay in Dowladiisa Yemen
ay diyaar u tahay in ay garab istaagto DFKMG ah ee la shaqeysa
Gumeysiga Itoobiya. 2/9/08
|
 |
SHEEKH
YUUSUF SIYAAD INDHACADE OO ISKA FOGEEYAYKU LUG LAHAANSHO BUDHCAD
BADEED.
Sheekh
Yuusuf Maxamed Siyaad (Indhacadde) oo shir jaraa'id maanta ku
qabtay magaalada Muqdisho ayaa warar aan sal laheyn ku tilmaamay
wararka sheegaya inuu xiriir la leeyahay kooxaha burcad badeedka
ee maraakiibta shisheeye.1/9/08
|
 |
XUKUMADDA
NUUR CADE OO COD KALSOONI AH KA HESHAY BAARLAMAANKA DF.
Xukuumadda
Ra'isulwasaare Nuur Cadde ayaa maanta cod aqlabiyad leh kalsoonida
uga heshay xubnaha barlamaanka ee fadhigoodu yahay magaalada Beydhabo
ee xarunta gobolka Bay.1/9/08
|
 |
ABAARO
BA,AN OO LAGA SOO SHEEGAYO GOBALO KA MID AH DHULKA SOOMAALIGALBEED
EE LAGUMAYSSTO.
Waraka
naga soogadhay wadanka s/galbeed aya sheegaya in ay kajiraan abaaro
iyo macaluul aad uba,an oonan soomarin wadanka mudo kabadan 25
sano,abaartan ooy weheliso cdaadiska iyo cunaqabataynata ay kuhayaan
ciidamada Gumaysiga Itoobiya.1/9/08
|
 |
BISHII
RAMADAAAN OO BILLAABANTAY IYO AXKAAMTA SOONKA .
Bilashada Bisha Barakaysan ee Ramadan ayaa waxaa caawa laga arkay
qaybo badan oo ka mid ah Dalka Soomaaliya iyadoo ay bishii shabcaanna
ay ku dhamaatay 30 buuxdo ay ahaydba in lasoomo.1/9/08
|
 |
MAGAALADA
BUULO BURTE OO LOOGA DHAWAAQAY MAXKAMAD SHAREECADDA ISLAAMKA KU
XUKUNTA MAGAALADAAAS.
Waxaa
shalay shir ka dhacday degmada Buule Burde oo ay ka soo qeybgaleen
saraakiil ka tirsanaa Maxaakiimtii Islaamiga soomaaliyeed oo shirkaas
dhexdiisa uga dhawaaqay Furitaanka Maxkamad Islaami ah oo ay yeelato
degmadaasi. 31/8/08
|
 |
jAALIYADDA
SOOMAALIDDA EE DALKA SOUTH AFRICA SASA OO SHAHASADO SHARAF GUDOONSIISAY
MID KA MID AH MADAXDA DALKAAS.
PORT ELIZABETH: xaflad si weyn loo soo agaasimay oo manta lagu
qabtay xarunta wasaaradda shaqadda & shaqaalaha ee magaaladda
port Elizabeth ayeey jaaliyadda soomaaliyeed ee dalka k/afrika
(SASA) ku gudoonsiisay shahaado sharaf wasiirka shaqadda &
shaqaalaha mudane: martin & police director mudane: meyer
. 30/8/08
|
 |
SHACABKA
S/GALBEED OO LOO DIIDAY IN AY RABITAANKOODA KU SOOMAAN HADII AY
BISHU DHALATO.
Shacabka
ku dhaqan magaalada Fiiq ayaa amar lagu siiyay in Bisha Soon aysan
la soomin Wadamada Carabta siiba Sacuudiga oo ay iyagu ku soomaan
un Aragtida bisha, amarkan ayaa waxaa uu ka soo baxay kuwa isku
sheega inay Shacabka dhinaca diinta hoggaan u yihiin oo la shaqeeya
Maamulka Lugbuur ee magaalada Fiiq.30/8/08
|
 |
DEGMADA
GALAADI EE DHULKA S/GALBEED OO MAXAABIIS BADAN OODA LAGA QAADAY.
ku
dhawaad 30 Qof oo Rayid ah oo ay Ciidamada Gumeysiga Itoobiya
ee xooga ku haysta Dhulka S/Galbeed Qafaasheen ayaa dib u helay
Xoriyadoodii ka dib markii ay mudo 4 Bilood ah ku xirnaayeen Xabsi
ku yaala Degmada Galaadi ee Dhulka S/Galbeed. 30/8/08
|
 |
XABSIYADA
S/GALBEED OO AY BUUX DHAAFIYEEN DAD IYO DUUNYABA.
Wararka
nagasoo gaadhaya Gobalka Fiiq, gaar ahaan degmada Dhuxun ayaa
sheegaya in lagu xidhxidhay dad aad ubadan oo isugu jira odayaal,
Culimo owdiin & dhalinyaro, halka Magaalada fiiq ay buux dhaafiyeen
xabsiyadu Geel laga soo xidh xidhay Deegaanka uu ka kooban yahay
Gobolka Fiiq.30/8/08
|
 |
CIIDAMADA
MUJAAHIDIINTA MJXSG OO WEERAR KU QAADAY SALDHIG AY CIIDAMADA GUMAYSIGA
ITOOBIYA KU LAHAAYEEN CUNADHEERE.
Mujaahidiinta
Midowga Jabhadda Xorayna Somaaligalbeed UWSLF iyo ciidmadda Gumaysiga
Itoobiya ayuu dagaal Culusi ku dhexmaray Deegaanka lagu magacaabo
Cuna dheere oo u dhow ceelka Carmaale oo ka tirsan gobalka Godey
ee dhulka S/galbeed ee lagumaysto.29/8/08
|
 |
DEGMADA
DHARKAYNLAY OO XALAY LAGU WEERARAY TALIYE CIIDAN.
Kooxo
hubeysan ayaa xalay weerar ku qaaday guri uu degmada Dharkeynley
ka deggan yahay taliye ku xigeenka ciidanka saldhigga degmada
Dharkeynley.28/8/08
|
 |
MAXAABIIS
KABADAN 35 QOF OO LAKEENAY MAXKAMADA MAGAALADA JIGJIGA.
Waxaa
maanta dacwadoodu Maxkamadda Jigjiga ka socotay Maxaabiis tiro
ahaan gaadhaya ilaa 35 Maxbuus kuwaas oo lagu waday baabuurka
weyn ee badanaa Maxaabiista lagu qaado, Maxaabiistan ayaa dhammaantood
u badnaa Rag dhalinyaro ah oo muddooyin badan ku xidhnaa Xabsiga
weyn ee magaalada jigjiga.28/8/08
|
 |
DAGAAL
XOOGAN OO SAAKA KADHACAY MAGAALADA MUQDISHO.
Dagaal
xooggan ayaa saaka ka dhacay qeybo kamid ah wadada warshadaha
gaar ahaan xarumaha Gaashaandhigga, Kuliyaddii Jaalle Siyaad iyo
guryihii Saraakiisha oo inuba fariisin u ah ciidamada dowladda
KMG ah iyo kuwa Itoobiya.27/8/08
|
 |
HABEENKII
LABAAD OO BAYDHABO GUDAHEEDA LAGU WEERARAY QAAR KAMID AH XUBNAHA
BAARLAMAANKA.
Xalay
fiidkii ayaa waxa weerar Bambaano lagu qaaday Hoyga xubin ka mid
ah Baarlamaanka DFKMG ah ee la shaqeeya Gumeysiga Itoobiya oo
lagu magacaabo Maxed Xuseen Raage xili uu ku sugnaa Magaalada
Baydhabo Xarunta Gobolka Baay. 27/8/08
|
 |
DADKA
REER KAASHMIIR OO DOORMOODAY IN AY BANAAN BAXYO KU XOREEYAAN DALKOODA.
kaashmiir
dareen kii kajiray wuu kasii dariye?
Dhibaata
lagu hayo muslimiinta kunool kaashmiir ayaa hada maraysa meeshii
oogu xumayd, dhibaadan ayaa bilaabatay xili ay kadhacayaan banaan
baxyo waa wayn gobalka kashmiir ee ay guumaysato xukuumada INDIA.
26/8/08
|
 |
DAGAAL
XOOGAN OO SAAKA KADHACAY GUDAHA DEGMADA HODON EE MAGAALADA MUQDISHO.
Dagaal
xooggan ayaa saaka ka dhacay qeybo kamid ah degmada Hodan ee magaalada
Muqdisho kaas oo u dhexeeya ciidamada dowladda KMG ah iyo xoogagga
ka horjeeda.26/8/08
|
 |
CUSMAAN
CAATO OO XALAY LAWEERARAY GURIGIISA UU KADEGAN YAHAY MAGAALADA
BAYDHABO.
Weerar
loo adeegsaday Bambaano ayaa xalay lagu qaaday hoyga uu magaalada
Beydhabo ka deggan yahay xildhibaan Cusmaan Xasan Cali (Caato)
oo kamid ah xubnaha barlamaanka Soomaaliya.26/8/08
|
 |
SHIRKII
LAAMAHA JAALIYADA GOBOLKA EASTREN CAPE OO LASOO GABA GABEEYAY.
Queenstown:
Shirkii laamaha jaaliyadda soomaaliyeed ee gobolka Eastern cape
oo shalay ka furmay degmadda(chris hani district) ee magaaladda
queenstown ayay iskugu yimaadeen masuuliyiinta xarumaha jaaliyadda
lixda degmo ee gobolka eastern cape.26/8/08
|
 |
CIIDAMADA
MJXSG OO WEERARAY BAABUUR KOLONYO AH OO MARAYAYINTA U DHAXAYSA
SHAYGOOSH IYO DHOODLAY.
Ciidamada
Mujaahidiinta MJXSG ayaa weerar ku qaaday ciido Itoobiyaan ah
oo watay baabur kolonyo ah inta udhaxaysa Shaygoosh iyo Boodhlay.25/8/08
|
 |
Dr
CUMAR IIMAN OO UAHADLAY ISBAHAYSIGA GARABKA ASMARA OO SI WAYN
USOO DHAWWEYAY QABSASHADII MAGAALADA KISMAAYO.
Dr
Cumar Imaan Abubakar oo ka mid ah xubnaha ugu sar sareeya ee isbaheysiga
dibu xoreynta, garabka asmara ayaa si weyn u soo dhaweeyay qabsashada
Magaalada Kismaayo ee dhawaan ay sida rasmiga ah ula wareegeen
xoogag ka tirsan MMIS iyo Al-shabaab.25/8/08
|
 |
SHIRKII
SADEXDA BILLOOD EE JAALIYADDA EASTREN CAPE OO BARI KAFUMAYSA QUENSTON.
Queenstown:
masuuliyiinta jaaliyadda soomaaliyeed ee gobolka Eastern cape
oo caawo ku sii qul qulaya magaaladda queenstown oo barito shir
ooga furmidoona inshaa alaahu magaaladda queenstown ee gobolka
Eastern cape, madax xafiiska queenstown mudane24/8/08
|
 |
DAGAAL
CULUS OO HADDA KA SOCONAYA bANKA JIIRO OO U DHAXEEYA CIIDAMADA
MAXAAKIIMTA IYO CIIDAN UU WATO BARE HIIRAALE.
War
Dagdag ah oo hada nasoo gaadhay ayaa sheegaya in uu hadda dagaal
culusi ka socda deegaanka Jiiro oo ka tirsan Dagmadda Afmadow
ee gobalka Jubadda hoose , dagaalkan ayaa u dhaxeeya ciidamada
Maxaakimta Islaamka Iyo Ciidan uu wato Bare Hiiraale oo laga soo
saaray Magaalada Kismaayo 24/8/08
|
 |
WARAR
DHEERAAD AH OO KASOO BAXAYA IS QAB QABSIGII KILILKA.
YAY KU HADHAY DAACADNIMADII MELES, YUUSE WIISHU
QAADAY?
Wararka
ka soo baxaya Shirkii ay Madaxda Lugbuur iyo Malas ku lahaayeen
Addis Ababa ayaa sheegaya in uu ku dhammaaday guul darro, kaddib
markii la isba tusi kari waayay Lugbuur iyo Madaxdiisii, oo khilaaf
xooggani ka dhaxeeyay.23/8/08
|
 |
ROOBAB
LAXAAD LEH OO KA BILLOWDAY MAGAALADA JIGJIGA IYO NAWAAXIGEEDDA.
Waxaa
Degaamo dhawr ah oo ka tirsan Dhulka S/galbeed ka bilowday Roobab
xooggan kuwaas oo wakhtiyada habeenkii ah aad u da'a, Roobashan
ayaa xooggoodu waxaa uu ku da'aa magaalada Jigjiga iyadoo ay adag
tahay socodku xilliyada habeenkii ah markuu Roobku da'ayo.23/8/08
|
 |
MAGAALADA
KISMAAYO OO AY GACAN KU HAYNTEEDA SI BUUXDA ULA WAREEGEEN MUJAAHIDIINTA
SOOMAALIYEED.
Ciidamada mujaahidiinta maxaakiimta Islaamka soomaaliyeed
ee jubooyinka oo ay taageerayaan xoogaga Alshabaab ayaa sitoos
ah ula wareegay magaalada kismaayo dagaal mudo sadex maalmood
ah kasoconayay guhaga magaalada kismayo.22/8/08
|
 |
GACAN
YARAYAASHII LUGBUUR OO UU GAMGAME UGA FURMAY MAGAALADA JIGJIGA.
Waxaa
magaalada Jigjiga ka bilaabmay maanta Shir lagu gamgamaynayo Xildhibaanada
Maamulka Lugbuur kuwaas oo markii u horeysay Shir gamgame ah uga
furmay magaalada Jigjiga, Shirkan gamgameha ah ayaa waxaa ka soo
qayb galay Madaxda Maamulka Lugbuur intii ku hadhay Jigjiga iyo
waliba Madax kale oo Guumaysiga ka socda.22/8/08
|
 |
MADAXDA
WADANKA KENYA OO INDHAHA CAALAMAKA KU SOO CELINAYA WADANKOODA.
Madax wayne kuxigeenga dalka kenya mr KOLONZO MUSIYOKA oo kusuga
dalka turkia ayaa kuqalqaalinhay dawladaas sidii ay umaalgashanlahayd
dalka kenya MUSIYOKA ayaa kulan kulaqaatay casimada istambuul
madaxwaynaha wadankas iyo waliba sarakaali sarsare ookatirsan
dowlada turkia, kolonzo ayaa kushukaaminhaya turkia in ay maalgashato
wadaka kenya.21/8/08
|
 |
MAGAALADA
KISMAAYO OO UU HADHEEYAY DAGAALO ISDABA JOOG AH.
Dagaalo
ayaa markale dib uga soo cusboonaaday magaalada Kismaayo ee xarunta
gobolka J/hoose kaasi oo u dhexeeya xoogaga mujaahidiinta soomaliyeed
iyo Maleeshiyo Beeleedka Gacanta ku yaha magaaladaasi.21/8/08
|
 |
DAGAALO
XOOGAN OO SAAKA KABILLOWDAY ISGAYSKA KM4 EE XAAFADA TALEEX.
Dagaal
xooggan ayaa saaka waaberigii waxa uu ka dhacay isgoyska KM4 ilaa
xaafadda Taleex ee degmada Hodan halkaas oo ay weerar qaadeen
xoogagga hubeysan ee Al-shabaab.20/8/08
|
 |
DADKA
DANYARTA MAGAALADA JIGJIGA OO NOQDAY DADKA UGU SAHLAN EE XABSIYADALAGEEYO.
Ciidamada
Guumaysiga ayaa maalin dhawayd waxay Xabsiga Jigjiga dhigeen Gabadh
xoogsato ahayd oo ciyaalkeeda suuqa uga xamaali jirtay, Gabadhan
aya ahayd gabadh suuqa ku leh maqaaxi yar isla markaana ahayd
Gabadh Maskiin ah oo quutal ciyaalkeeda uga raadin jirtay maqaaxidaas.20/8/08
|
 |
DAD
KA SOO BARAKACAY S/GALBEED OO SOOGAADHAY XERYAHA QAXOOTIGA DADAB
EE
WADANKA KENYA
.
Waxaa
waayahanba kusoo qulqulayay xeryaha qaxootiga ee ku yaala wadanka
kenya dad kasoo barakacay gabolada uu kakooban yahay wadanka s/galbeed.19/8/08
|
 |
MID
KAMID AH ISBAHAYSIGII ISLAAM LADIRIRKA SOOMAALIYA OO LADILAY.
Mid
kamid ah shaqsiyaadkii ku bohoobay isbeheysigii argagixiso la
dirirka ayaa lagu dilay deegaanka Siinaay ee magaalada Muqdisho.18/8/08
|
 |
XAFLAD
LAGU SOO GABAGABEEYAY KOOBKII KUBADDA CAGTA EE GOBOLKA ESTRENCAPE
EE WADANKA SOUTH AFRICA OO AY KU GUULAYSATAY KOOX LOOYAQAANO AL-SHABAAB.
Xaflad
aad loosoo agaasimay oo lugu maamusayo munaasabad lugu xiraayo
horyalkii Gobalka Eastern Cape ee Cariga K/Africa ayaa waxaa lugu
qabtay Xafiiska Jaaliyada (SASA) Ee Gobalka Eastern Cape.18/8/08
|
 |
MADAXDA
MAAMULKA KILILKA OO LAGU GAMGAMAYNAYO MAGAALADA ADIS ABABA.
Waxaad
waayo joogtaba marbuu wiishku kula kici!!.
Sida ay wararku tibaaxayaan waxuu shir gam game ah uga socdaa
magaalada adis ababa madaxdii daba qoodhiga ee kililka oo ay maanta
marayso in ay is fashiliyaan , cadeeyaana midkoodii nabad diid
ah hadii kale ay mudanayaaan ciqaab waajib kooda ah..18/8/08
|
 |
KHILAAFKA
U DHAXEEYA MAAMULKA KILILKA OO CIRKA ISKU SHAREERAY.
Waxaa maalmahan dambe Khilaaf xoogani u dhaxeeyay Madaxda sarsare
ee Maamulka Lugbuur kuwaas oo si xun isku haystay isla markaana
u jirsaday inay gacanta isu qaadaan, Khilaafkan ayaa waxaa uu
kala ahaa laba saf, waxaa dhinac iskula jiray Lugbuur iyo C/fataax
Sh. C/laahi oo ah Ninka haysta Xisbiga Sheegta Magaca Soomaaliga
ee Guumaysiga u adeegga..17/8/08
|
 |
CANBAAREEYN
KU AADAN XASUUQII KA DHACAY CARBISKA
Jaaliyadda
Soomaaliyeed ee dalka k/afrika waxeey canbaareeyneysaa falkii
waxshi nimada ahaa ee ku kaceen ciidamadda Ethiopia ee ku sugan
agagaarka magaaladda afgooye taas ooy xabad iskaga fureen baabuurta
shacabka BL-ka loo yaqaano.17/8/08
|
 |
DADKA
U KALA GOOSHA MAGAALOOYINKA MUQDISHO IYO AFGOOYE OO XAYIRAAD LAGU
SOO ROGAY.
Wadada
isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye ayaa maalintii 2-aad
u xiran ciidamada Itoobiya oo shalay wadadaas qaraxyo iyo iska
horimaad lagula beegsaday.16/8/08
|
 |
CIIDAMADA
MUJAAHIDIINTA SOOMAALIYEED OO WEERAR KU QAADAY MAGAALADA BALADWEYNE.
Ciidamada
mujaahidiinta soomaaliyeed ayaa weerar ku qaaday saldhig ay ciidamada
gumaysiga itoobiya ku leeyihiin gudaha magaalada baladweyne ee
caasimada golbolka hiiraan.16/8/08
|
 |
MID
KAMID AH DIYAARADAHA QAADKA GEEYA SOOMAALIYA OO BURBURTAY.
Mid
kamid ah diyaaraha qaadka ka keena dalka Kenya ayaa saaka ku dhacday
garoonka Number 50 ee gobolka Sh/hoose.13/8/08
|
 |
MID
KAMID AH MAS'UULIYIINTA MAGAALADA MUQDISHO OO LADHAAWACAY.
Guddoomiye
waaxeedkii waaxda Hilaac ee degmada Xamarweyne ayaa kooxo hubeysan
saaka waaberigii waxa ay ku dhaaweceen qeybo kamid ah degmada
Xamarweyne ee magaalada Muqdisho. 13/8/08
|
 |
KOOXO
HUBAYSAN OO DAD SHACAB AH KU DILAY INTA U DHAXAYSAGOSHA IYO KISMAAYO.
Kooxo
burcad ah ayaa tacshiirad ku furay gaariga rakaab ah oo marayey
meel u dhexeysa deegaanka Mareerey iyo magaalada Kismaayo ee xarunta
gobolka J/hoose.12/8/08
|
 |
MAAMULKA
LUGBUUR OO ALBAABADA U XIRAY LABO HAY,ADOOD OO SAMAFAL AH.
Maamulka
Cabdulaahi Lugbuur ayaa waxay Albaabada u xidheen Laba Hay'adood
oo wakhtiyo dhaadheer ka hawlgali jiray meelo badan oo ka mid
ah Dhulka Soomaaligalbeed, labadan Hay'adood oo magacdooda la
kala yidhaahdo HOPE FOR THE HORN iyo AL-NAJAX.12/8/08
|
 |
MADRASADA
CUMAR BIN KHADAAB OO UU MAAMULKA LUGBUUR UFARA QANIINAYO INUU
XIDHO.
Madrasada
Cumar Binu-khadaab oo ak mid ah Madaarista waaweyn ee caanka ka
ah magaalada Jigjiga ayaa waxaa looga cabsi qabaa in Maamulka
Lugbuur xidho madrasadaas, kaddib markii maamulkaasi ku eedeeyay
Macalimiinta Madrasadaas inay xidhiidho la leeyihiin Jabhadaha
ka dagaallma Degaanka.11/8/08
|
 |
DHIBADADA
LAGU HAYO MUSLIMIINTA KENYA OO MARAYSA MESHII OOGU XUMAYD
Ayada
ooy wayahanba laguhayay cadadsi aad uba,an muslimiinta kenya aya
waxa hada oogu dambaysay wiil dhalinyara oo habeenkii xalay haa
loogaystay tacadi kii oguxumaa.11/8/08
|
| |
CIIDAMADA
KENYA OO DHALIN YARO REER GAARISA AH XABSIGA U TAXAABAY.
Mararka
naga soo gadhaya magalada garisa ee xarunta gobalak waqooyi bari
kenya ayaa waxay noo xaqiijiyeen in shalay galin kii danbe lagaqabatay
goob lagaraaco gawaadhida ukala gooshta magalada garisa iyo xeryaha
qaxotiga ee dhadhab 4 ruux, waxa naloo xaqiiyay in ay ciidanka
boliska ah ee lootababaray in ay kahortagan argagixisadain in
ay qabteen 4 ruux oo aha kuwo sugahayay gadhi,dadkan laqabatay
aya waxaa kujira wiil dhalinyara aha oo caanka ka aha magalada
garisa kaas oo lagumagacaabo MAXAMED MANSUUR11/8/08
|
 |
CIIDAMADA
GUMAYSIGA ITOOBIYA OO XASUUQ KAGAYSTAY DEGMADA WANLAWAYN.
Ciidamada
Itoobiya ayaa maanta dad rayid ah ku laayey degmada Wanlaweyne
ee gobolka Sh/hoose halkaas oo qarax lagula beegsaday maanta.11/8/08
|
 |
CIIDAMADA
MUJAAHIDIINTA SOOMAALIYEED OO WEERAR KU QAADAY XARUN AY DEGENAAYEEN
CIIDAMADAGUMAYSIGA ITOOBIYA.
Xoogagga
hubeysan ee ka horjeeda ciidamada Itoobiya ayaa barqadii maanta
weerar waxa ay ku qaadeen fariisinka ay ciidamada Itoobiya iyo
kuwa dowladda KMG ah ay ku leeyihiin xaruntii hore ee warshadda
Baastada.11/8/08
|
 |
ASKARI
KATIRSAN CIIDAMADA GUMAYSI KAL KAALKA OO QOF RAYID AH KU DILAY
MAGAALADA MUQDISHO.
Askari
katirsan ciidanka dowladda KMG ah ayaa maanta nin rayid ah
ku dilay isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.11/8/08
|
 |
QAAR
KAMID AH BAABUURTA ITOOBIYAANKA OO LAGU GUBAY INTA UDHAXAYSA AFGOOYE
IYO XAMAR.
Labo
kamid ah gawaarida ay inta badan adeegsadaan ciidamada Itoobiya
ee loo yaqaan Uralka ayaa xalay lagu gubay meel u dhexeysa deegaanada
Siinka Dheere iyo Ceelasha biyaha ee duleedka Muqdisho.11/8/08
|
 |
XOOGGA
MUJAAHIDIINTA SOOMAALIYEED OO WEERAR KU QAADAY KULIYADII JAALE
SIYAAD.
Waaberigii
hore ee saaka ayaa xoogagga hubeysan ee Al-shabaab waxa ay weerar
ku qaadeen fariisin ay ciidamada Copy-ga Itoobiya ku leeyihiin
xaruntii hore ee kuliyadda Jaalle Siyaad.11/8/08
|
 |
KOOXO
HUBAYSAN OO NIN KU DILAY DEGMADA MADIINAEE MAGAALADA MUQDISHO.
Kooxo
hubeysan ayaa xalay fiidkii abaaro 7:00 nin ku dilay xaafadda
Macmacaanka degmada Dharkeynley ee magaalada Muqdisho.11/8/08
|
 |
ISKUULKA
OOGU CAANSAN GOBOLKA WAQOOYI BARI EE KENYA OO LA ISKU HAYSTO LAHAANSHIHIISA
Magaalada
Gaarisa oo aha caasimada gobalka waqooyi bari ayaa waxaa dhawaanahanba
kataagnaa isqabqabsi dhanka dhulka aha iyada ooy taas jirto ayaa
waxaa hada soo ifbaxday in iskuulka oogu caansan uguna da,da wayn
gobalka waqoyibari in ay sheegteen ganacasto rer gaarisa ah lahaanshihiisa.9/8/08
|
 |
Xoogagga
Al-Shabaab oo la wareegay Maanta Magaalada Xuduree Gobolka Bakool.
Dagaalyahannada
Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa saaka la wareegay gacan ku haynta
Magaalada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool iyada oo Maamulkii DFKMG
ah ee la shaqeeya Gumeysiga Itoobiya uga wakiilka ahaana isaga
baxeen.8/8/08
|
 |
Ganacsatada
Magaalada Jigjiga oo lakala Dooransiiyay ama Xabsi ama Shirka
oo ay Udareeraan iyagoo Albaabada ulaabay Ganacsigooda.
Maamulka
Lugbuur ayaa Shacabka ku dhaqan magaalada Jigjiga amar ku bixiyay
inay ka soo qayb galaan Shirarka ka kala socda dhammaan Xaafadaha
magaalada Jigjiga, Shirarkan oo Xaafad walba goonideed loogu qabanayo
ayaa waxaa qasab lagaga dhigay Shacabka inay ka soo qayb galaan
isla markaana Albaabada u xidhaan meheradahooda.7/8/08
|
 |
Magaaladda
Fiiq oo ay kataagan tahay Caryaa hadla oon laxidhin!!.
Wararka
aanu ka helayno magaalada Fiiq ayaa sheegaya in Shirkii dhawaan
Maamulka Lugbuur u qabtay Shaqaalaha Degmadaas uu wali socdo iyadoo
intii uu shirkaasi socdayna dad badan xabsiga loo taxaabay kuwaas
oo Maamulka Lugbuur ku eedeeyay inay Xidhiidh la leeyihiin Jabhadaha
Degaanka ka dagaalama.7/8/08
|
 |
Magaalooyinka
Wadanka S/galbeed oo ay Raashiin La'aani Kajirto.
Magaalooyinkii
waawaynaa eewadanka s/galbeed sida Qabridahare, wardheer, jigjiga,
Dhagaxbuur, Godey iyo Fiiq, oo dhammaantoodba ah magaalo madaxyada
gobolada ay ciidamadagumaysiga Itoobiya ay cuna qabataynta ku
hayaan.6/8/08
|
 |
Ciidamada
Gumaysiga Itoobiya oo Labo macalin Qur'aan kala baxay Magaalada
Jigjiga.
Ciidamada
Guumaysiga ayaa habeen hore waxay magaalada Jigjiga ka xidheen
2 Macalimiin Qur'aan ahaa kuwaas oo Madraso ka dhigi jiray xaafadda
8aad ee magaalada Jigjiga, macalimiintan ayay Guumaysigu qabteen
xilli ay ku sugnaayeen gudaha madrasada oo ay Arday Quraanka u
dhigayeen, loomana sheegin waxa lagu xidhayo balse amar umbaa
lagu siiyay inay xidhaan madrasada isla markaana ay soo raacaan
iyagu Askarta.4/8/08
|
 |
Dadka
kasoo Cararaya Maalulka Zenawi oo kusoo badanaya Wadanka Kenya.
Magaalada
Nairobi iyo magaalooyinka kale ee Kanya oo buuxdhaafay dadkii
kasoo cararayay Xukuumada Itobiya iyo maamulka camiilka ah ee
kajira Kilika. Warayse uu layeeshay warsidaha S/galbeed qaar kamid
ah dadkaas buux dhaafiyay magaalooyinka kinya yaa waxay kusheegeen
sababta ay usoo cararayaan hada kahorba way joogi jireene dhibkuna
wuu jiraye in aytahay Ciidamada gumaysiga itoobiya iyo maamul
kusheega kililka oo si xad dhaaf ah isaga xidhxidhaya dadweenaha
iyo kuwa maamulka kujiraba.4/8/08
|
 |
Maxaabiistii
lagu aruuriyay Magaalada fiiq oo loo furay wax layiraahdo gamgame.
Wararka
nagasoo gaadhiya gobalka Nogbeed ee wadanka S/galbeed ayaa sheegaya
in maxaabiis badan oo laga soo qaaday Degmada Dhuxun ee isla gobolkaas
loona gudbiyay magaala madaxda gobalka ee Fiiq, uu halkaas kafurmay
waxa loo yaqaano gamgame oo ah in qof walba uu qirto waxa lagu
soo eedeeyay hadii ay jirto iyo hadii aysan jirinba.3/8/08
|
 |
In
kabadan 11 Wasiir oo ka mid ah Xukuumadda Nuur Cadde oo Iscasishay
Waxaa
maanta oo ku beegan 2 bisha Augast ee 2008 xilkoodii iska casilay
12 wasiir oo ka mid ah golaha Xukuumadda Nuur Cadde ee la shaqaysa
gumaysiga Itoobiya.2/8/08
|
 |
MAXAA
KALAHAYSTA ASKARTA KENYA IYO QAXOOTIGA SOMALIYEED EE KUSUGAN MAGALADA
NAIROBI?
Dadka
qaxootiga ah ee sida sharci darada aha kujooga magalada nairobi
khasatan xafada islii ayaa waxaa haysta dhibaatoyin dhowr aha,
waxaan kamid aha dhinaca dhaqalaha ,amaanka iyo waliba caafimaadka.2/8/08
|
 |
War
Degdeg ah:
Ciidamada Mujaahidiinta MJXSG iyo Ciidamada
Gumaysiga Itoobiya oo Fooda Isku daray Meel udhaw Buurta Koojaar.
Ciidamada mujaahidiinta MJXSG iyo cutub katirsan Ciidamada
Gumaysiga Itoobiya oo kayimid dhanka Magaalada Garbo ayaa fooda
isku daray meel u dhaw buurta Koojaar ee u dhay magaalad Garbo
ee gobolka Nogbeed ee wadanka s/galbeed.1/8/08
|
 |
Shil
baabuur oo Ka dhacay inta u dhaxaysa Tuulada Aroorees iyo Jigjiga.
Shil
baabuur oo ka dhacay inta u dhaxaysa Tuulada Aroorees iyo
Jigjiga ayaa waxaa ku geeryooday Wakiilkii Xawaaladda Dahabshiil
u joogay magaalada Jigjiga oo lagu magacaabi jiray Mukhtaar1/8/08
|
 |
Tacsi
Tiiraanyo leh
Waxaan eeba u wadiinayna Janidii Fardawso inu kawaraabiyo Marxuum
Iidle Geedi Cabdi (Iidle Garoore) oo ku geriyooday Magalada Dhoobley
Ee Gobalka J/hoose shalay oy tarikhdu aheed 31/07/2008 Eheladii
iyo Qarabii uu katagayna samir iyo iimaan Allaah hakasiyo Ammiiiiiiiin
AAmiiiiiiiiin 1/8/08
|